Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay Rag weerar geystay

0
Wednesday November 17, 2021 - 08:19:23 in Wararka by
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay Rag weerar geystay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa tiro hobiyayaal ah kaga jawaabay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo labo Hoobiye ku tuuray afeefka hore ee Xarada Ciidamada xooga ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Garbahareey ee Gobolka Gedo.

 

Taliyaha Booliska Gobolka Gedo Cabduqaadir Cumar Biixi ayaa sheegay in ragga weerarka hoobiyeyaasha ah geystay ay ahaayeen labo, isla markaana ay wateen Mooto, kuwaas oo uu sheegay inay u baxsadeen dhanka Buuraha ee degmada Garbahaareey.

Sidoo kale Taliye Biixi waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inhowlgal ay Ciidamadu ka sameeyeen buuralayda miyiga Garbaharey ay ku soo qabqabteen dadka looga shakiyey in ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo baaritaan ay ku hayaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan jirin khasaaro ka dhashay hoobiyeyaasha ay Al-Shabaab kusoo tuureen Xerada Ciidamada ee duleedka Magaalada Garbahaareey.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaas oo sugi doona amniga doorashooyinka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip