Nabaddoon Caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.

0
Wednesday November 17, 2021 - 07:24:14 in Wararka by
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabaddoon Caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Kooxo hubeysan ayaa Xaafadda  Suuqa Juungal ee degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Nabaddoon Maxamed Xasan Nuur Muuse oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Ragga hubeysnaa ayaa waxaa wararku sheegayaan in ay Nabadoonka ku dhex dileen Gurigiisa, xilli uu Akhrisanayay Kitaabka Qur’aanka Kariimka,ah  sida ay sheegeen qaar ka mid ah Marxuumka Ehelladiisa.

       dhinaca kale Gooboogayaal ayaa waxay sheegeen in ragga dilka geystay  ay ahayeen  laba Ruux ay dilka ka dib goobta isaga baxsadeen, isla mar kaana meydka Nabaddoonka la geeyay Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da.

        Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo batay dilalka qorsheysan oo ay geeysanayaan Al-Shabaab, kuwaasoo maalinkastaba dadka la dilo ay ku soo badatay M. Muqdisho waxaana 24 saac doraad kaliya 2 qof lagu dilay Deg. Hodan ee M.Muqdisho .





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip