Sawirro: Ciidamada Danab oo burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

0
Thursday November 11, 2021 - 18:37:09 in Wararka by
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada Danab oo burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay howlgallo ka sameeyeen galbeedka magaalada Kismaayo.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada kala ah Labi-Kus, Qudus, Yaaq-Dabeyl, Dharkeyn oo hoostaga degmadaasi.

Saraakiisha Danab ee hoggaamineysay howl-gallada ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ka hadlay howl-galladaas ayaa shaaca ka qaaday in ay burburiyeen goobo ay sheegeen inay Al-Shabaab lacago ku qaadi jireen iyo xarun u aheyd maxkamad.

Xaaladda deegaanada laga sameeyey howl-gallada ayaa haatan u aad kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa deegaanada Jubbaland ka socday howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobollada Jubbooyinka ee maamulkaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip