Xaalad cusub oo kasoo korortay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso

0
Saturday December 04, 2021 - 17:01:33 in Wararka by
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad cusub oo kasoo korortay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya inay weli socdaan dadaalada lagu doonayo in lagu soo dhameeyo khilaafka u dhaxeeyo hoggaanka ciidamada PSF ee xilka laga qaaday iyo madaxweyaha Puntland Saciid Deni.

Xogo hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Deni ay xiriiro la sameynayaan hoggaankii xilka laga qaadey ee PSF, iyadoo dhinac kale madax dhaqaameedka ay leeyihiin kulamo la doonayo in qaab nabad ah lagu dhameeyo xaaladda taagan.

Gaadiidka dagaalka ayaa loo diiday inay galaan magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasoo mudooyinkii dambe ay xiisad ka taagan tahay.

Wararka ayaa sheegaya in go’aankan uu kasoo baxay madaxda sare ee Puntland, si looga hortago in Ciidan taabacsan agaasimaha xilka laga qaaday ay galaan magaalada oo hadda ka socdaan dadaallo khilaafka jira lagu xalinayo.

 

Gaadiidka Ciidamada ayaa lagu celinayaa halka loo yaqaano Carmo oo qiyaastii 100KM u jirta magaalada Boosaaso, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan Saciid Deni.

Magaalada Boosaaso oo ah Magaalo ganacsi ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku jirtay xaalad cabsi ah kadib markii ay Magaalada soo galeen ciidamo kala duwan oo iska soo horjeedo kuwaas oo kala taageersan Saciid Deni iyo madaxda PSF.

Xaalad cusub oo kasoo korortay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip