Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo ku dhintay Xeebaha Dalka Liibiya.

0
Thursday November 18, 2021 - 15:19:14 in Wararka by
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo ku dhintay Xeebaha Dalka Liibiya.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ku dhawaad 10 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay xeebaha dalka Liibiya, kadib markii ay ku neef qabatimeen doontii ay saarnaayeen, waxaana tahriibeyaashan ka soo jeedaan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.Markab uu leeyahay Ururka Dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee MSF ayaa 99 kasoo saaray Doonta degtay, hayeeshee qeybta hoose ee doonta ayaa laga helay ila 10 meyd ah.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in dadkaan ay ku neef qabatimeen Hawada oo ay ka buuxday Urta baasiinka ayna u badan tahay in ay ku geeriyoodeen qiiqa Doonta kadib 13 saacadood oo ay badda ku safrayeen.

Sidoo kale MSF ayaa sheegtay in dhimashada 10 qof laga baaqsan karay, hayeeshee aysan dhicin dadaal badan oo lagu badbaadin lahaa, waxayna isweeydiiyeen in weli iyada oo lagu jiro sanadka 2021 ay badda dad ku dhimanayaan.

"Dhimashadani waxay calaamad cad u tahay guul-darrida siyaasadaha socdaalka ee dawladaha Yurub iyo ka-shaqayntooda aan la aqbali karin ee ilaalada xeebaha Liibiya si ay u fududeeyaan dib-u-celinta ayuu yiri” Maareeyaha hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta MSF” Juan Matías Gil.

Badbaadinta ay sameysay hay’adda samafalka ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa ah tii saddexaad ee wax ka yar 24 saac gudahood, iyadoo guud ahaan dadkii la socday markabka Geo Barents ay gaarayeen 186 qof, oo kan ugu yar uu jiray 10 bilood.

Tobanaan kun oo qof ayaa sanad kasta isku daya inay urub galaan, iyaga oo sii maraya bartamaha Badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka ambabaxa dalalka Libya iyo Tunusia, iyagaooo intooda badan u safra Talyaaniga, waxaana sanadkaan kaliya ku dhintay Badda Mediterranean-ka 1,236 qof.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip