Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda caafimaad ee Prof. Jawaari

0
Sunday November 14, 2021 - 09:40:48 in Wararka by
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda caafimaad ee Prof. Jawaari

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi (Buux) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu baahiyey in la dhigay isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Xoghayaha Golaha Shacabka ayaa marka hore beeniyey wararka la baahiyey ee lagu sheegay inay liidato xaaladda caafimaad ee guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.

Buux ayaa Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijiyey inay haatan aad u wanaagsan tahay xaaladda caafimaad ee Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna intaasi ku sii daray in wararka lagu baahiyey baraha Internet-ka ay yihiin kuwa ka fog xaqiiqda.

Sidoo kale wuxuu Cabdikariim Buux tilmaamay in Jawaari uu isbitaalka u tegay arrimo la xiriira Check Up, si loo hubiyo xaaladdiisa guud ee caafimaad.

"Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux wuxuu dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fedederaalka Xil. Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, Isbitaalkana uu u tagay arrimo "check up” ah,” ayuu yiri xoghayaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan wararka xaqiiqda ka fog ee lagu qaldayo, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada Internet-ka.

 

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo si aad ah baraha bulshada looga hadlay hayey xanuunka Jawaari oo la sheegay in habeen hore la dhigay isbitaalka Yardimele ee magaalada Muqdisho, walow haatan lasoo wariyey inay aad u wanaagsan tahay xaaladiisa.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda caafimaad ee Prof. Jawaari




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip