Galmudug oo doorashada Aqalka Sare dhameystirtay – Yaa soo baxay?

0
Saturday November 13, 2021 - 13:48:48 in Wararka by
  • Visits: 188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo doorashada Aqalka Sare dhameystirtay – Yaa soo baxay?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali oo kala qeyb-galayey doorashada.

Xildhibaanada Galmudug ayaa codka siiyey Qeybdiid, wuxuuna helay 83 cod, sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka.

Natiijada doorashada ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, isla-markaana loo saadaalinayey inuu kusoo baxayo Cabdi Qeybdiid oo haatan ka mid ah saaxibada Qoor Qoor.

Sidoo kale doorashada waxaa kursiga labaad kusoo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo isna cod gacan taag ah ay ugu codeeyeen xildhibaanada Galmudug, kadib markii uu tanaasulay masharixii la tartami lahaa Mahad Aadan, waxaana guusha Xareed ay aheyd mid la oogaa.

Dhinaca kale ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga.

Si kastaba, qabashada doorashada labadaan kursi ayaa dhammeystirtay doorashada Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada dalka



Galmudug oo doorashada Aqalka Sare dhameystirtay – Yaa soo baxay?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip