NEWS James Swan;"Waxaan Ku Dhiirigelinayaa Dowladda Soomaaliya Inay Taageerto Hay'adda Naafada Qaranka"
Da’dey doonaan ha jiraane, dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa si gooni ah loo aqoonsadaa loona gacan bidxeeyaa ahna kooxaha ku dhex nugul bulshada Soomaaliyeed. Tirada dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Soomaaliya ku sugan ayaa la filayaa in ay ka badato qiyaasta caalamiga ah ee boqilkaba 15 tirada shacabka iyada oo ay ugu wacan yihiin colaadaha dabada dheeraaday, xaaladaha beni’aadannimo iyo helista daryeelka caafimaad ee kooban” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah Swan.
Hal-ku-dhigga xuska sanadkan waa " Hoggaanka iyo ka-qeyb-galka dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku wajahan duni loo dhanyahay, la wada heli karo oo waarta cudurka Koofid-19 ka dib” Hal-ku-dhiggu waxa uu la xiriiraa Soomaaliya maadaama uu hoosta ka xarriiqayo baahida loo qabo ka-qeyb-gal buuxa ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba ka qeyb qaataan geeddi-socodka doorashooyinka ee hadda socda iyo dadaallada looga soo kabanayo saameynta safmarka Koofid-19.
Soomaaliya waxa ay ansixisay Sharciyga Hay’adda Naafada Qaranka bishii Diseembar 2018-kii, waxa ayna meelmarisay Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba bishii Agoosto ee sanadkii 2019-kii, iyada oo daah-furtay Hay’adda Naafada Qaranka Luuliyo 2021-ka.
"Waxaan ku dhiirigelinayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay kordhiso taageerada Hay’adda Naafada Qaranka, oo ah hay’ad muhiim u ah horumarinta xuquuqda naafada,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxa uuna intaas sii raaciyay,
"QM ee Soomaaliya waxaa weli weli ka go’an ka taageeridda Soomaaliya ee horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, uuna quud-darreynayo dhamaystirka Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Qaranka, si loo dhaqan galiyo si waafaqsan Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba.”
NEWS James Swan;"Waxaan Ku Dhiirigelinayaa Dowladda Soomaaliya Inay Taageerto Hay'adda Naafada Qaranka"
....