HALKAAN KA AKHRISO :- WARARKA W.M.TIMES 5-DEC-2021

0
Sunday December 05, 2021 - 07:10:31 in Wararka by
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :- WARARKA W.M.TIMES 5-DEC-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

RW Rooble Oo Amray In Si Deg-Deg Sharciga Loo Horgeeyo Dadkii Dilay Dhallinyarada

    RWasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Roo ble ayaa ka hadlay dilal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay M/Muqdisho ugu geysteen 3 Ruux oo dhalinyaro ah oo ay ku jiraan 2 Walaalo ah

R/Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa marka hore tacsi u diray qoysas ka ay ka geeriyoodeen Sa kariye Maxamuud Xuseen iyo So wda Maxamuud Xuseen oo walaa lo ahaa iyo Mahad C/raxmaan Ma xamuud oo ay dileen Ciidanka dowladda.

R/Wasaare Rooble  ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in Ciidanka ammaanka ay soo qabte en eedaysanayaashii dilay 3-da Ruux ee dhalin yarada ahaa, kuwaasi oo lagu kala xiray Isgoys yada Soobe iyo Dabka ee Muqdisho.

     Rooble ayaa amray in si deg deg ah sharciga loo horgeeyo eedaysanayaashii loo soo qabtay dilalka loo geystay Allaha u naxariistee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud, si ehelado odu caddaalad u helaan.

    Laamaha amniga dowladda ayaa gacanta ku soo dhigay dad lagu tuhmayo dilalkaas ka dha cay Muqdisho, waxaana dadka lasoo qabtay ay yihiin  Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo haat an ay ku socdaan baaritaano kala duwan, isla markaana Booliska shaaciyay in sharciga la ho rgeyn doono dadka la qabtay.

Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo sheegay in ay soo qabteen askartii shacabka ku dilay Muqdisho

     Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhig aan eedaysenayaashii rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuse en iyo Sowda Maxamuud Xus een.  War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliiska, ayaa lagu sheegay, in eedaysaney aasha kiiskan oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ay hadda ku jiraan gacanta Dowladda.

      "Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baar itaan ka dib ay Dorraad ku guulaysteen in ay gac anta ku soo dhigaan eedaysenayaashii Habeen hore rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Max amuud Xuseen. Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowlad da, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh. C/B/Soomaaliyeed waxa uu har & habeen u taagan yahay ilaalinta nafta & maal ka shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa shacabka ka codsanaynaa in ay si dhow u la sha qeeyaan CBS ayaa lagu yiri qoraalasi

     Booliiska waxay sheegeen in eedeysanayaa sha iyo caddeymaha ka soo baxay baaritaanka lagu sameeyay sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh kiiskan.

Faahfaahin ku saabsan shirarka u socda Golaha Midowga Musharixiinta

     Magaalada Muqdisho waxaa Dorraad dib uga furmay wejiga 2ad shirweyne ay leeyihiin xubn aha G/Midowga Musharixiinta Mucaaradka, kaas oo haatan ka socda hotelka Jaziira oo fadhi gaar ah u ah xubbnaha mucaaradka ah.

     Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya inta bad an Musharixiinta Mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha, waxaana horkacaya Xasan Sh.Maxamuud iyo Sh.Shariif.

    Intiisa badan waxaa shirkan oo daba socda kul amo horay u dhacay diiradda lagu saarayaa xa aladaha soo kordh ay, gaar ahaan dooda ka taagan doorashada Golaha Shacabka dalka.

      Sidoo kale xubnaha Musharixiinta ah ayaa si gaar ah uga tashanayo tallaabooyinka ay qaadi lahaayeen ee ku aadan boob ay sheegeen in lagu hayo doorashooyinka dalka.

      Gabagabada shirkooda ayaa la filayaa inay soo saaray go’aanno cad oo ku aadan xaaladda haatan dalka uu wajaha yo oo ay ugu horreyso muranka ka dhashay doo rashada socota.

G/M/Musharixiinta ayaa horay u soo saaray qoraallo is-daba joog ah oo ay ku weerareen Villa Soomaaliya, waxaanna ay ku eedeeyeen inay ku shubaneyso doorashada.

Si kastaba, xaaladda cakiran ee taagan ayaa ho rseedi kara in dalka markale uu galo qalalaase siyaasadeed, waxaana jirta in aysan weli waxba ka dhaqan-gelin qodobadii kasoo baxay kulan ay horay u yeesheen ra’iisul wasaare Maxamed Xus een Roobe & mucaaradka.

     Soomaaliya ayaa waxaa ku daba dheeraaday ka gudubka xaaladda kala guurka ah ee ka dha latay daaha doorashada oo ay weli isku hayaan mucaaradka & dowladda Soomaaliya.

Ka dib dalabka DF, Golaha Ammaanka oo go’ aamiyey in la soo afjaro howl-galka…

      Golaha Ammaanka QM  ayaa Jimcihii u cod eeyey in 3 bil oo kaliya lagu kordhiyo howlgalka ciidamada caalamiga ah ee badda Soomaaliya ee lagula dagaalamo burcad badeedda, kadib markii DFS ay dalbatay inay si buuxda u maam usho biyaheeda.

   Qaraarka oo ay soo diyaarisay dowladda Mare ykanka ayaa lagu ansixiyey cod aqlabiyad oo ah dhammaan 15-ka dal ee golaha. Faransiiska ay aa ka digay in muddada lagu ko rdhiyey howlgalka ay aad ugu gaaban tahay inay howlgalkan oo ay hoggaam iyaan dalalka Yurub uu si wanaagsan u shaqe eyo, islamarka ana uu abuurayo "firaaq amni.”

     Ayada oo muddo sanado ah uu jiro howlgalk an "wax weeraro ah ma aysan dhicin afar sano,” waxaa sidaas yiri isku-xiraha howlgalka Faransiis ka ee QM Sheraz Gasri.

     Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in xaqiiqda ah in afar sano oo xiriir ah aysan weeraro burcad badeed ka dhicin ba dweynta Hindiya loogu cudur daari karo in how lgalka lasoo geba-gebeeyo.

     3 bil ee lagu daray howlgalka "wuxuu ogolaan aya marxalad kala guur oo ah wada-shaqeyn mili tari,” waxaa sidaas yiri ergeyga Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan, isaga oo amma anay sida howlgalka uu "ugu guuleystay” cirib-tir ka burcad badeedda.

     "Waxaan rumeysannahay in qaraarada G/Am maanka ee burcad-badeednimada iyo dhaca hub eysan ee xeebaha Somaliya ay ku guuleysteen hadafyadii laga lahaa,”ayuu yiri Danjire Abuukar.

    "Maqnaanshaha burcad badeedda wax shaki ah ma gelineyso xaiiqda ah in sii wadista ciida meynta qarankeena iyo dhul-badeedka ay tahay arrin aan xiriir la laheyn burcad badeedda iyo dhaca hubeysan ee Soomaaliya. "

     Intii uu socday kulanka Golaha Ammaankam, Soomaaliya ayaa si xooggan u diiday muddo kor dhin hal sano ah, waxayna ku baaqday in dib loo ga fiirsado siyaasadda.

Xaalad cusub oo kasoo korortay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso

   Wararka naga soo gaarayo M/Boosaaso ee Xarunta G/Bari ayaa sheegaya inay weli socdaan dadaalada lagu doonayo in lagu soo dhameeyo khilaafka u dhaxeeyo hoggaanka ciidamada PSF ee xilka laga qaaday iyo madaxweyaha Puntland Saciid Deni.

   Xogo hoose oo ay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip