Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo kula wareegay degaanno dhowr ah

0
Wednesday November 17, 2021 - 19:35:52 in Wararka by
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo kula wareegay degaanno dhowr ah

    Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad, qeybta 60-aad ayaa Maanta howlgallo qorsheysan waxa ay ka sameeyeen degaano hoostaga Degmada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool. Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa howlgallada waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad, qeybta 60-aad ayaa Maanta howlgallo qorsheysan waxa ay ka sameeyeen degaano hoostaga Degmada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool. Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa howlgallada waxaa ay ka fuliyeen degaannada Gomori, Aboore, Banjinaay iyo Doonfuul, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Xuddur. Howlgallada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, waxaana Ciidamada ay la wareegeen degaannada ay howlgalka ka sameeyeen oo ay horay ugu sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidamada Guutada 9-aad Qeybta 60-aad iyo mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool ayaa waxaa ay la hadleen qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degaannada howlgallada laga fuliyay, iyaga oo ka codsaday inay Ciidamada Amniga kala Shaqeeyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip