Korneyl Rufle "Abaarta sima waxay dhaafayso lama arko, dad iyo duunyaba"

0
Monday November 15, 2021 - 07:26:42 in Wararka by
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Korneyl Rufle "Abaarta sima waxay dhaafayso lama arko, dad iyo duunyaba"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Jubbaland ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee ka dhalatay abaarta ka jirta qaybo ka mida deegaanada Jubbaland.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi ayaa Warbaahinta u sheegay in xaalad aan la dhowran karin ay ka jirto Degmooyinka Badhaadhe iyo Ceelwaaq ee Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Waxaa uu sheegay in abaartu ay si is le’eg u saameysay dad iyo duunyaba, ayna u dhimanayaan sida uu yiri haraad iyo gaajo, isagoona ku baaqay in gurmad lala gaaro dadka ay abaartaasi saameysay.

"Abaarta sima waxay dhaafayso lama arko, dad iyo duunyaba, dadka iyo duunyadaba oon iyo gaajo ayay ugu la’anayaan Ceelwaaq iyo Badhaadhe.” Ayuu yiri Aadan Rufle.

Waxa kaloo uu yiri "Degmada Ceelwaaq iyo nawaaxigeedaba waxaad ku arkaysaa duur joogtii oo oon iyo gaajo u fariistay, oo aad arkayso dad kor jooggo oo oranaya hala kiciyo, laakiin aysan lahayn itaalkii ay ku joogsan lahaayeen.”

Aadan Rufle ayaa yiri "Waxaan leeyahay dowladdu xaaladdu maaha mid la sahlan karo, maanta oo kale waxay maraysaa badbaado bani’aadan, maalkii waa baaba’, dadkiina wuu dhimanayaa, dhibaatana way u dheer tahay. Wax badan oo laga gaabiyay inay jiraan anigaaba qiraaya, caano daatay dabadoodba la qabay ee dadka inta nool hala badbaadiyo.”

Rufle ayaa intaasi ku daray "Wax dambe oo dhowrataan maleh, gurmadkiina u hormariya Badhaadhe iyo Ceelwaaq, abaartaas sima ahna in loo wada istaagaa weydiisanaynaa.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip