Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Maanta Ka Dhacay Suuq Ku Yaalla G/Baay

0
Sunday December 05, 2021 - 19:10:28 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Maanta Ka Dhacay Suuq Ku Yaalla G/Baay

    Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay Suuq ku yaalla degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah. Qaraxa m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay Suuq ku yaalla degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah. Qaraxa miinada ahaa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay oo goob Maqaaxi Shaah lagu cabo oo ku taalla Suuq degaanka Awdiinle, isla markaana waxaa xiliga uu qaraxu dhacaayay ku sugnaa dad badan, sida ay ku warrameen Dad goobjoogayaal ah. Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas Maanta ka dhacay degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo isugu jiray dad Maqaaxida ku sugnaa iyo dad goobta ka Agdhawaa. Guddoomiyaha deeganka Awdiinle ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay oo ka hadlaayay qaraxaas dhacay ayaa sheegay in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen qaraxaas. Dadka dhaawacmay ayuu Guddoomiye Maxamed Nuur Kalaay sheegay in la geeyay Isbitaalka weyn ee Gobolka, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo, wuxuuna intaas kusii daray inay ka xun yihiin qaraxa khasaaraha dhaliyey ee Maanta ka dhacay degaanka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip