Mourinho Oo Heshiis U Saxiixay Man United, Jovetic Oo Looga Gacan Haatinayo Chelsea & Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Axad Ah.

0
Sunday April 24, 2016 - 13:50:08 in Sports News by
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho Oo Heshiis U Saxiixay Man United, Jovetic Oo Looga Gacan Haatinayo Chelsea & Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Axad Ah.

    Maalinwanaagsan meel walba oo joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan idiin soo gudbineynaa sida aad inooga barateen maalin walba wararkii ugu waa weyn ee ay qoreen wargesyayda maanta oo Axadah, xuquuqda iyo sugnaanshaha wararkaan waxaa ka ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinwanaagsan meel walba oo joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan idiin soo gudbineynaa sida aad inooga barateen maalin walba wararkii ugu waa weyn ee ay qoreen wargesyayda maanta oo Axadah, xuquuqda iyo sugnaanshaha wararkaan waxaa ka mas'uul ah wargeysyada magacooda uu ku hor qoran yahay.

Tabarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho ayaa saxiixay heshiis uu Louis van Gaal kaga bedelayo shaqada Manchester United xagaagan, waxaana lagu dhawaaqi doonaa labada isbuuc ee soo socota. (Sunday Express)

Macalinka United Van Gaal oo qirtay inuusan hubin mustaqbalkiisa islamarkaana go’aanka mustaqbalkiisa ay gacanta ugu jirto boodhka United, waxaana uu si maldahan u sheegay inay jiri doonaan wadahadalo uu la yeelan doono dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Manchester Evening News)

Macalinka reer Holland ayaa sheegay in ku guuleysiga FA Cup inaysan ku filnaan doonin inuu badbaadsado shaqadiisa. (The Sun)

_89412832_express_back

Manchester United ayaa dooneysa inay iska iibiso Memphis Depay oo 22 sanno jir ah kaliya sannad ka dib markii ay 25 milyan ginni kaga soo iibsadeen PSV Eindhoven. (Sunday Mirror)

Man United ayaa tartan kala kulmeysa kooxaha Manchester City, PSG iyo Real Madrid oo ku aadan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal iyo Benfica Renato Sanches. (Sunday Times)

Weeraryahanka Manchester City Stevan Jovetic oo haatan amaah ku jooga INter Milan ayaa waxa uu diirada u saaran yahay macalinka cusub ee Chelsea Antonio Conte, (Star on Sunday)

Goolhayaha Leicester City Kasper Schmeichel oo 29 sanno jir ah ayaa waxaa xagaaga 15 milyan ginni ku dooneysa Barcelona si ay ugu bedelaan Marc-Andre ter Stegen kaasoo Nou Camp ka tagaya. (The Sun0

Daafaca Liverpool Mamadou Sakho ayaa laga yaabaa inuu seego ciyaaraha Euro 2016 ee lagu qabanayo wadankiisa, waxaana macquul ah inuusan Liverpool u ciyaarin ilaa iyo bisha Oktoobar ka dib markii uu ku dhacay baaritaankii isticmaalka dawooyinka mamnuuca ah. (Sun on Sunday)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip