Yaa lagu soo qabtay howl-galkii ay NISA ka fulisay degmooyin ka mid ah Muqdisho?

0
Monday November 15, 2021 - 18:34:24 in Wararka by
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa lagu soo qabtay howl-galkii ay NISA ka fulisay degmooyin ka mid ah Muqdisho?

    Ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ayaa howl-galo ballaaran oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyen qaar kamid ah degmooyinka Howl-wadaag, Yaqshiid iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo qabteen Saraakiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ayaa howl-galo ballaaran oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyen qaar kamid ah degmooyinka Howl-wadaag, Yaqshiid iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo qabteen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiisha Shabaabka ah ee ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Duufaan ayaa waxay tiradooda dhameyd saddex ruux, waxayna ku sugnaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha. Hogaanka Ciidamada si faah-faahsan ugama hadal magacyada Saraakiisha Shabaabka ah ee lagu soo qabtay howl-galada ay fuliyeen ciidamada Duufaan, lamana soo bandhigin sawiradooda. Sidoo kale waxay sheegeen in Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay markasta u taagan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen amniga shacabka Soomaaliyeed iyo midka caasimaddaba. Howl-galkan ayaa daba socda howl-galo ay labo maalmood ka hor isla ciidamada Duufaan ka fuliyeen xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile, taasi oo lagu soo saaray miinooyin la sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen qeybo ka mid ah xaafadaas. Ciidamada amaanka iyo kuwa NISA ayaa habeenadii u dambeeyay howl-galo lagu xaqiijinayo amaanka caasimada ka fuliyay degmooyinka gobolka Banaadir, oo muddooyinkii dambe uu sii xumaanayey amaankeedu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip