Ciidanka dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

0
Wednesday November 10, 2021 - 19:09:40 in Wararka by
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

    Ciidanka xoogga dalka ayaa Maanta waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelalaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka ayaa Ciidamada sig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka ayaa Maanta waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelalaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah uga fuliyeen degaannada Shaam-gare iyo Raqayle oo dhexeeya Degmada awdheegle iyo Degaanka Bariire, waxaana saraakiisha ciidanka ay sheegeen inay la wareegeen Godad Al-Shabaab halkaasi uga qodnaa, kuwaas oo difaac ay ka dhiganayeen. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka ay khasaaro weyn ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen Sagaal Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab 13 kalena ay dhaawaceen sida ay hadalka u dhigay. Dhowr jeer oo hre ayaa Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip