Faah Faahin:-Dad Ku Dhintay Qarax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Suuq Ku Yaal Bardaale

0
Friday November 19, 2021 - 13:01:03 in Wararka by
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:-Dad Ku Dhintay Qarax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Suuq Ku Yaal Bardaale

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Inta la xaqiijiyay afar qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday, halka 10 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay gudaha degmada Bardaale ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah Dad ka agdhawaa goobta ayaa waxaa ay ku warrameen in Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog uu ka dhacay Suuqa degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen dad reer miyi ah.

Suuqa uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla dukaaman maalmaha jimcaha ay dadka reer miyiga aad uga adeegtaan, iyaga oo ka yimaada degaano ka fog degmada, waxaana sidoo kale qeyb yar oo suuqa ka tirsan oo lagu iibiyaa Jaadka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Dhowr qof oo kamid ah 10-ka ruux ee dhaawacyada kasoo gaareen qaraxaas ay xaaladdooda Caafimaad liidato, waxaana la geeyay Isbitaalka Magaalada, si loogu dabiibo.

Maamulka degmada Bardaale ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli hadlin qaraxa sababay dhimashada iyo dhaawac ee Maanta ka dhacay gudaha degmadaas, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip