Ra'iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Galmudug

0
Monday November 15, 2021 - 10:24:24 in Wararka by
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Galmudug

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble in uu tago Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Maamulka Galmudug.

Shalay waxaa Dhuusamareeb gaaray wafdi horudhac ah oo ay kamid yihiin qaar kamid ah ilaalada Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo sugi doono Ammaankiisa.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqan doona Xarunta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka, isaga oo sidoo kale la kulmi doona Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor).

Wararka Risaala ay heleyso ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Magaalada Muqdisho ka qaadi doono diyaarad sida gargaar loogu talo galay dadkii uu saameeyay dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Booqashadaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku tagayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah booqashooyin uu Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegi doono Dowlad Goboleedyada, taas oo uu kula soconayo arrimaha doorashooyinka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip