Farmaajo oo u baxaya safar dibadda ah + Ujeedka

0
Wednesday November 10, 2021 - 19:08:04 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo u baxaya safar dibadda ah + Ujeedka

    Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu soo warramayaa in maalmaha soo socda uu u bixi doono safar dalka dibaddiisa ah, kaas oo uu ku tegayo Uganda, sida uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibadda xukuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu soo warramayaa in maalmaha soo socda uu u bixi doono safar dalka dibaddiisa ah, kaas oo uu ku tegayo Uganda, sida uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya. Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlayBBC-da ayaa sheegay in Farmaajo uu magaalada Kampala uga qeyb-gali doono shirweyne looga hadlayo xaaladda Itoobiya iyo mida Sudan, kaas oo qabsoomaya 15-ka beshan ayenu ku jirno November ee 2021-ka. Wasiirka ayaa shaca ka qaaday in shirkaas ay sidoo kale tegi doonaan dhammaan madaxda dalalka dhaca Bariga Afrika ee ku jira Urur Goboleedka IGAD. "15-ka November waxaa magaalada Kampala ka dhici doona shir ay isugu imaanayaan Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qaybgeli galayo Madaxweynaheena, waxaa looga hadlayaa Inqilaabkii ka dhacay Suudaan & Xaaladda Itoobiya" ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in muhiimadda shirkaasi uu yahay sidii looga hortagi lahaa colaadaha iyo qalaalasaha dhiiga uu ku daadanayo ee ka jira labadaasi dal. Mudane Maxamed Cabdirasaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay ku baaqeyso in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan. "Wadahadalka iyo wax isla meel dhigidda ayaa ka wanaagsan in dad aan wax galabsan ay ku dhintaan, in dhaqaalaha & Dalka uu ku burburo, sidaas darteed waxa aan soo jeedineynaa in la wada hadlo" ayuu sii raaciyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Safarka Farmaajo ee Kampala ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya ku jirto xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho. Si kastaba, madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa saaxib dhow la'ah ra'iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Axmed oo haatan dagaal adag kula jira jabhadda TPLF.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip