Ra'iisul Wasaare Rooble & Cumar Cabdirashiid oo ka wada hadlay doorashooyinka

0
Sunday December 05, 2021 - 06:14:22 in Wararka by
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble & Cumar Cabdirashiid oo ka wada hadlay doorashooyinka

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hooygiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, kaas oo maalmo ka hor soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu ku wehlinayay Wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte ayaa waxaa ay isweydaarsadeen aragti ku saabsan xaaladda guud ee dalka. iyadoo si gaar diiradda u saaray doorashada dalka.

 

"Waxaana hoosta laga wada xarriiqay ahamiyadda ay leedahay in hannaanka doorashadu noqdo mid u cuntama saamileyda siyaasadda oo dhan ayuu yiri” Cabdiraxmaan Ceynte oo kulanka qeyb ka ahaa.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Roobe dadaalkiisa ku aadan doorashoyinka, wuxuuna ugu baaqay in doorashooyinka noqdaan kuwo daahfuran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay ula kulmay saamileyda siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo walaac ka muujiyay sida ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip