NISA oo shaacisay xogta laba sarkaal oo lagu qabtay howl-gal ka dhacay Muqdisho

0
Tuesday November 16, 2021 - 20:58:58 in Wararka by
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo shaacisay xogta laba sarkaal oo lagu qabtay howl-gal ka dhacay Muqdisho

    Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan ay ka sameeyeen degmada Dharkenley iyo deegaanka Ceelasha Biyaha. Howl-galka oo ahaa mid qorshe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Duufaan ay ka sameeyeen degmada Dharkenley iyo deegaanka Ceelasha Biyaha. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen laba sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska nabad sugidda. Sidoo kale NISA ayaa shaacisay in labada sarkaal ee la soo qabtay uu mid ka mid ah ka tirsan yahay amniyaadka iyo halka midka kalena uu qaabilsan yahay aasidda miinooyinka. NISA ayaa sidoo kale sheegtay in muddo lagu raadjoogay saraakiishan oo xogtoooda la hayey, waxayna u mahadcelisay shacabka deegaanka oo la shaqeeyey. "Waxaa boggaadin mudan shacabka Soomaaliyeed oo si wanaagsan sirdoonka ula shaqeeyey, xogta saraakiishaana la wadaagay laamaha sirdoonka," ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan xoojisay howl-gallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga. Si kastaba, Muqdisho ayaa dhowaan martigelineysa doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka iyo mida madaxweynaha oo aad loo sugayo, maadaama loo galayao tartan adag.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip