HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AXAD 14-KA NOV.2021-KA

0
Sunday November 14, 2021 - 13:14:35 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AXAD 14-KA NOV.2021-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Doorashada Aqalka sare oo kuraastii ugu dambeysay Shalay lagu doortay magaalada Dhuusamareeb

Waxaa Shalay si rasmi ah ugu soo gabag aboowday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug doorashada laba kursi oo ka hars aneyd kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, islamar kaana ka dhigeysa in guud ahaan la dhameystiray doorashadii kuraasta Aqalka sare oo ka koobneyd 54 Kursi.

     Kursiga koowaad ee doorashadii Shalay ka dhacday M/Dhuusamareeb waxaa ku guuleyst ay oo markale Senatar ka afarta sano ee soo socota no qday Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kaasoo cod gacan taag ah ay ugu codeeyeen baarlamaanka Galmudug ku helay 83 Cod, ka dib markii uu tanaas ulay musharaxii la tartami lahaa Cawil Nuur Cali.

      Kursiga labaad ee Shalay doorashadiisa ka dhacday Dhuusamareeb oo ahaa kursiga ugu dambeeyay kuraasta Galmudug iyo guud ahaan kuraasta Aqalka sare waxaa ku guuleystay Cabdi Cismaan Xareed, kaasoo asna musharaxii la tartami lahaa uu sheegay inuu tanaasulay, islamar ahaantaana Xil dhibaanada Galmudug ugu codeeyeen cod gacan taag ah.

      Dooraashada Aqalka sare ee maamulka Galmudug ayaa aheyd mid si weyn uga duwaneyd do orashada maamulada kale ee dalka ay qabteen, waxaana xusid mudan in sideeda kursi ee Aqal ka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug in dhamaan Musharaxiinta guuleysatay ay aha ayeen kuwa loo tanaasulay oo aanan galin tartan adag.

        Ugu dambeyntii labadan kursi ayaa ahaa ku wii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare iyadoo horey loo dha meystiray doorashada 52 kursi, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in maamul goboleedyada dalka ay bilaabaan doorashada kuraasta Aqalka Hoose.

R/Wasaare Rooble "Waa Guul Weyn Inay Shalay Soo Idlaatay Doorashadii Aqalka Sare”

        Ra’iisul Wasaaraha XFS ee xilgaarsiinta Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay do orashadii Aqalka Sare ee Shalay lagu soo gaba-gabeeyay M/Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

      Qoraal soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku boggaadiyey Senataro dii Shalay la doortay ee ku harsanaa Galmudug, kuwaasi oo ka la ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afartii sanno ee lasoo dhaafay Senator ahaa.

       Rooble ayaa sidoo kale boggaadiyay Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo guud ahaan Madaxda dowl ad Goboleedyada dalka, isagoo guul ku tilmaamay soo idlaashaha doorashadii Aqalka Sare. "Waa guul weyn inay Shalay soo idlaatay do orashadii Gol aha Aqalka Sare ee BFS Waan bogaadinayaa senatorrada Shalay la doortay, madaxweynaha iyo Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan dowlad-gobo leedyada” ayuu yiri R/ Wasaare Rooble. ugu dambeyn  R/W/XFS ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in maamul Goboleedyada la ga sugayo in sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doora shada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xigasho:caasimadda.net

Farmaajo Oo Ka Hadlay Soo Gabagabaynta Doorashada Aqalka Sare

     Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hambalyeey guusha dhammeystirka doora shada Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaan ka ayaa ku bogaadiyey R/Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey dardar-gelinta doorashada.

     Madaxweynaha ayaa xusay sida xilkasnimada ah ee Madaxda Dowlad-goboleedyada dalku ay u guteen waajibaadka Qaranka ee ka saarnayd soo gu dbinta musharaxiinta Sanatarrada Aqalka Sare, waxa uuna ku ammaanay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaannada heer Dowlad-Goboleed gud ashada masuul iyadda kaga aadanayd doorashada Sanatarrada Aqalka Sare.

      Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Amniga Doorashooyinka iyo Ciidanka Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sugidda ammaanka goobaha doorashada Aqalka Sare, isaga oo tilmaamay kartida iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin qabashada doorasho ka turjumeysa hor u socodka dalkeenna.

      Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey inuu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha Soo maaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay xukunkii lagu riday Askarta AMISOM

     Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahisay xukun maalintii Dorraad aheyd lagu riday Askar ka tirsanaa ciidanka AMISOM oo lagu helay inay dad shac ab ah ku dileen G/S/Hoose.

        Wasiirka cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa ka hadlay xukunkii Dorra ad lagu riday askar iyo saraakiil ka titsan amisom

      Wasiir jaamac oo qeyb ka ahaa guddi dhawaan uu magacaabay ra’isul wasaare rooble una magacaabay dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ku xasuu qeen gol weyn oo ka tirsan sh/hoose ayaa soo dhawee yay xukunka kala duwan ee lagu riday saraaki isha iyo askarta amisom ka tirsan.

Waxaa uu sheegay in tilaabadaan xukunka ah ay tahay mid ugub ah islamarkaana u baahan in shacabka soomaaliyeed ay ku qancaan xukunka.

      Sidoo kale wasiirka cadaaladda Soomaalia ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan halka ay ka dhacayso xukunka tog ashada ah ee lagu fulinayo saraakiisha amisom, ee xasuuqa gaystay.

Guddiga doorashooyinka oo maamulada u kala diray agabkii lagu codeyn lahaa

      Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), ayaa agabkii Doorashada Golaha Shacabka ukala diray Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubaland.

     Iyadoo oo maalmaha Soo socda la filaayo inay ka bilaaban doonto Doorashooyinka Gollaha Shacabka. Diyaarado ayaa Shalay ka daabulay Muqdi sho waxaana si rasmi ah loogu wareejiyay guddiyada doorashooyinka ee heer maamul goboleed.

      7aadkaan gudahiisa ayuu qorshuhu yahay in si deg deg ah loo bilaabo doorashada xildhibaana da Golaha Shacabka.

Shalay waxaa guud ahaan la soo afjaray doorashada xildhib aanada Aqalka Sare, waxaana la doortay labadii Senator ee ugu dambeysay.

Siciid Deni Oo Daah-Furay Guddiga Sare Ee Warbaahinta Puntland

       Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa Shalay daah-furay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo Shalay shaqo billaabay.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland, inay shaqadooda si madaxbanaan u qabsadaan, wuxuuna ku

Dhawaaqay in Dowladdu u fududeynayso guddiga inuu shaqadiisa u qabsado si waafaqsan shuruucda u yaalla.

      "Maadaama ay guddigu isugu jirto Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ururka Qareenada, waxaan ra jeynaya in y ku filanyihiin inay shaqadan kasoo baxaan. Anaguna diyaar waxaanu u nahay inaan u fududeyno inay shaqadoo da u gutaan si waafaqsan Shuruucda u yaalla” ayuu sidoo kale yiri Madaxweyne Deni

      Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Pun tland iyo Ururka Qareenada Puntland, waxaana ka mid noqonaya Shaqadooda diiwaangel inta iyo Aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dac wadaha la xiriira Warbaahinta iyo Anshaxmarintooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Wasiirka Caafimaadka Xilgaarsiinta

       Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo Shalay booqday xarunta Wasaarada Caafimaadka ee XFS waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka xilgaarsiinta Drs Fowsiyo Abiikar Nuur.

     Kulankan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa xooji nta wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka G/Banaadir iyo W/Caafimaadka ee DFS iyo sidii la isaga ka ashan lahaa fulinta mashaariic waxtar u leh adeegyada Caafimaadka la xariira.

       War kas oo baxay Maamulka G/Banaadir ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in kulankan wax yaabihii looga hadlay qeyb ka ahaa dib-udhiska xarunta keydka Talaalka G/Banaadir oo aan muda Sanadaha helin wax dayactir ah.

     Ugu danbeyn mas’uuliyiinta Maamulka G/B/dir iyo W/Caafimaadka ayaa sidoo kale iska wareestay la tacaalida Xanuunka Hergabka cusub oo bul shada Caasimadda si weyn u saameeyay

Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo bogaadiyay dhameystirka xildhibaanada Aqalka Sare

Gudoomiyaha Xisbiga Dan Qaran musharrax madaxweyne Dahir Mohamud Gelle ayaa u hambalyeeyey xildhibaanada Shalay la doortay.

"Waxaan u hambalyaynayaa mudane Cabdi Xa san Cawaale Qaybdiid iyo mudane Cabdi Cusma an Xareed oo Shalay loo doortay in Dowlad Gobaleedka Galmudug ay afarta sano ee socota ku matalaan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaan ka JFS Wax aan Alle uga baryayaa inuu masuul iyadda u fududeeyo” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

Waxaa intaasi kusii daray "Waxaan madaxda Galmudug ku bogaadinayaa dhamaystirka doo rashada xildhibaannada Aqal ka Sare. Waxa laga sugo waa da rdargelinta doorash ada Golaha Shacabka”.

Labadan kursi ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare iyadoo horey loo dhameystiray doorashada 52 kursi

Fiqi: Yaa noo fasira cadaaladda AMISOM la marsiiyey ee NISA kari weysay?

     Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo war ka soo saaray xukunka dilka iyo xabsiga isugu jira ee lagu riday askarta AMISOM ee dishay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa suaal ka keenay cadaaladda la marsiiyey AMI SOM ee la marsiin waayey saraakiisha NISA ee lagu tuhmaayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

     Fiqi oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ugu horeyn guul weyn ku tilmaamay in askar iyo saraakiil ka tirsan AMISOM la gu maxkam adeeyo magaalada Muqdisho, isla markaana ay cadaalad helaan ehellada dadko odii la laayey.

"      Golweyn – Shabeelada Hoose eheladii dadkooda ay AMISOM laysay cadaalad ay ku qanacsan yihiin ayay heleen oo askar iyo saraakiil AMISOM ayaa Muqdisho lagu maxkamadeeyo waa guul weyn iyo xuquuq la helay,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

      Sidoo kale Fiqi waxuu su’aal ka keenay hadii la maxkamadeeyey AMISOM, sababta loo maxkamadeyn waayay ragga lagu tuhmayo inay ku lug lee yihiin kiiska Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayey.

     "Haddaba Haddii AMISOM la maxkamadeeyey, sidee loo maxkamadeyn waayay kuwii Ikraam Tahliil kiiskeeda ku eedeysnaa oo ka tirsan hey’adaha amniga Soomaaliya mid ka mid ah? Cadaaladda AMISOM ay yeeshay ee la karsiin waayey NISA oo heyad dawladeed sidee umadda loogu fasiri kar aa!?” ayuu yiri Fiqi.

      Jimcihii Dorraad waxaa dil toogasho ah lagu xukumay laba ka mid ah saraakiisha AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, sidoo kale seddaxas kari ayaa lagu xukumay xabsi 40 sano ah, kuwaas oo lagu maxkamdeeyey xarunta Xalane ee Muqdisho, isla markaana lagu helay inay todoba qof oo shacab ah si bareer ah ugu laayeen dee gaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maareeye oo dacwo ka ah sawir uu dhibsad ay oo lagu faafiyey baraha bulshadaMaareeye oo dacwo ka ah sawir uu dhibsaday oo lagu faa fiyey baraha bulshada

Waalidiinta afar wiil oo badda lagu waayey lix bilood ka hor oo hada shaaciyey

    Waxaa Shalay xeebta Liido warbaahinta kula hadlay waalidiinta afar wiil oo lix bilood ka hor lagu waayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iya goo shaaciyey inay heleen akhbaar ah inay caruurtoodii nooshahay oo dal kale lagu heysto.

     Waalidiintaan waxay sheegeen in lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay subax kasta u jarmaadi jireen xeebta Liido, si ay u baadi goobaan raqda wiilasho odii, bal in baddu soo tufto, balse Shalay markii ay soo yeertay akhbaarta noloshooda farxad ayey la ilmeynayeen.

      Dhalinyaradaas oo markii la waayey waxay wateen doon kalluumeysi oo ka shiraacatay xeebta Liido, si dhowr meyl ay uga soo jillaabtaan, balse had da waxay ka soo hadleen dalka Sri Lanka, ka dib mudo lix bilood ah oo nolol iyo geeri lagu weysanaa.

      Doonta ayaa ka ciladowday taas ayaana keentay in mudo dheer ka dib ay u gacan galaan ciidamada badda Sri Lanka, waxayna waalidiintu ka cods adeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in lagu garab siiyo sidii wiilashooda ay ugu soo celin lahaayeen dalka, maadaama loo sheegay in lagu waa yey wax dembi ah.

    "Waxaa naloo sheegay in safiirka Soomaaliya ee Sri Lanka uu dowlada weydiiyey sababta loo heysto wiilasha, balse dowladu ay u sheegtay in markii ay baareen lagu waayey wax dembi ah, hadda ma awoodno inaan ku soo celino dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed hanagala qeyb qaadateen sidii wiilashaas dalka loogu soo celin lahaa,” ayuu yiri Cali Aadan oo ka mid ah waalidiinta, sidoo kale ah milkiilaha doontii ay wateen afarta wiil intii aan la weyn.

       Waalidiintu waxay sheegeen in dhalinyaradaas ay ka ciladowday doontii ay wateen, isla markaana ay qabteen ciidamada badda ee dalka Sri Lanka, ka dib mudo afar bilood ah oo doon haleysan ay la sabeyneysay badweynta.

       "Dhalinyarada hadda wax dhibaato ah oo soo gaaray nooma sheegin, afar bilood markii ay badda sabeynayeen, waxaa helay ciidamada badda ee dalka Sri Lanka, bil kale oo badda lagu dhex haayey kadib, waxaa lagu xiray gudaha dalkaas, wax dembi ahna waa lagu waayey, hada waxaan codsaneynaa in gacan nalagu siiyo inaan dalka ku soo celinyo wiilasheena,” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiinta.

GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay rag dilal geystay

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada do wladda federaalka iyo kuwa maamulka Gla mudug ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobo lka Mudug ee bartamaha Soomaaliya

Howl-gallada qaatay maalmo badan ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa 7 ruux oo lagu eedeynayo dilal dhowaan ka dhacay deega anka Dhagtuur ee gobolkaasi.

Sidoo kale ciidamada amm aan ka ayaa soo qabtay walidiin la tuhumayo inay dhaleen qaar ka mid ah eedeeysanayaal baxs ad ah, kuwaas oo la she egay in lagu raadjoogo.

      Wararka ayaa sheegaya in shaqsiyaadjka la qa btay loo soo gudbiyey dhinaca magaalada Dhuusamareeb, iyada oo lagu xiray xabsi ku yaalla ma gaaladaasi. Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha amma anka oo su’aallo dheeraad ah weydiinayo ragga haatan gacanta lagu soo dhigay.

      Galmudug ayaa qorsheyneyso inay maxkamad soo saarto raggan oo dhammaantood loo heysto dilal ka dhacay qeybo ka mid ah gob olka Mudug, kuwaas oo la xiriira aano Qabiil.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo ka dha shay dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taa gan deeg aanada qaar ee gobolladaas.

Xukuumada Somaliland oo baahisay wax qabadkeedii 4 ta sanno

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in mudadii 4ta sanno ahayd la hirg aliyay wadooyin, la hagaajiyay adeegyada bul shada, la saxay nidaamka ay u shaqeeyaan hay 'addaha

dowlada, la qalabeeyay isbitaalada, lala dag aalamay musuqa, la sameeyay barnaamijyo sha qo abuur, sixir bararka oo lala dagaalamay iyo baanka Somaliland oo maalgaliye noqday.

Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee xisbi ga Kulmiye, ayaa lagu sheegay in 4tii sanno ee madaxweyne Biixi talada hayay, lala dagaalamay musuq-maasuqa iyadoo tusaale ahaan la xad iday kharashka ku baxa hay'adaha xukuumada, in xukuumadu bixisay kumanaan qandaraas oo si hufan loogu tartamay iyo in la casriyeeyay nid aamka isku xidhka hay'addaha xukuumada.

Waxa lagu xusay in la horumariyay adeegya da bulshada oo la dhisay 100 iskuul iyo 5 laybareeri, in la mideeyay manhajka waxbarasha da, isla markaana ardaydu si bilaasha ku heleen bugaagta waxbarashada, in la qalabeeyay isbitaalada sida mishiinada baadhista Covid-19 iyo ogsajiin dhaliyayaasha oo la sameeyay iyo bo qolaal xarumo caafimaad oo la hirgaliyay iyo in ceelal biyoodyo badan la qoday.

Waxa lala dagaalamay sixir bararka sidoo kale, waxaa la dajiyay jahawareerka lacagta doollarka iyo shilinka Somaliland, waxaana uu ba anka dhexe sameeyay maalgalin u dhiganta 12 milyan oo dollar, isagoo baanku uu boqolaal shaq aale dowladeed ah lacago bilaa dulsaar ah amaahiy ay sida qoraalka lagu sheegay.

Warbixinta ayaa xustay in la sameeyay barn aamijyo shaqo abuur oo uu ugu waynyahay barn aamijka Shaqo-qaran iyo in la dhisay wadooyin iyo biriijyo ay ugu mudantahay wadada Ceerig aabo iyo Burco oo lagu kordhiyay 160KM oo qas nada xukuumada laga maalgaliyay.

Waxa ugu danbayntii warbixinta lagu sheegay in xukuumada xisbiga Kulmiye qabatay dor ashadìi ugu cuslayd ee abid Somaliland qabato oo xukuumadu ku bixisay lacag dhan 16-17 milyan oo dollar.

4 sanno ayaa Shalay u buuxsamay xukuuma da madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo oo lasoo doortay 13, November, 2017, waxaana baraha bulashadu kuwada xidhiidho ka taagan doodo iyo falanqayn la xidhiidha wax qabadka xukuum ada Kulmiye, waxaana jira dad baraha bulshada ka mudaharaadaya oo leh waanu ku qasaarnay iyo qaar leh waa lagu faa'iiday.

Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadlay xariga wariyayaal dhawaan lagu xiray magaalada Jigjiga

      Ururka Saxafiyiinta ee dowlad degaanka Soo maalida Itoobiya oo ka hadlay xariga saxafiyiintii dhawaan ay dowladdu xirtay iyaga iyo tvgii ay ka ho wlagalayeen ee Nabad tv, ayaa khalad ku tilmaamay in hal warbixin loo xiro wariyayaal dhawr ah.

    Sidoo kale waxay shee geen in warbixinta saxafiyiinta loo haysto ay dowladdu ka eegtay dhanka khaladka, xumaana u arkeen, wariyihii soo diyaari yay warbixintana uusan islahayn khalad ku gayso, balse dadkii ka dhex hadlayay warbixinta ay qaarkood u hadleen si caadifad ku jirto, waa siday hadal ka u dhigtay Ayaan Shukri oo ah Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

      Geesta kale waxay ururku sheegeen inay u samaynayaan saxafiyiintan xiran Qareen u dooda, kana difaaca dambiga loo hasto, iyagoo xusay inay ca ddaalad helayaan saxafiyiintan xiran.

      Wariyayaashan xiran ayay dowladdu dhawaan soo qabatay iyagoo ku sugan goobtoodii shaqo ee NABAD tv, xilli ay ku guda jireen hawlahoodii sha qo, waxayna dowladdu u soo qabatay wariyayaa shan warbixin uusoo diyaariyay mid kamid ah war iyayaashan xiran, taas oo ka hadlaysay wada nool aan shaha qowmiyadaha ee gudaha dowlad degaanka Soomaalida, iyo siday Soomaalidu ugu dhex nool yihiin degaannada kale ee Itoobiya.

     Nabad tv oo ahayd muqbaahiyaha ay warbixintani  ka baxday ayaa isna wali albaabadu u xiran yihi in, isagoo wali hawada ku jira tvgu

Dhacdo murugo leh oo laga dhaxlay dagaal kii Guriceel

    Inta la xaqiijiyay 3 Carruur oo isku qoys ah ayaa dhimatay halka dhaawac uu soo gaaray 5 kale oo ay kamid tahay Hooyada Reerka ka ddib markii uu ku qarxay Qori nuuca loo yaqaan Sa ban (RPG) oo loo badaniyo in Deg mada Guriceel looga dhex tagay ma almihii dagaallada ka socdeen.

Caruurta ayaa la sheegay in xaba daas ay kasoo qaadeen agagaarka xarunta Jaam acadda ee ku taalla waqooyiga degmada Guriceel, halkaas oo daga alkii ugu cuslaa uu todobaadyo ka hor ku dhex-maray ciidanka Qaranka iyo xoogagga hubeysan ee Ahlu-Sunna.Carruurta ayay ku qaraxd ay xabadda xilli ay garaacayeen, waxaana ka dha shay khasaaro murugo badan ku abuuray dadka Reer Guriceel.

      Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Guric eel ee Gobolka Galmudug oo goobta tagay ayaa qaaday dadka dhaawaca soo gaaray si looga daw e eyo firirka oo waxyeello xooggan u geystay jirkdooda.

       Dhacdadaan ayaa kusoo aadeyso xilli dadka deegaanka Guriceel ay bilaabeen inay dib ugu soo noqdaan guryahooda kadib xalkii laga gaaray dag aalkii maalmaha ka socday magaaladaas.

     Goobaha ay ka dhacaan dagaallada ayaa laga dhaxlaa halis badan oo ka dhalata hubka & walxaha qaraxyada sameyn kara, carruurta oo aan aqoon fog u lahayn waxa ka dhalan kara ayaa gargaaraca taas oo ugu dambeyn keentay inay naftooda ku waayaan.

Antony Blinken oo billaabaya safar qorshihiisa ay qeyb ka tahay xaaladda Soomaaliya

      Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa booqan doona Kenya, Nigeria iyo Senegal inta u dhaxaysa 15-ka ilaa 20-ka Nov ember, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Abuja.

      Safaaradda ayaa tibaaxdey in booq ashadu si qoto dheer ay hoosta ka xariiqi doonto ballaadhinta xiriirka ay Washingtion la leedahay saaxiibadeeda Afrika.

      Ujeedka Socdaalka xoghayaha difaaca Marayk anka Antony J. Blinken uu ku tagayo Kenya ayaa la gu sheegay inuu yahay mid uu masuuliyiinta Ken ya kala xaajoondoona iskaashiga istaraatiijiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Kenya.

     Dhinacyada ayaa waxey ka wada hadli doonaan wax ka qabashada arrimaha amniga gobolka sida Itoobiya, Soomaaliya, iyo Suudaan.

      Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Kenya, wuxuuna dalkaas ku leeyahay saldhig military kaas oo uu ka maamulo howlgallada cirka ee lagula daga alamayo Al-shabaab.

      "Xoghayaha waxa uu horumarin doonaa iskaashi ga Mareykanka iyo Kenya ee ku aaddan joojinta COVID-19, hagaajinta helitaanka tamarta nadiifka ah iyo ilaalinta deegaanka,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

     Blinken ayaa kadib wuxuu u safri doonaa Abuja, halkaas oo uu kula kulmidoono Madaxweynaha, Major General Muhammadu Buhari (retd.), Madax weyne ku xigeenka Yemi Osinbajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Geoffrey Onyeama isaga oo kala hadlay nabadda qaaradda.

Dad Soomaali ku jirtay xabsi ku yaala Libi ya oo la sii daayay

Saraakiisha ammaanka Dalka Libiya ee xarun lagu haayay dad Muhaajiriin Soomaali ah ay ku jirto ayaa sheegay in xaruntaasi laga sii dayay 57 qof oo magangalyo doon.

Dadkaan ayaa bishii hore ee October lagu soo qabtay How lgal ay Laamaha ammaanka Libiya ay ku bartilmaamaysanayeen dadka soogalootiga sharci darada ah.

Hay’adda Qaxootiga ee Qar amada Midoobey ee UNHCR ayaa sheegtay in dad kaan ay ubaahan yihiin lacag deg deg si noloshoodi ugu dabaraan.

UNHCR waxa ay shaaca ka qaaday in dadkaan badankoodi ay ka muuqato tabar yari caafimaad, waxaana ay 57 qof ka kalasoo jeedaan wadama da Soomaaliya, Ethiopia iyo ereteria. Wali waxaa jira koox kale oo Soomaali ah oo u xiran laamaha ama anka Libya kuwaa oo magaalada Caasimadda ah ee Tripoli laga qabtay.

Maxay tahay tallaabada ay ciidamada Mareykanka qaadi doonaan haddii ay kooxda TPLF soo gasho Addi Ababa?

    Ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay dal ka Jabuuti ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan sidii loo xalin lahaa qalalaasaha ka taagan dalka Itoobiya.

    Saraakiisha hogaamineysa ciidamada ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo November sanadkii hore ay aad u kacsaneyd xaaladda gobalka taasna ay sababtay dagaalka ka socda dalka deriskooda ah.

     William Zana oo ah Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu uu yahay Jabuuti ayaa yiri "Ciidamada Mareykanka halkan waxey u joogaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka gobalka”.

     "Marka itoobiya uu ka dhaco dagaal gudaha ah taasi waxay sababi kartaa inay go’aansadaan inay ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay kala soo baxaan, waxaa halkaasi ku sugan 5 dal oo ka tirsan midowga Afrika oo ay arrintan saameynayso waxa jirta suurtagalnimo ah in kooxaha xagjirka arga gixis ada ay halkaasi dhaqdhaqaaq ka sameeyaan,” ayuu yiri Mr Zana.

      Mar wax laga waydiiyay tallaabada ay militariga Mareykanka qaadayaan haddii ay TPLF soo galaan Addis ababa ayaa waxaa uu sheegay in doorka ay u joogaan gobolka uu yahay inay ka jawaabaan xasaradaha iyo dhibaatooyiinka.

      "Doorkeena asaasiga ah ee halkan aan u joogno waa inaan awood u yeelano inaan ka jawaabno dhibaatooyiinka, gaar ahaan inaan ka jawaabno dhibaatada la so gudboonaata diblomaasiyiinta Mareykanka guud ahaan Afrika gaar ahaan kuwa bariga Afrika,” ayuu intaa ku daray.

      Jeneraalka hogaamiye ciidamada Mareykanka ee geeska Afrika Janaraal William Zana ayaa xusay inay u diyaar garoobeen ka jawaabida haddii Ad dis ababo uu dagaal ka dhaco oo ay xaaladda sii xumaato.

      "Waxaan sameynay diyaar garow wanaagsan iyo qorshe si ay noogu suuragsho in aan ka jawaabno oo aa gacan ka geysano daad-gureynta shaqa alaha iyo inaan sameyno howlgal daad-gureyn ah oo bal laaran oo laga soo qaadayo shaqaalaha Marey kanka , muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa dalalka kale, ayuu yiri Janaraal Zana.

      Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay ku sheegtay in liiska madow lagu daray ciidamada Eritrea, Hoggaanka xisbiga talada haya ee FDFJ, la taliyaha dhaqaalaha ee xisbiga iyo madaxa xafiiska amniga Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda sanad jirsatay ee ka socota dalka Itoobiya.

       Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wa saaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

      Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xorayn ta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qab saday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimadda, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Wararkii u dambeeyey ee xaaladda cakiran ee Dalka Suudaan

     Dhammaan buundooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum, ayaa Shalay oo sabti aheyd ​la xiray ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay inay dal kaasi ka dhacaan.

    Inqilaabkii militariga ee bishii hore ee uu hogaaminayay General Abdel Fattah al-Burhan ayaa dhaliyay dibadbaxyo xiriir ah oo sababay in wadd ooyinka magaa lada khartouum ay dad buux dha afiyaan.

      Dibadbaxayaasha ayaa dalban aya in la soo celiyo dowlad rayid ah, sidoo kalana xabsiga laga sii daayo Ra’iisul Wasaarihii la afgamb iyay Abdalla Ha mdok iyo maxaabiis kale.

      Dawladaha reer galbeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo soo celiyo dawlad ku meel gaadh ah oo ay shacabku hogaaminayaan.

Maraykanka, Midowga Yurub, Britain, Norway, iyo Switzerland ayaa sheegay in samaynta gole ku meel gaar ah oo cusub oo uu hoggaaminayo milata ri ga ay sii adkaynayso soo celinta dimuqraadiyada.

     Taliyaha ciidamada Sudan, Janaraal Cabdifatax Al-Burhan, ayaa soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu dhisayo gole cusub oo madax banaan oo dalkaas maamula, sida uu sheegay telefishinka Sudan.

      Banaanbax looga soo horjeedo wareegtada ayaa ka dhacay magaalada Khartoum.

Janaraal Al-Burhan ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxa golaha sare iyada oo uu goobjoog ka ahaa madaxa cadaaladda Fateh al-Raxman Abdeen. XIGASHO:BBC


LA TALIYIHII MADAXWEYNIHII HORE MARAYKAN KAN DONAL TRUMP OO DACWAD LAGU SOO OOGA YO.

Lataliyihii mudada dheer ee madaxweynihii

hore maraykanka Donald Trump,Mr Stephen Ban non ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu diiday am ar maxkamadeed oo ay sameeyeen guddiga gaarka ah ee Congress-ka ee baaraya weerarkii dhima shada dhaliyay ee 6-dii Janaayo ee Capitol-ka Mar eykanka, tallaabada ugu weyn ee ay qaaday waaxda cadaalad da si ay ugu qasabto wadashaq eynta saaxiibadii hore ee mad axweynihii hore.Bannon ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo quursi ah, waaxda cadaalad da ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay: mid uu diiday inuu yimaado meel dhigis iyo mid kale oo ku lug leh inuu diiday inuu soo saaro dukumentiyo. Taariikhda dacwadda lama dajin. Bannon wuu diiday inuu faallo ka bixiyo.

"Tan iyo maalintii ugu horeysay ee aan xafiiska qabto, waxaan u balan qaaday shaqaalaha waaxda cadaaladda in si wadajir ah aan u tusi doono sha cabka Mareykanka af iyo adinba in waaxdu u hogaa nsanto sharciga, raacdo xaqiiqda iyo sharciga ayna raacdo cadaalad loo siman yahay sharciga. ” Xeer Ilaaliyaha Guud Merrick Garland ayaa ku yiri bay aanka. "Darajooyinka Shalay ayaa ka tarjumaya si da ay wasaaraddu uga go’an tahay mabaadi’dan.”

Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ee Washington ay aa helay dacwadda xeer-beegtida weyn, tallaabadii ugu horreysay ee sharci oo muhiim ah oo ay was aaraddu ku dhaqaaqday intii uu xilka hayay Mada xweyne Joe Biden iyo Garland si ay u xoojiso baari taanka ballaaran ee shirweynaha. Aqalka Cad ayaa su’aalo ku saabsan eedeynta Bannon u gudbiyay waaxda cadaaladda.

Abiy Axmed: "Cashar ayaan ka baranay qorshihii lagu khal-khal galiyay dowladdii Mengistu..”

      Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadalayay madal looga hadalay wararka been abuurka ee ku aadan dagaalka ka socda dalkaas ayaa sheegay inaysan waxbo ka jirin wararka sheegayo in kooxaha fallaagada ay 100 ilaa 200 km u jirsadeen Addis Ababa.

      Mr. Abiy Axmed wuxuu sheegay in wararka beenta ah ay xusuusiyaan sida madaxweyne Mangiste uu dalka uga baxay sanadkii 1991 isla markaana cashar laga bartay.

     "Annagu laba dal ma lihin. qorshihii Mengistu lagu khal-khal galiyay ee dawladdii xilligaas lagu baddalay,waxaan ka barranay cashir.Waxaan lee nahay qorshe cusub la yimaada,naguma qaldi kartaan wix ii hore” ayuu yiri Abiy Axmed.

Madaxa WHO oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigre ega oo war kasoo saaray xaaladda Tigray.

      Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in xaaladda murugsan ay ka taagan

    tahay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kadib dagaa llada sokeeye ee muddada sanadka ah ka socda halkaas.Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo isa ga qudhiisu kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa weriyeyaasha u sheegay xilli uu ku sugnaa Geneva in gobolka la go’doomiyay.

    "Wax dawo dadka ma heystaan-dadka wey dhimanayaan-dadka macluul ayaa lasoo deristay”

      Wuxuu sidoo kale sheegay in adeeggii isgaarsiinta gobolka uu hawada ka maqan yahay isla markaana shacabka aysan heysan wax lacag ah iyadoo dadka ay koronto la’aan yihiin.

"Markaa waad garan kartaa saameynta ay dhibaatadan ku yeelan karto caafimaadka shacabka”

Dowladda Itoobiya waxay beenisay in xaalad go’doomin ah ay gelisay gobolka oo ay hor istaagtay gargaarkii la gaarsiinayay shacabka Tigray.

Daadad iyo dabeylo sababay in Dib-Qallooc yo ugu Dilaan 3 Ruux Boqolaal Kalana ku Qaniin aan Dalka Masar

Dib-qaloocyo ayaa 3 ruux qaniinyo ugu diley magaalada Aswan ee koonfurta dalka Masar, ka dib markii dabaylo xooggan oo ku dhuftay gobolkaas ay sababeen in dib-qalloocyo ay soo galeen waddooy inka iyo guryaha.

Ilaa 450 qof oo kale ayaa dhaawacyo ka soo ga aray qaniinyada dibqallooyin, sida uu sheegay sar kaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Roob xoog leh oo dabaylo wata oo da’ay ayaa sa babay in dib-qalloocyadu ay soo raacaan biyaha roobka.

Daawooyin dheeri ah oo ka hortagga sunta ayaa la siiyay xarumaha caafimaadka ee tuulooyinka u dhow buuraha iyo saxaraha, sida uu sarkaal caa fimaad u sheegay wakaaladda wararka ee Al-Ahram.

Dhakhaatiirta ayaa lagu amray inay bixiyaan tallaal lagu daweynayo qaniinyada Dib-qallooca ay uu sarkaalku hadalkiisa ku daray.

Dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda jog aan oo ay ka fogaadaan meelaha geedaha badan leh.

Calaamadaha qof ka uu qaniino dib-qalooca ayaa waxaa ka mid noqon kara neefsasha da oo ku adkaata, mur qaha oo gariiraan iyo dhaqdhaqaaq madax oo aan caadi ahayn.

Anti-Vonom-ka waxa loo isticmaalaa ka hortag ka hor inta aanay astaamuhu soo bixin, laakiin waxa kale oo ay shaqayn kartaa marka astaamuhu bilaa baan inay ka sii daraan.

HAMBLAYO DHALASHO FARXAD LEH

Aabbe Cismaan Axmed Jimcaale {Dr.Jimmy},Hooyo Safiyo Xuseen Maxamuud,Adeer Maxamuud Axmed Jimcaale {Xaaji Shataar} & Caruurtiisa , Aadeer Muxuddiin Axmed Jimcaale {Tusbax}, Eddooyinka kala ah:- Salaado Axmed Jimcaale,iyo Carruurteeda, Madiino Axmed Jimcaale iyo Carruurteeda , Xabi ibio Axmed Jimcaale {Biibto} Yuusuf Cismaanciil Axmed {Carrabeey} , Maryan Axmed Jimcaale iyo Carruuteeda, Safiyo Axmed Jimcaale iyo Carruuteeda , Nuurto Cali Cumar iyo Carruurteeda, Qadro C/laahi Cali Hagareey ,& Carruurteeda, Xamdi Cumar Xasan, Maxamed Xasan Xuseen {Anaa leh} & Xaas kiisa & Carruurtiisa, Naasir Cali Cumar Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Najiib Cali Cumar Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Nuuradiin Cali Cumar Xaaskiisa iyo Carruu rtiisa, Nasro Cali Cumar iyo Carruurteeda, Nimco Cali Cumar iyo Carruurteeda, Maxamed Cismaan Axmed,Qaalid Cismaan Axmed  Xaaskiisa Iyo Caruur tiisa Wardo Cismaan Axmed & Seygeeda,Munasar Cismaan Axmed, Muna Cismaan Axmed,Maahir Cismaan Axmed, Ayaan Cismaan Axmed Ayuub Cism aan Axmed , Cabbiir Cismaan Axmed , C/raxmaan C/hi Cali {Mashaari}, Raxmo Maxamed Maxamuud {Lajecel}, Cabdi Cali Xasan Yuubane, Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe, Nuur Maxamed Cali N.Qamadi, Macaliin Xasan Dhammaan Dadkaasi waxaay halkaan ugu Hambalyeynayaan AABBE YAXYE ABU KAR AXMED & HOOYO XANAAN CISMAAN AXMED JIMCAALE oo Wiil ugu dhashay 13-ka Nov. 2021-ka Magaalada Muqdisho Gaar ahaan  Degmada Shibbis Wiilkaa soo loogu magac daray Sakariye Yexye Abuukar Axmed waxayna leeyihiin alle haka dhigo kii soo bar-Baaro oo Daliisa Dadkiisa iyo Diintiisaba Anfaca

AAMIIN AAMIIN AAMIIN.


 

 

 

UNOPS JOBS




Operations - Senior Assistant


Job categories             Project Management,ProgrammeManagement

Vacancy code               VA/2021/B5001/22878

Department/office         NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station                 Baidoa, Somalia

Contract type             Local ICA Support

Contract level             LICA-5

Duration                     Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,

                                                                       availability of funds and satisfactory performance)

Application period1      0-Nov-2021 to 25-Nov-2021


Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.


Background Information - PSC

 

Peace and Security Cluster

 

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners.  It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients.  The Director is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and

regulations.

UNMAS

 

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates. 

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”). As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor. 

 Functional Responsibilities


The Operations - Senior Assistant works under the direct supervision of the Operations Officer in support Somalia Humanitarian Explosive Management for Stabilization (HEMS) Project. In close coordination with the rest UNMAS HEMS team, he/she support the management of the overall operations in the field.

·He/she assist the HEMS operations team in day-to-day activities for contracted teams, analyzing team tasks and checking reports.

·Visit task sites to monitor Quality Assurance (QA) Quality Control (QC) & assure the progress of field service delivery by the contractors.

·Coordinate land release and handover of cleared sites in collaboration with SEMA and contractors.

·Identify potential clearance task sites in coordination with the affected land users and SEMA.

·He/she facilitates and supports the provision and issuance of tasking order to the contractors delivering services to mitigate explosive threats across the Federal Member States (FMS) and state level.

·He/she provide assist the project to develop routine and ad hoc-reports on operational activities and during formal incidents/accidents BOI investigations.

·He/she verifies the project information management by updating project filing and documents, control the share driver/systems and ensure all project memories are properly archived. 

·He/she assist the project and other section in translation and interpretation to and from local languages.

·He/she plays a leading role in liaison between UNMAS and relevant stakeholders including implementing partners/contractors, local communities, clan/elders, relevant FMS ministries, national authorities, and partners from other programs. 

·He/she assists in routine logistical and administrative duties and monitor equipment issued and  loaned to implementing partners.

·He/she organizes routine field visits to assess the service delivery of the partner and assist to measure the impact of the services delivered by the contractor and mission in general.

·He/she organizes and provides the general regional security and political updates to the project management team. 

·Any other duties as assigned by the supervisor or the Project Manager. 

 Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...


 Education/Experience/Language requirements


*CANDIDATES WITH NO UN OR UNOPS EXPERIENCE ARE ENCOURAGED TO APPLY
*Qualified female candidates are strongly encouraged to apply

a)      Education

·A First Level University degree (Bachelor’s Degree or equivalent) with a minimum of one year of relevant experience is required; OR

·High School (Secondary or equivalent) with five years of relevant experience is required.

b)      Experience

·Relevant experience is defined as experience inprogrammemanagement, project management, project development, project administration, operation support or administration support.

·Experience in report writing is required;

·Experience in Explosive Hazard Management is highly desired;

·Computer literacy is required.

c)      Language

·Fluency in English (speaking, reading and writing) is required.

·Fluency in Somali (speaking, reading and writing) is required.

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

 Background Information - UNOPS

UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip