Maxkamadda HOLLAND oo go'aan ka gaareysa khilaafka Masjidka Quba ee Soomaalida
Muran in mudo ah soo jiray oo u dhaxeeyay maamulka Masjidka Quba ee Soomaalida Holland oo ku yaal magaalada Amsterdam ayaa gaaray heer loo gudbiyo maxkamadda, islamarkaana ay go’aan rasmi ah ka gaari doonto todobaadyada soo socda.
Khilaafka maamulka Masjidul Quba oo guddiyo Soomaaliyeed ay xal ka gaari waayeen ayaa wuxuu u gudbay maxkamadda Amsterdam, waxaana suuragal ah in go’aanka maxkamadda ay soo saarto in maamulkiisa lagala wareego Soomaalida, maadaama ay ku heshiin waayeen.
Arrimaha muranka iyo khilaafka maamulka Masjidul Quba ayaa salka ku haayo dhinaca maaliyada iyo maamulka, wuxuuna khilaafkaani gundhig u ah Imaamka Masjidka Sheekh Suldaan Gasle iyo xubnaha guddiga Masjidka oo isku fahmi waayay maamulka maaliyada iyo maamulka khidmada ay bixiyaan Soomaalida Holland.
Adeegyada uu Masjidul Quba Soomaalida u haaya ayaa aad loo amaanay, waxaana ka mid ah adeegyadaasi in dadka Soomaaliyeed ee Holland ku nool ay ku jiraan ceymis uu bixiyo Masjidka oo dadka geeriyooda meydkooda loo qaadayo meel walba oo ay dalbadaan dadka bixiya ceymiska, waxbarashada diinta Islaamka iyo adeegyo kale.
Dadka Soomaaliyeed ee Holland ayaa hadda shaki ka qaba lacagaha ay ku taburacaan iyo dhaqaalaha kale ee ay ku bixiyaan ceymiska habka loo maamulo iyo in ay heli doonaan adeegyadii horay looga bartay.
Masjidul Quba oo ah masjid adeegyo kala duwan siiya Soomaalida maadaama ay dadka Soomaaliyeed ay iibsadeen, ayaa haddana ay ceeb iyo magac xumo u tahay in xarumihii diimaha ay Soomaalida ku heshiin waayeen.
Ali Muhiyaddiin
Caasimada, Online
Maxkamadda HOLLAND oo go'aan ka gaareysa khilaafka Masjidka Quba ee Soomaalida
....