HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA NOV. 2021-KA

0
Wednesday November 17, 2021 - 08:12:47 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA NOV. 2021-KA

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay war ar sheegayay in R/wasaaraha uu wadaha dalo la yeelanayo hoggaanka Ahlu Sunna

Wasiir ku xigeenka W/Warfaafinta XS Cabd iraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa faahfaahin ka bixiyay warar baraha bulashada si aad ah loogu faafiyay saacadahii lasoo dhaafay ee ahaa in raysal wasa re Rooble qorshaha uu u tagay Dhuusamareeb ay ka mid tahay inuu wadahadalo la yeesho Ahlu Sunna.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in safarka R/wasaaraha ee Dhuusamareeb uusan qeyb ka aheyn qorshahiisa inuu wadahadal la yee sho Ahlu Sunnada hubeysan.

"Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble qorshaha uu u tagay Dhuusa-mareeb kuma jir to in uu wada-hadal la galo Ahlu sunnada hub eysan ayuu yiri” Wasiir Al-cadaala.

Wararkan ayaa soo baxay kadib markii R/wasaaraha XFS uu Dorraad gaaray degmada Dhuusamareeb oo uu sheegay in qorshaha sa farkiisa uu yahay u kuurgalida arrimaha door ashooyinka.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa sidoo kale ku su gan deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud oo Dhuusamareeb u jirta qiyaastii 30KM, wax aana dhawaan fashilmay wadahadalo lagu dhex dhexaadinayay hogaanka Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug.

RW Rooble oo Dhuusamareeb kula kulmay Guddiyada doorashooyinka

R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulan la yee shay Guddiyada Doorasho oyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS ee lagu dooranayo Galmudug.

R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyay Gudsiyada Doorashooyin ka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed sida ay u dardar gelinayaan howlaha doora shooyinka.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in Ga lmudug qorsheyneyso in maalmaha soo socda M/Dhuusamareeb ka bilaawdo qabashada do orashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka

Midowga Murashaxiinta oo dhisaya gole qaran oo dalka maamula

Golaha Midowga Murashaxiinta Sooma aliya ayaa qorsheynaya in dhisaan gole qaran oo si KMG dalka maamula inta ay ka dhac eyso doorasho oo dowlad cusub laga helayo, Caasimada Online ayaa sidaas sheegtay in ay ogaatay.

Arrintan ayaa lagu soo qaad ay kulamo ma almahan u socday Midowga oo ay muuqato hu banti la’aan doorashada kadib markii daahita an we yn uu ku yimid jadwalka doorashada oo marar badan dib u dhacay. Xogta sheegtay in ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Midowga Murashax iinta ay rumeysan yihiin in doorashada Golaha Shacabka ay qaadan doonto dhowr bil ood ama ku dho waad, kadib markii doo rashadii Aqalka Sare ay qaadatay ku dhowaad afar bil.

Dhismaha golaha ayaa looga dan leeyah ay in cadaadis xooggan lagu saaro mad axda DFS iyo madax gobol eedyada.

Golaha qaran ayaa la filayaa in lagu dhow aaqo haddii aan doorashada golaha shacabka lagu dhameyn inta ka harsan sanadkan ama ugu yaraan aan meel wanaagsan oo geba-ge bo ku dhow la gaarsiin.

Dhismaha golaha qaran ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona in mar kale ay ciid amada Badbaado Qaran soo galaan caasimad da Muqdisho, si la mid ah bishii April markii la fashiliyey muddo kororsigii Farmaajo.

Murashaxiinta ayaa rumeysan inay socoto muddo kororsi dadban, sida uu Barri qoraal uu soo saaray ku shaaciyey Cabdiraxmaan Ca bdishakuur oo ka mid ah Midowga.

"Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowl adnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo ko rorsi doonka ahayd,” ayuu Cabdiraxmaan Ca bdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

"Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliy eed gudo iyo debedba waa inay u diyaargaro obaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’ aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.”

Caasimada Online ayaa rumeysan in daa hitaanka doorashada iyo muddo kororsiga da dban uu qeyb ka yahay ra’iisul wasaare Max amed Xuseen Rooble, oo doonaya inuu xilka sii haysto, maadaama madaxweyne cusub ay ka dhigan tahay inuu meesha ka baxayo. Xigasho:- Caasimada Online

Boqor Maxamed oo shaaciyey arrimo xasa asi ah oo uu ku lug leeyahay Mahdi

Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah wax garadka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Ma hdi Maxamed Guuleed ku eedeeyey inuu boob ku hayo doorashada kuraasta gobollada waq ooyi ee xildhibaanada golaha shac abka, sidoo kale Boqor Maxamed waxa uu sheegay in lagu weeraray guri uu ka deganaa magaalada Muq disho.

Boqor Maxamed ayaa sheegay in 9-ka ku rsi ee guddiga maamulka doorashada Somal iland ay jadwal kooda shaaciyeen uu qaar ka mid ah saxii xooda isagu lahaa, balse Mahdi Guuleed uu hadda qorsheystay inuu isagu sa xiixdo kuraa staas, sida uu sheegay.

"Halkaan waxaan u joognaa midnimada Soo maaliya, haddii Barri kuraasteena Muqdisho lagu boobo waxay dhabar jab ku noqon doo ntaa qaranimada Soomaaliya, anaguna tallaa bo kale ayaan qaadi doonaa,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Boqorka ayaa sheegay in wixii ka dambe eyey 27-kii bishii hore uu ku socday weerar to os ah, isagoo eedeyn u jeediyey qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay loo adeegsaday.

"Laba goor ayaa xilli habeen ah guriga la ii gu soo dhacay, xafiisyo ay ku jiraan xeer ilaa linta guud ee qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha, CID-da, taliyaha guud ee ciidanka bo oliska iyo guddoomiyaha maxkamadda gobol ka, ayaa naloo adeegsanayan, si loo boobo doorashada kuraasta BF, waxaan noogu dar an wasiirka arrimaha gudaha oo si sharci da rro ah u bedelaya odayaasheena dhaqanka, waxaan dalbaneynaa in deg deg loo joojiyo arr intaan boobka ah,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Dhanka kale Boqor Maxamed ayaa siyaa siyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee la gu dulmiyey doorashadaan waxuu ugu baaq ay inay qabsadaan doorasho kale, isagoo bal an qaaday inuu ka mid noqon doono odayaa shooda saxiixayaasha ah.

"Ka Boqor ahaan xil ayaa iga saran kura asta Somaliland, waxaan ka turjumeynaa oo in ka badan 10 sano aan halkaan u joognaa mid nimo Soomaaliyeed, waqti badan ayaa noo ga lumay, welina kama aanaa quusan, dowla dan waqtigeedu dhamaday, kuma sii eegan do ono dibin-daabyada ay ku heyso dalka, gaar ahaan Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku sii da ray Boq or Maxamed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir oo shir ka yee shay Ciyaal weerada soo batay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Cumar Maxamuud Maxam ed (Cumar Filish) ayaa Barri shir gu doomi yay shirka Guddoomiyasha Degmooyin ka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir Xoghayaha gu ud ee Maamulka Go bolka Banaadir, waxaa loo ga hadlay kulanka la dag aalanka kooxaha ciyaal weerada iyo dhalinya rada isticmaasha mukhaadaraadka oo kusoo badanaya magaalada iyo dakhli Ko rdhinta Dowlada Hoose.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay ma taaneynta Dowlada Hoose Muqdisho iyo Dow lada Hoose ee magaalada Kunya ee Dalka Turkiga.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli maalmi hii la soo dhaafay Shacabka kunool degmooy inka Yaaqshiid iyo Kaaraan ay ka cabanayeen Dhalinyaro Ciyaal weero ah oo dadka dhibaat eeynaya.

Siciid Deni Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Bangigga Adduunka

Madaxweynaha D/Goboleedka Puntland Md.Siciid C/hi Deni, ayaa qaabilay wafdi ka so cda Bangigga Adduunka oo uu hoggaaminayo Madaxa Mashruuca Tay eynta Hay’adaha Dowlad da Gregory Kasunko. Kulanka oo ay ka qeyb galeen Agaasimaha Gu ud ee Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda ee wadashaqeynta la leh Bangigga Adduunka, waxaa looga hadlay dardagelinta mashaariicda Bangiga Adduunku uu ka wado Puntland.


NISA oo shaacisay xogta laba sarkaal oo lagu qabtay howl-gal ka dhacay Muqdisho

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo ba xaya howl-gal qorsheysan oo Habeen hore ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, gaar ah aan kuwa loo yaqaano Duufaan ay ka samee yeen degmada Dharkenley iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen laba sark aal oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheeg ay qoraal ka soo baxay taliska nabad sugidda.

Sidoo kale NISA ayaa shaacisay in labada sarkaal ee la soo qabtay uu mid ka mid ah ka tirsan yahay amniyaadka iyo halka midka kal ena uu qaabilsan yahay aasidda miinooyinka.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in muddo lagu raadjoogay saraakiishan oo xogtoooda la hayey, waxayna u mahadcelisay shacabka de egaanka oo la shaqeeyey.

”Waxaa boggaadin mudan shacabka Soom aaliyeed oo si wanaagsan sirdoonka ula shaq eeyey, xogta saraakiishaana la wadaagay laa maha sirdoonka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan xoojisay howl-gallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Muqdisho oo muddooyinkii da mbe ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga.

Si kastaba, Muqdisho ayaa dhowaan martigeli neysa doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka iyo mida madaxweynaha oo aad loo sugayo, maadaama loo galayao tartan adag.

Baarlamanka Galmudug oo Barri gaaray go’aankii laga sugayey ee la xiriira Guriceel

Baarlamaanka maamul goboleedka Galm udug ayaa Barri cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraarka dhamaystirka habraaca deg manimo ee Guriceel oo ay hore ugu meel mar iyeen golaha wasiirada shirkii lagu qabtay Gur iceel bishii lasoo dhaafay. Wasaradda Arrima ha Gudaha Galmudug ayaa Barri hor gey say baarlamanka qaraarkan oo warbixintiisa la gu caddeeyay in Guriceel ay buuxisay dham maan shuruudihii looga baahnaa in ay noqoto degmo buuxda.

68-mudane oo fadhiga soo xaadirey ayaa dhammaantood cod gacan taag ah ku meel mariyay qaraarkan oo Guriceel ka dhigaya de gmo leh dhammaan xuquuqda ay leeyihiin de gmooyinka kale sida mashaariicda hormar ineed iyo golle deegaan.

Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Wa kiilada Galmudug oo badi degaan doorashado odu tahay degmada Guriceel ayaa soo dhaw eeyay ansixinta degmannimo ee Guriceel.

Guriceel dhawaan waxaa ka dhacay da gaal socday ku dhawaad shan maalin oo xiriir ah kaas oo u dhexeeyay maamulka oo kaash anaya Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Ur urka Ahlu Sunna Waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya.

Guriceel waxaa lagu tilmaamaa degmada ugu bulshada badan ee Galmudug, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoog leh, in kastoo bishii lasoo dhaafay ay gashay xaalad dagaal, waxayna hadda u muuqataa in si tartiib tartiib ah ay caadi ugu soo laabatay lab adii todobaad ee u dambeeyay.

Daacishta Soomaaliya oo soo bandhigay dagaal-yahannadooda

Kooxda Daacish ee faraca Soomaaliya ay aa Barri dagaal-yahano cusub ku soo ban dhigtay dhulka buuraleyda ee gobolka Bari

Dagaal-yahanadaan oo aad u hubeysan ayey kooxdu ku soo bandhigtay xero ku taalla halk aasi, taasi oo lagu magacaabo Abu-Waliid Al-Saxraawe, sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen.

Sawirro laga soo qaaday dagaal-yahana daasi ayaa muujinaya iyaga oo tobabar ku qa adanaya gudaha xeradaasi, kuna hubeysan hub culus iyo kuwo fudud.

Sidoo kale dagaal-yahanada ayaa samey nayey dhoolatus xoogan, iyaga oo xiran dhar tuuta ah, sidoo kalena uu u duubnaa wejiga,

Kooxda Daacish oo si aad ah ugu xoogan maa mulka Puntland oo ay dagaal kula jiraan, ayaa waxay muddooyinkii dambe waday is balla arin, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah ka wady buuraleyda gobolka Bari.

Ma aha markii u horeysay ee Daacishta So omaaliya ay soo bandhigto dagaalyahano ka tirsan oo tobabar ku qaadanaya xerooyin ku yaalla gobolka Bari, waxayna sidan oo kale dh owr jeer u soo bandhigtay dagaal-yahano ba dan.

Golaha ammaanka QM oo kordhiyey cuna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoob ay ayaa markale dib cusbooneysiiyey cunaqab ateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taas oo lasoo rogay bishii Janaayo ee sanadkii 1992-dii xiligaas oo ay dalka ka qarxeen dagaallo so keeye Golaha ammaanka ayaa muddo sanad ah ku daray muddada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, gaar xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus.

Waxa ay goluhu tilmaameen in sidoo kale ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhu xusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-Shabaab.Sidoo kale golaha ayaa shaaca ka qaaday in weli dhaq-dhaqaaqa xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ay sii wadaan carq aladeynta xasiloonida Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday warbixinada la xiriira musuq-maasuqa ee ka jira dalka, gaar ahaan leexsashada han tida guud ee Soomaaliya.Xubnaha golaha am maanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhina ca kale waxa ay ugu baaqeen dowladda feder aalka inay xoojiso dagaalka Al-Shabaab, si awoodooda loo wiiqo.

Ugu dambeyn golaha ayaa ku booriyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedya da inay sii wadaan la shaqeyntooda beesha caalamka, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

DF oo jawaab ka bixisay go’aankii Golaha Ammaanka QM uu ka gaaray Soomaaliya

Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb. Abuukar Daahir Cismaan Baalle ayaa ka hadlay go’aankii uu Golaha am maanka ee Qaramada Midoobay uu markale dib cusbooneysiiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Danjire Baalle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya awood buuxda loo siiyay in hub walba oo galaya gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iney ogaato, xilli go’aanka Gol aha Amaanka ee QM uu dhigayo in Soomaal iya sii saarnaato muddo sanad ah xayiraada hubka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xiligan la qaado dhamaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soo maaliya, taasi oo lagu soo rogay tan iyo 1992, sannadkii kadib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xilligaas oo uu hubkii dowladda uu gacanta u galay dad shacab ah.

"Waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhii madda ay leedahay in la ogaado halbeegyada si cad loo qeexay, waaqici ah iyo kuwa la qiy aasi karo, iyadoo lala tashanayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in si buuxda looga qaado dhammaan tallaabooyinka cunaq abateynta ee saaran Soomaaliya,’ ayuu yiri danjire Baalle.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadihii u dambeeyay sii cusboon eysii nayay cunaqabateynta hubka ee saaran Soo maaliya, gaar xayiraadda ka saaran soo iibas ashada hubka cul-culus.


Dowladda oo u digtay dad caqabad ku ah dhismaha wadada Muqdisho & Jowhar

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Xildhibaan Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali Masuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawl aha Guud ayaa manta kormeer ku tagay dhismaha Wadada is ku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo meel fiican maraya.

Ugu horayntii masuuliyiinta ayaa kormeer koo da ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhis maha ee wadada lagu dhisayo iyagoona mid mid u kor istaagay waxaana faahfaahin kasii yey masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha.

Intaa kadibna iyaga oo kormeer kooda sii wata masuuliyiintu waxa ay tageen halka laga qodo kaawada lagu dhisayo waddada, dadka deegaanka ayey uga mahad celiyeen sida ay u garab taaganyihiin dhismaha Waddada.

Ugu Horeeyntii Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa fariin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqab ku yihiin dhismaha Waddada, isla markaana aan Waddada marnaba loojoojin doonin.

Ugu Dambeeytii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Xil. Maxamed Aadan Macallin Soomaali ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey intii badnayd dhismaha waxa uuna u mahad celiyey ciidanka sugaya ammaanka Waddada iyo Dadka deegaanka.

Boqor Buurmadow oo Baydhabo tagaya si uu raali galin u siiyo reer Koonfur-galbeed Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka Somaliland, oo maalmihii u danbaysay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu Baydhabo tagayo, si uu reer Koonfur-galbeed uga raali-galiyo tarxiilkii ay xukuumada Somaliland kaga saartay ciideeda.

Buurmadow ayaa sheegay in isaga iyo madax-dhaqameed kale, ay u safrayaan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, si ay raaligalin uga bixiyaan tarxiilka.

"Safarkayga waxa ku jirta oo iga go'an aniga iyo odayaashii Dir ee ila socdayba in aanu Baydhabo tagno, oo aanu raaligalino walaalahay, dambi waa dhacaa cida danbiga gaysataa reer Muqdisho ayay noqon kartaa, reer Boosaaso ayay noqon kartaa, reer Hargaysa ayay noqon kartaa lakin, waa akhshaas ciqaab in ay mutaana waa sax, lakin ciqaab wadareed sax maaaha" ayuu yidhi Buurmadow.

Boqorka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xukuumada Somaliland ay masaafuriso shacabka reer Koonfur-galbeed iyagoo aan ogaysiis hore la siisiin, oo aan lasiin wakhti ay hantidooda ku qaataan.

Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejiyay DF iyo qorshaha loo adeegsanayo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaad iid dagaal oo loogu tala-galay inay ku howl-galaan Ciidanka xoogga dalka, ee dagaalka kula jira argagixisada.

Gaadiidkan ayaa waxaa si gaar ah loogu tala-galay inay isticmaala an ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gor-Gor, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaar adda gaashaandhiga.

Waxaa la wareegay gaadiidkan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo ku wareejiyeen Xub no ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaa liya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan TURKI SOM

Xubnaha ka socday Wasaaradda Gaasha andhigga iyo Ciidanka xoogga dalka ayaa dow ladda Turkiga uga mahad celiyay Gaadiid kaan, iyada oo aysan aheyn markii ugu horre eysay oo dowlada Turkiga ay gaadiid ku war eejiso dowladda Soomaaliya, ayada oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ugu wareejisay.

/Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho.

Caawimaada Turkiga ayaa qeyb weyn ka ciy aarta dadaalada ay Wasaaradda Gaashaan dhigga iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka ay ku tayeynayaan Ciidanka Xoogga dalka Soom aaliya oo dagaal adag kula jira Ururka Al-Shabaab.

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadd ani oo hogaan cusub doortay

Shirwaynihii labaad ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Hargaysa, ayaa Xirsi Xaaji Cali Xasan loogu doortay guddoomiyaha xisbiga Waddani, waxaana la doortay 6 guddo omiye ku xigeen iyo xogeeye.

Guddoomiye ku xigeenada la doortay ayaa kala ah Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xa marje), Abuubakar Cabdiraxmaan Good, Mar wo Milgo Maxamed Cilmi, Xuseen Cabdi Boos, Saleebaan Ducaale Jaamac, Maxamed X. Yuusuf Waabeeye. Sidookale, Khadar Xus een Cabdi, ayaa dib loogu doortay xogeeyaha xisbiga.

Guddoomiye Xirsi ayaa kadib markii la doortay hadal uu jeediyay ku sheegay in uu leeyahay aqoon iyo khibrad maamul, isla markaana uu xisbiga u hogaamin karo si habsami ah uu ku dhisan khibrad iyo waayo aragnimo.

"Waxan aaminsanay in aan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u diyaarsanahay hogaaminta xisbigan iyo hay'ad kasta oo kawaynba, waxaana halkan fadhiya odayaashi iyo qoorwayntii xisbiga ee aanu soo wada shaqaynay oo Barri qiyaasi kara kartidayda iyo awoodayda, taasoo aan filayo in ay keentay dhacdadan Barri aad igu doorateen"

Marwo Milgo oo ah gabadha qudha ee ku jirta hogaanka xisbiga ayaa iyaduna waraysi ay siisay muuqbaahiyaha Somali Cab le ugu mahad celisay musharaxa xisbiga Cabd iraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ay sheegtay in uu sabab u ahaa doorashadeeda.

Guud ahaanba waxaa is badalay hab dhismeedkii xisbiga Waddani waxaana meesha ka baxay jagooyin horay xisbigu uu u lahaan jiray, sida jagada hogaamiyaha xisbiga oo horay uu Xirsi u hayay iyo jagada hogaami yaha kumeel gaadh ka ah oo uu horay Cabdi qaadir Jirde u hayay.

Wasaaradda waxbarashada oo joojisay in goobaha waxbarashada ay ka amar qaataan gobolka Banaadir

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa amray iskuullada dawladda ee ku yaala Gobolka Banaadir ineysan ka amar qaadan Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, xilli horey loogu wareejiyay Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in dhammaan macalimiinta iskuulada dowladda ay waxbarashadooda bixiso wasaaradda waxbarashada dalka, islamarkaana uusan bixin maamulka gobolka Banaadir.

Khilaafka u dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda waxbarashada ayaa xogeystay ka dib markii Wasaaradda ay sheegtay in goobaha waxbarashada ay cabasho ka keeneen maamulka gobolka Banaadir.



UJEEDADA QARSOON EE KU DUUGAN KULANKA SACIID DENI IYO AXMED MADOBE EE GAROWE


Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Dorraad gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana hal kaas soo dhaweyn dii ran ugu sameeyey hal kaas dhigiisa Saciid Cabdullaahi Deni

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa yeelana ya kulamo dhowr, oo imanaya xilli 20-ka bishaan la filayo inay inta badan maamul Go bole edyada bilaabaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa is watay siyaad ahaan tan iyo markii Farmaajo uu u bareeray dagaalkii Jubbaland.

Saciid Deni waa musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Sooma aliya, wuxuuna isku arkaa ninka kaliya ee Farmaajo ka hor istaagi karo inuu mar 2aad ku guuleysto kursiga Villa Soomaaliya.

Wuxuu si toos ah dhabarka u xijiyey siyaasiyiintii Muqdisho ee uu dagaalka jilbaha u geliyey, waxaana magaalada Garoowe lagu qeybsa nayaa mirihii mucaaradimada xilli madashaas aysan waxba ku laheyn xubnihii mucaaradka ugu halganka, qeylada iyo qarash bixinta badnaa.

Waxaan la hadalnay siyaasiyiin kala duwan si aan wax uga ogaano ujeedka kulanka 2da Nin. Saciid Deni wuxuu in muddo ah ka shaqeen ayey in Farmaajo uusan siyaasad ahaan usoo kaban, Axmed Madoobe iyo isaga aysan isku soo noqon, siyaasiyiinta Xamar ka soo jeedana ay xiisadda sii xoojiyaan gunaanadka uu ugu yimaado Farmaajo oo itaal daran, mucaaradkii oo la karaahsaday iyo Axmed Madoobe oo cidla taa gan.

Waxay u muuqataa in shaqadiisii uu in badan qabsaday, laakiin gu uxiisii xilli hore banaanka yimid ayaa sababay in mucaaradkii ka aamin baxaan, Farmaajana uu isku sameeyo is-daahirin siyaasadeed, maamul Goboleedadii kale difaac ka galaan, dood adagna la dul dhigo inuu leeyahay tayo hoggaamineed oo samata bixin karta Soomaaliya.

Markii aan usoo laabano kulanka Garoowe, Axmed Maxamed Islaam dhowr Senator ayuu Saciid Deni uga soo saaray Magaalada Kismaayo halkaas oo lagu doortay 8 xubnood oo Aqalka Sare ah.

Sidoo kalana wuxuu Saciid Deni maamulay 11 Senator oo uu aaminsan yahay inuu isaga leeyahay, balse waxay wararka sheegayaan inuusan 3 kamid ah isku haleyn karin kuwaas oo durba farahooda lagu arkay meelo kale.

Hadda Saciid Deni wuxuu rabaa in Axmed Madoobe iyo isaga ka he shiiyaan inta kursi ee uu uga soo saari karo Jubaland. Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu gacanta ku heysto liis xidhibaano ah oo uu rabo inuu kasoo saarto Puntland, si taas lamid ahna wuxuu Axmed Madoobe ka rabaa inuu u qoro tirada xubnaha uu siin karo si uu lacagtooda u bax sado.

Xubnahaan sida jarka ah loo kala iibsanayo inay berri cod siin karaan Saciid Deni waa dood kale oo haddii diiwaankii hore lagu laabtana cabsideeda leh.

Axmed Madoobe wuxuu u muuqdaa siyaasi gudaya abaal aan muuqan. Saciid Deni isagoo og in madaxweyne Farmaajo waxba u dhi min Puntland ayuu cadaawad jeebkiisa ah u sameeyey Puntland iyo Fa rmaajo si uu ugu diyaar garoobo qorshihiisa Villa Somalia.

Inkastoo Axmed Madoobe uusan wax gooni ah ka faa’idin dagaal siy aasadeedkii mudada socday oo uu Barri joogo Kismaayadiisii Dorraad, haddana si guud Saciid Deni ayuu u arkaa nin u hiiliyey waqtigii uu jilicsanaa.

Jubaland waxaa taalo 43 kursi oo xildhibaanada Golaha Shacabka ah, laakiin 16 kamid ah waxaa lagu dooran doonaa Magaalada Garba haarey, halkaas oo uusan wax badan ka gelin Axmed Madoobe waqti gaan, halka ay Magaalada Kismaayo taalo 27 Kursi oo uu go’aanka ugu dambeeyo leeyahay Axmed Madoobe.

Kooxda Saciid Deni geedka fadhiga u ah ee Aaran Jaan waxay si aan qarsooneyn u sheegayaan in 27-daas kursi ee Kismaayo taalo ka rabaan 20 kursi.

Marka al eego sida ay marxaladuhu isku saaran yihiin iyo cariiriga muuqda waa adag tahay in lagu deg dego in Saciid Deni qaadan karo xilka madaxweyaha Soomaaliya, laakiin sheekada u baahan fahamka dhabta ah waa sida uu hoggaamiyaha Jubaland u aqbali karo inuu da kano siyaasadeed u galo qof kale dartiis. Laakiin kooxdiisa qaar waxay isku qancinayaan inay yihiin shirko siyaasadeed oo raba inay wada-qa ataan Villa Somalia.

Kulankaan kadib Labada Nin ee Deni iyo Axmed Madoobe waxaa la filayaa inay bilaabi doonaan doorashada Golaha Shacabka.

Xigasho:-caasimadda.net


NINKII FULIYEY WEERARKII UGU DHIMASHADA BADNAA OO AY AL-SHABAAB KU QAADO DALKA KENYA OO XABSI KA BAXSADAY


Jihaadi lagu xukumay 41 sano oo xabsi ah sababo la xiriira inuu ku lug lahaa mid ka mid ah weeraradii argagixiso ee ugu xumaa ee ka dha ca dalka Kenya, ayaa Isniintii ka baxsaday xabsi aad loo sugo amnigiisa.

Mohamed Ali Abikar ayaa waxaa sidoo kale la baxsaday laba nin oo kale oo ayagana u xirnaa ee deymo argagixiso, sida ay sheegeen mas’uul iyiinta Kenya Bayaan kasoo baxay, Agaasinka Dambi-baarista Kenya ayaa lagu sheegay in Mohamed Ali Abikar uu u xirnaa inuu ku lug lahaa weerarkii 2015 lagu qaaday Jaamacadda Garissa oo ay ku dhinteen 148 qof oo badankood ahaa arday.

Ayaga oo ku qeexay in dhammaan saddex qof ee baxsaday ay yihi in "halis,” ayaa booliska waxay yabooheen 60 milyan oo Kenya shilling ah una dhiganta $536,000 oo la siinayo qof kasta oo soo gudbiya akh baar hoggaamin karta in lasoo qabto.

Labada qof ee kala ee ka baxsaday xabsiga Kamiti ayaa magacyadoo da lagu sheegay Joseph Juma Odhiambo, oo 2019-kii loo xiray inuu is ku dayayey inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab, iyo Musharaf Abdalla Ak hulunga oo loo xiray inuu ku lug lahaa weerar fashilmay 2012 oo lagu qaadi lahaa xarunta baarlamanka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Jaa macadda Garissa, oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ke nya tan iyo qaraxyadii 1998-kii ay Al-Qacida ku qaaday safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Darussalam oo ay ku dhinteen 258 qof.

Al-Shabaab ayaa weeraro joogto ah ka fulisay Kenya, si ay ugu cad aadiso Nairobi inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab weli kama hadlin baxsashada Mohamed Ali Abikar oo dhabarjab weyn ku ah Kenya.


SACUUDIGA OO BILLAABAY INUU DHALASHO SIIYO QAAR KA MID AH AJAANIIBTA DALKAAS + SABABTA


Sacuudi Carabiya ayaa Isniintiii dhalasho siisay koo ajaaniib ah oo isugu jira dhaqaatiir, culimo iyo aqoonyahano, isaga oo noqday dalkii labaad ee ka tirsan Khaliijka ee sidaas sameeya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay dikreeto Khamiistii ta gtay uu soo saaray boqorka oo dhalasho lagu siinayo "aja aniibta hibada gaarka ah leh,” kuwaasi oo gacan ka gey san doono kobaca boqortooyada, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Ajaanibta Sacuudiga ayaa inta badan dalkaas ku jooga dal-ku-gal badanaa sharci ah kaliya dhowr sano, oo lagu xiro inay shaqo hay staan. Barnaamijka cusub ee dhalashada lagu bixinayo ayaa raadinaya dadka dalka ku jooga mixnadaha Islaamiga ah, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, cayaaraha iyo taknoolajiyadda.

Qorshaha ayaa ah in dalku ceshto dadka hibada gaarka ah iyo aq oonta leh, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka loogu magac daray Vision 2030, oo dalkaas uu doonaya inuu uga maarmo in dhaqaalaha dalka uu ku tiirsanaado kaliya shidaalka. Sida ay shaaciyeen warbaahinta gud aha, kooxda dhalashada la siiyey ayaa waxaa ku jiro culimo horey u tag eeray mowqifka boqor Salmaan ee lagu qafiifiyey xeerarkii adkaa ee diimeed ee dalkaas ka jiray, khubaro maaliyadeed, dhaqaatiir, iyo aqoo nyahano ku takhasusay injineeriyadda, kimistariga iyo isgaarsiinta.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo Sacuudi Carabiya ay raadineyso inay xarun u noqoto gobolka ayada oo loo marayo maal-gashiga diba deed iyo aqoonta dadka hibada leh ee ajaaniibta ah.

Bishii Janaayo, Imaaraadka Carabta ayaa ku dhowaaqay barnaamij

dhalasho lagu siinayo maal-gashtayaasha iyo xirfadlayaasha kale, oo ay ku jiraan saynisyahanada, dhaqaatiirta iyo qoysaskooda.

Imaaraadka ayaa sanado badan ahaa xarunta ganacsiga iyo maa liyadda ee Khaliijka, hase yeeshee waxaa hadda loolan xoogan

uga imanayaa Sacuudi Carabiya.


Wararkii ugu dambeeyey ee 2da qarax ee Barri ruxay Kampala + Khasaaraha

Laba qarax ayaa Barri ka dhacay mag aalada Kampala ee caasimadda Uganda, ay aga oo dhaawacay tobaneeyo qof, waxaana booliska ay ku qeexaan weerar lagu soo qaad ay magaalada.

Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha de gmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska.

"Waxaan dhihi karnaa kani waxa uu ahaa weerar, balse cidda ka dambeysay waa arrin baa ritaan uu ku socdo,” waxaa sidaas yiri kaa liyaha kormeeraha guud ee booliska Uganda, Edward Ochom oo la hadlay AFP.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafima adka, Ainebyoona Emmanuel ayaa twitter kusoo qoray in isbitaalka Mulago ee Kampala lagu daweynayo 24 qof, oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu daran tahay.

"Kadib ficilkan nasiib-darrada iyo argagixi sada ah, shaqaalaheena caafimaadka waxay si aan kala joogsi laheyn uga shaqeynayaan inay badbaadiyaan nolosha kuwa la dhaaw acay,” ayuu yiri.

Ochom ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska uu soo daa diyey muraayadaha daaqadaha, halka mid ka ka dhacay agagaarka halka laga galo baarla manka ay ku gubteen gawaari tiilay baarkinka.

Qaraxyada mataanaha ee Barri ayaa daba socda laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasim adda oo haweeney ay ku geeriyootay.

Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in lab ada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada koox da ADF, oo Mareykanka uu la xiriiriyey kooxda Daacish.

Kulankii baarlamanka ee Barri ayaa la baajiyey kadib weerarada, waxaana xubnaha la weydiistay inay ka fogaadaan aagga.

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ka fogaad aan aagga, ayna xaaladda kala socdaan war baahinta gudaha.

Booliska Uganda ayaa bishii tagtay xiray qof ka tirsan ADF, waxayna ka digeen in xag jiriinta la rumeysan yahay inay qorshaynayeen weerar lagu qaado "dhisme weyn”.

Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamh uuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Bishii March, dowladda Mareykanka ayaa kooxda ADF la xiriirisay kooxda Daacish.

Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa she egtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013. AFP + VOA

Hanad Abdi Mohamad: Uma malay nayn in badbaadinta dadka aan ku mutaysanayo 142 xabsi ah

Sannad ayaa laga joogaa markii jasiiradda Chios ee dalka Greece lagu xukumay, saddex dhallinyaro ah oo u kala dhashay Afgaanistaan iyo Soomaaliya, kuwaas oo ku xukuman xa bsiyo waaweyn oo gaaraya 50 sano iyo 142 sano.

Waxaa lagu helay dambi ah in ay ku shaq eysanayeen doomo la buufiyay oo ay ku wa deen tahriibayaal kale, kadib markii ay she egeen in ay badda uga tageen dad wax tahr iibin jiray oo ka dhex shaqeyn jiray Turkiga iyo Greece.

"Uma malaynayn in badbaadinta dadka ay dambi tahay," ayuu yiri Hanad Abdi Moha mmad, oo 28-jir ah, oo ah muwaadin Soomaa liyeed oo lagu eedeeyay tahriibin ka dib markii uu yimid Greece bishii December ee sannadkii la soo dhaafay laguna xukumay 142 sano oo xarig ah.

Hanad ayaa u sheegay saxafiyiinta iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Yurub oo boo qday usbuucii hore in uusan haysan wax kale oo aan ka ahayn inuu badbaadiyo nolasha dad ka la socday doonida uu naaquudaha ka ahaa, kadib markii Mukhalasiinta doonta iska lahaa ay ku qasbeen inuu la wareego kaxaynta doon ta, iyagoo wajiga ka saaray bastoolad, uguna hanjabay in ay dilayaan.

"Suurtagal maaha in qof Greece magange lyo u yimaada in uu la kulmo xukunno adag sa babtoo ah waxaa lagu qasbay, duruufo ama cadaadis awgeed, inuu la wareego doonta," ay uu yiri Alexandros Georgulis, oo ka mid ah qar eennada u doodaya saddex maxbuus oo ku sugan Chios.

Ururada udooda xuquuqda Aadanaha ayaa si kulul uga horyimid xukunka Greece ku riday saddexdan dhalinyarada ah, waxayna sheegeen in ay xad gudub tahay ilaalinta xuq uuqda muhaajiriinta iyo xuquuqda Aadanaha.

Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Ka Tirsanaa Daacish Oo Dalka Lagu Soo Celinayo

Safaaradda Soomaaliya ee Suuriya ayaa wada dadaal ay ku doonayso in la sii daayo Soomaali ku Xiray xabsiyo ay gacanta ku hay aan mucaaradka Suuriya, waxaanay dadkaasi ka tirsanaayeen ururka la magac baxay dow ladda Islaamka ee IS.

Sii hayaha safaaradda, Farxaan Gurxan, ayaa BBC u sheegay in dadkaa xir-xiran ay ka mid yihiin haween iyo caruur.

Wuxuu u sheegay inay ka shaqeynayaan sidii loo soo deyn lahaa Soomaalidii Daacish ka tirsaneyd ee ku xiran dalkaas.

"Waxaan qaabilay sarkaal sare oo kamid ah maamulka jabhadda gobolkan maamusha ee Kurdida waxaan ka wadahadalnay moowduu ca aan u socday aad buu usoo dhaweeyay wuxuu ii ballan qaaday in berri la ii geyn doono xerada la yiraahdo Al Roch oo ay ku jiraan 8 gabdhood oo Soomaali ah iyo 11 canug ay iyagu dhaleen” Sii hayaha safaaradda, Farx aan Gurxan.

 


HAMBLAYO DHALASHO FARXAD LEH

Aabbe Cismaan Axmed Jimcaale {Dr.Jimmy},Hooyo Safiyo Xuseen Maxamuud, Habaryar Sahro Xuseen Maxamuud{Sahruuni}, Adeer Maxamuud Axmed Jimcaale {Xaaji Shataar} & Car uurtiisa, Adeer Muxuddiin Axmed Jimcaale {Tusbax}, Eddooyinka kala ah:- Salaado Axmed Jimcaale,iyo Carruurteeda, Madiino Axmed Ji mcaale iyo Carruurteeda, Xabiibio Axmed Jimcaale {Biibto}, Yuusuf Cismaanciil Axmed {Carrabeey}, Maryan Axmed Jimcaale iyo Carru uteeda, Safiyo Axmed Jimcaale iyo Carruuteeda, Nuurto Cali Cumar iyo Carruurteeda, Qadro C/laahi Cali Hagareey ,& Seygeeda Carruur teeda, Xamdi Cumar Xasan, Maxamed Xasan Xuseen {Anaa leh} & Xaaskiisa & Carruurtiisa, Naasir Cali Cumar Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Najiib Cali Cumar Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Nuuradiin Cali Cumar Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Nasro Cali Cumar,Seygeeda iyo Carruurt eeda, Nimco Cali Cumar iyo Carruurteeda, Maxamed Cismaan Axmed,Qaalid Cismaan Axmed Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Wardo Cismaan Axmed & Seygeeda,Munasar Cismaan Axmed, Muna Cismaan Axmed,Maahir Cismaan Axmed, Ayaan Cismaan Axmed Ayuub Cismaan Axmed, Cabbiir Cismaan Axmed, C/raxmaan C/hi Cali {Mashaari}, Raxmo Maxamed Maxamuud {Lajecel}, Cabdi Cali Xasan YuubaneXaaskiisa Shiino Axmed Rooble iyo Carruutooda, Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe, Nuur Maxamed Cali N.Qamadi, Macaliin Xasan Dha mmaan Dadkaasi waxaay halkaan ugu Hambalyeynayaan YAXYE ABUKAR AXMED & XANNAAN CISMAAN AXMED JIMCAALE oo Wiil ugu dhashay 13-ka Nov. 2021-ka Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Degmada Shibbis Wiilkaa soo loogu MagacdaraySAKARIYE YEXYE ABUUKAR AXMEDwaxayna leeyihiin Alle haka dhigo kii soo Bar-Baaro oo Daliisa Dadkiisa iyo Diintiisaba Anfaca

AAMIIN AAMIIN AAMIIN




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip