SAWIRO:- AMISOM oo Ciidamo horleh keentay Soomaaliya

0
Wednesday November 17, 2021 - 19:49:24 in Wararka by
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:- AMISOM oo Ciidamo horleh keentay Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray Ciidamo ka tirsan booliska howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kuwaas oo ka socda waddanka Chana.

Ciidamadaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 113 Askari ayaa muddo hal sano ah joogi doona Soomaaliya, iyaga oo ka qeyb qaadan doona dhismaha tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed & sugida amniga doorashooyinka ka bilaabanaya dalka.

 

Ciidamada ka socda Booliska AMISOM ayaa waxaa Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha Booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP) Augustine Magnus Kailie, iyo xubno sare oo ka tirsan Kooxda Hoggaanka Booliska AMISOM.

Ciidamadan ka socda waddanka Chana ee ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa ku biiray 47 askari oo hora u joogay Soomaaliya, waxaana dhamaantood ay ka howlgeli doonaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Taliyaha Booliska AMISOM ayaa xusay in saraakiishan ay ku soo aadeen xilli xasaasi ah oo dalka Soomaaliya ay ka dhacayaan doorashooyin, wuxuuna kula dar daarmay in ay kaalin weyn ka qaataan sugidda amniga doorashooyinka socda, isla markaana ay si hufan ugu adeegaan howlaha loo igmaday.

"Waxaan gacanta ku haynaa shaqo aan ku ilaalineyno amniga doorashooyinka socda. Doorashooyinkani maaha shaqo maalin ah, laakiin waxay socon doonaan ilaa Janaayo. Markaa, hadalkayga digniinta ah waa inaad aad uga taxadirtaa oo aad u heellan tahay waajibkaaga,” ayuu yiri AIGP Kailie.

Isku duwaha howlaha booliska AMISOM & taliye ku xigeenka booliska Daniel Ali Gwambal, ayaa saraakiisha uga warbixiyay qaar ka mid ah howlahooda shaqo oo ay ka mid tahay bixinta taageerada dhanka howlgallada ah ee booliska Soomaaliyeed.

"Qaar ka mid ah waajibaadka aad gudan doontiin waa kuwo loo baahan yahay inaad si firfircon u gudataan,sida roondooyin hubinta baabuurta, joogsiga iyo baaridda, goobidda iyo samatabbixinta, iyo adeegyada kale ee bini’aadantinimo ayuu yiri” Taliye Gwambal.

Dalka Ghana waa mid ka mid ah Waddamada Booliska ugu deeqay AMISOM, waxaana sidoo kale Soomaaliya ku sugan Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalalka, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip