Ciidamada Puntland oo howlgal xoogan ka fuliyay Buuraleyda Gobolka Bari

0
Sunday December 05, 2021 - 19:00:11 in Wararka by
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Puntland oo howlgal xoogan ka fuliyay Buuraleyda Gobolka Bari

    Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ee kala ah Birmadka, Daraawiishta iyo PMPF ayaa 24 ki saac ee lasoo dhaafey waxey howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaan Buureedka gobolka Bari gaar ahaan dhagax dhaabuur iyo meelo u dhow deegaanka Madarshoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ee kala ah Birmadka, Daraawiishta iyo PMPF ayaa 24 ki saac ee lasoo dhaafey waxey howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaan Buureedka gobolka Bari gaar ahaan dhagax dhaabuur iyo meelo u dhow deegaanka Madarshoon. Howlgalka ayaa saaraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in uu ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaa, isla markaana Bartilmameedku uu ahaa saldhigyo ay Al-Shabaab ku la haayeen godod dhex dood. Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in howlgalka uu si wanaagsan ugu dhacay ayna la wareegeen Ciidamada dhamaan goobihii ay howlgallada ka sameeyeen. Ugu dambeyn saraakiishu waxaa ay sheegeen in weli howlgalka uu socdo, isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray Ciidamada. Inta badan dhulka Buuraleyda ah ee kuyaalla Gobolka Bari ayaa waxaa mararka qaar weeraro kasoo qaada Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip