SAWIRO:- Maamulka Cusub ee degmada Baraawe & AMISOM oo kulankii ugu horreeyay yeeshay

0
Friday November 12, 2021 - 18:55:07 in Wararka by
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:- Maamulka Cusub ee degmada Baraawe & AMISOM oo kulankii ugu horreeyay yeeshay

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,



 

Waxaa Maanta degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Maamulka Cusub ee dhawaan halkaasi lagu doortay iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Maamulka degmada Baraawe oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha Cuaub ee degmadaas Dr liibaan Abuukar Cusmaan & Saraakiisha AMISOM ayaa kulankooda waxaa uu ahaa isbarasho iyo isxog-wareysi.

 

Sidoo kale kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen dardar gelinta sugida Amniga guud ahaan degmada Baraawe iyo degaannada hoostaga.

Guddoomiyaha Cusub ee degmada Baraawe Dr liibaan Abuukar Cusmaan ayaa Saraakiisha AMISOM uga mahad celiyay wadashaqeynta ay la leeyihiin Mamaulka degmada iyo dadaalkooda ku aadan sugida Amniga.

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degaannada Koonfor Galbeed ee loo qorsheeyay inay ka shacaan doorashooyinka Gollaha Shacabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip