Farmaajo mise Rooble: Yaa qaadaya mas'uuliyada muddo kororsiga cusub ee socda?

0
Wednesday November 17, 2021 - 19:17:03 in Wararka by
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo mise Rooble: Yaa qaadaya mas'uuliyada muddo kororsiga cusub ee socda?

    Tan iyo markii ay dalka si rasmi ah uga bilaabatay doorashada iska daba dheeraatay, ayaa waxaa marba sii kordhayay mudada ay madaxweynaha iyo dowladda hadda jira ay dalka ku xukumayaan sharciyad la'aan. Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii ay dalka si rasmi ah uga bilaabatay doorashada iska daba dheeraatay, ayaa waxaa marba sii kordhayay mudada ay madaxweynaha iyo dowladda hadda jira ay dalka ku xukumayaan sharciyad la'aan. Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo bilaabatay 29-kii July, ayaa waxay socotay 108 maalmood, oo ah in ka badan saddex bil iyo bar, waxaana lagu dooranayey mudadaas 54 Senator oo keli ah. Sidoo kale waxaa dhawaan si hordhaca ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, oo ayadu ka baaxad iyo shaqo badan midda Aqalka Sare, taasi oo sii kordhinaysa muddo kororsiga dadban ee ka socda Villa Somalia. Muddo kororsi dadba Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in dalka uu ka socdo muddo kororsigii laga badbaadiyey, kaasi oo dagaal xoogan ka riday magaalada Muqdisho. "Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd," ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. "Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la'aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah." Haddaba, Yaa qaadaya mas'uuliyada muddo kororsiga sida dadban u hirgelay? Sida ay qabaan dadka falanqeeya siyaasadda waxaa mas'uuliyada u weyn ee muddo kororsiga dadban ee ka socda Villa Somalia dusha u ridanaya ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Farmaajo ayaa iska wareejiyay gacan ku haynta arrimaha doorashooyinka iyo amniga, taasi oo uu ku wareejiyay Ra'iisul Wasaare Rooble oo ah mas'uulka u sareeya ee hagaya doorashada xiligan socota. Rooble waxa uu kasoo bixi waayey mas'uuliyaddii loo dhiibtay, wuxuuna qeyb ka noqday xarig jiidka siyaasadeed ee dalka, isaga oo ku mashquulay khilaafyo siyaasadeed oo aan loo baahneyn iyo xilal magacaabis joogto ah. Ra'iisal wasaaraha ku mashquulsan magacabista wasiiro ilaa agaasimeyaal waa xilgaarsiin aan sharcigu siineynin inuu isbedel weyn ku sameeyo xilalka dowladda, laakiin dowladda Farmaajo ee sanadka sii joogta xilka ayaa sharci-darradaasi caadi ka dhigtay iyadoo uu Rooble ka faa'iideysanayo. Caasimada Online ayaa ogaatay in ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo doonaya inuu xilka sii haysto, maadaama madaxweyne cusub ay ka dhigan tahay inuu meesha ka baxayo. Hore waxaa Rooble looga soo xigtay warar sheegaya in Farmaajo uu doonayo in xilliga Doorashada la gaarsiiyo ilaa April 2022, laakiin waxaa hadda muuqata in Rooble uu sidoo kale fursad u arko in Doorashadu sii daahdo si u ay ugu suuragasho inuu dano gaara ku gaaro, taasoo si cad uga hor timid Beesha Caalamka. XIGASHO CAASIMADA ONLINE




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip