Nin ku eedeysan dilka Wiil Soomaali ah oo Maxkamad lagu soo taagayo london

0
Monday November 15, 2021 - 19:42:22 in Wararka by
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin ku eedeysan dilka Wiil Soomaali ah oo Maxkamad lagu soo taagayo london

    .,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.,


 
SAWIRKA WIILKA SOOMAALIGA AH EE LA DILAY

Norris Henry, ayaa lagu soo oogay dacwad dil iyo isku day dil ah ka dib markii uu mindi ku weeraray Cali Abucar Cali, oo ah wiil Soomaali ah oo 20 jir ah, iyo haweeney 82 jir ah, kuwaas oo labadaba lagu weeraray Albany Parade ee Brentford galbeedka London habeenkii Jimcaha.

Cali ayaa isla goobtaas ku geeriyooday, waxaana haweeneyda loo qaaday isbitaal xilli dhaawac halis ah uu oo ka soo gaaray weerarka mindida.

 

Mr Henry ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu kasoo hor muuqdo maxkamada Uxbridge. Haweeneyda, oo aan si rasmi ah loo magacaabin, ayaa xaalad halis ah ku jirta, balse dhaawaceeda ayaa lagu tilmaamay mid aan halis ahayn, sida ay sheegeen Booliska Met.

Qoyska Cali ayaa ilaa hadda waxaa loo u ururiyay lacag ka badan £50,000 oo gini. Cali ayaa lagu sheegay inuu ahaa qof wanaaga jecel waxayna ugu yeereen "Nin da’yar oo geesi ah oo ka mid ah bulshada deegaanka”.

Samaale Nuur waxa uu soo qoray: "Cali waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo cajiib ah oo had iyo jeer wiilasheyda ku dhiirigaliya in ay dadaalaan inta ay ku guda jiraan tababarka kubbadda koleyga.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip