SAWIRO:- Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

0
Wednesday November 10, 2021 - 19:11:29 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:- Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ninkaan oo lagu Magacaabo Cusmaan Cadow Xaaji kana tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta Isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusugan Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Maamulka Koonfur Galbeed.

Cusmaan ayaa muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, wuxuuna u qaabilsanaa qeybta jabhadaha ee weerarada qorsheysan fulisa, isaga oo ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka kala dhacay Gobolada Gedo, Baay iyo qeybo ka Mid ah Waddanka Kenya.

 

Guddoomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa sheegey in Cusmaan Cadow uu la soo goostay Qoray AK47 iyo Booshkiisa, isla markaana muddo uu si dhuumaaleeysi ah uga Shaqeeynayay degmada Diinsoor iyo degaannada hoostaga.

Ninka kasoo goostay Al-Shabaab ee Cismaan ayaa ugu baaqay Xubnaha kale ee weli ka tirsan Al-Shabaab in ay isaga soo baxaan ayna ka faa’ideystaan cafiskii ay ufidisey Dowladda Soomaaliya.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Maamulka Koonfur Galbeed iska soo dhiibay Saraakiil iyo Xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ka Shaqeeynayay degaannada Maamulkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip