Man United Oo Xagaagan Kooxda Ka Ceyrineysa Xidiga Lagu Hungoobay Ee Memphis Depay

0
Sunday April 24, 2016 - 13:59:15 in Sports News by
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Xagaagan Kooxda Ka Ceyrineysa Xidiga Lagu Hungoobay Ee Memphis Depay

    Manchester United ayaa dooneysa iney meesha ka saarto xidigii ay £25 ka milyan oo pound ay kasoo bixisay xagaagii eeMemphis Depayinkastoo uu kooxda joogay wax ka yar hal sano ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa dooneysa iney meesha ka saarto xidigii ay £25 ka milyan oo pound ay kasoo bixisay xagaagii eeMemphis Depayinkastoo uu kooxda joogay wax ka yar hal sano ka hor.

Louis van Gaal ayaa kooxda ka mamnuucay xidigaan 22-jirka ah kooxda koowaad ee United markii uu ka dhamaaday sabarkii uu u hayay ninka ay isku wadanka yihiin ee ay dabeecada ku yar tahay, waxaana warkaan uu imaanaya xili uu xidigaan wada hadal la yeeshay Van Gaal todobaadkii hore.

Laakin Sunday Mirror Sport ayaa sheegeysa iney fahasan tahay in kooxo ka dhisan England iyo qaarada yuruba ay doonayaan saxiixa Depay laakin hadii ay ku qaadanayaan lacag ka yar tan ay United ka soo bixisay.

Memphis-Depay-main

Depay, ayaa la siiyay maaliyada caanka ah ee no 7 oo ay kooxdaasi hore ugu soo xirteen halyeeyada kala ah George Best, Bryan Robson, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo laakin wuxuu ku guuldareystay inuu kasoo baxo rajadii laga lahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip