Daadad iyo dabeylo sababay in Dib-Qalloocyo ugu Dilaan 3 Ruux Boqolaal Kalana ku Qaniinaan Dalka Masar

0
Saturday November 13, 2021 - 21:15:57 in Wararka by
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daadad iyo dabeylo sababay in Dib-Qalloocyo ugu Dilaan 3 Ruux Boqolaal Kalana ku Qaniinaan Dalka Masar

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dib-qaloocyo ayaa 3 ruux  qaniinyo ugu diley  magaalada Aswan ee koonfurta dalka Masar, ka dib markii dabaylo xooggan oo ku dhuftay gobolkaas ay sababeen in dib-qalloocyo ay soo galeen waddooyinka iyo guryaha.

     Ilaa 450 qof oo kale ayaa dhaawacyo ka soo gaaray qaniinyada dibqallooyin, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Roob xoog leh oo dabaylo wata oo da’ay ayaa sababay in dib-qalloocyadu ay soo raacaan biyaha roobka.

     Daawooyin dheeri ah oo ka hortagga sunta ayaa la siiyay xarumaha caafimaadka ee tuulooyinka u dhow buuraha iyo saxaraha, sida uu sarkaal caafimaad u sheegay wakaaladda wararka ee Al-Ahram.

      Dhakhaatiirta ayaa lagu amray inay bixiyaan tallaal lagu daweynayo qaniinyada Dib-qallooca ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.

Dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda joogaan oo ay ka fogaadaan meelaha geedaha badan leh.


     Calaamadaha qofka uu qaniino dib-qalooca ayaa waxaa ka mid noqon kara neefsashada oo ku adkaata, murqaha oo gariiraan iyo dhaqdhaqaaq madax oo aan caadi ahayn.

    Anti-Vonom-ka waxa loo isticmaalaa ka hortag ka hor inta aanay astaamuhu soo bixin, laakiin waxa kale oo ay shaqayn kartaa marka astaamuhu bilaabaan inay ka sii daraan.

Dib-Qalloocyo ku diley saddex ruux boqolaal kalana qaniinay dalka Masar - Jowhar somali news leader



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip