Jubbaland Oo Faah Faahin Ka Bixisay Dab Ay Ku Dhinteen Hooyo Iyo Carruurteeda

0
Friday November 19, 2021 - 09:04:43 in Wararka by
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland Oo Faah Faahin Ka Bixisay Dab Ay Ku Dhinteen Hooyo Iyo Carruurteeda

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Taliska Booliska Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay Dab geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed oo saaka ka kacay Guri ku yaalla deegaanka Goobwayn oo hoostega Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Taliyaha Booliska Jubbaland Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabka uu ahaa mid xoogan oo socday saacado dhowr ah, isla markaana markii dambe lagu guuleystay demista dabkaas.

   Taliye Maxamed Xujaale ayaa xaqiijiyay in dabka ay ku dhinteen Hooyo iyo Carroortii ay ka dhashay oo laba Canug ahaa, waxaana Taliyaha uu sheegay in la helay laba Meyd, halka Meydka qof kalena lagu la’yahay Guriga gubtay.

Wuxuu intaas kusii daray Taliyaha Booliska Jubbaland Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale in hanti farabadan uu baabi’iyey dabkii kacay oo gurmadka lagu demiyay dabkaas ay ka qeyb qaateen dadka degaanka deegaanka Goobwayn ee Jubbada Hoose

Dabka kacay ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay koronto ku jirtay Guriga, waxaana wararka ay intaas kusii darayaan in Guriga uu yaallay Shidaal ku jiray fuustooyin, isla markaana uu lahaa Nin Ganacsade ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip