GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay rag dilal geystay

0
Saturday November 13, 2021 - 18:41:37 in Wararka by
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay rag dilal geystay

    Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Glamudug ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Howl-gallada qaatay maalmo badan ayaa waxaa lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Glamudug ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Howl-gallada qaatay maalmo badan ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa 7 ruux oo lagu eedeynayo dilal dhowaan ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolkaasi. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa soo qabtay walidiin la tuhumayo inay dhaleen qaar ka mid ah eedeeysanayaal baxsad ah, kuwaas oo la sheegay in lagu raadjoogo. Wararka ayaa sheegaya in shaqsiyaadjka la qabtay loo soo gudbiyey dhinaca magaalada Dhuusamareeb, iyada oo lagu xiray xabsi ku yaalla magaaladaasi. Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka oo su'aallo dheeraad ah weydiinayo ragga haatan gacanta lagu soo dhigay. Galmudug ayaa qorsheyneyso inay maxkamad soo saarto raggan oo dhammaantood loo heysto dilal ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kuwaas oo la xiriira aano Qabiil. Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo ka dhashay dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaanada qaar ee gobolladaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip