Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo ka wada hadlaya doorashooyinka

0
Monday November 15, 2021 - 10:17:50 in Wararka by
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo ka wada hadlaya doorashooyinka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu tago Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulamo ku saabsan arrimaha doorashada Garoowe kula yeelan doona madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaana Labada mas’uul si gaar ah uga wada-hadli doonaan doorashada Golaha Shacabka.

 

labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya xulafeysi gaaar ah oo siyaasadeed, waxaana taasi ay keentay in Sanotero kasoo jeedo Puntland lagu doorto Kismaayo, halka Sanetoro kasoo jeeda Jubbaland lagu doorto Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe inta uu ku sugan yahay Garoowe uu shir la yeelan doono Xubnaha Golaha Wsiirada Puntland.

Kulanka ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan la guda galayo doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip