RW Rooble oo booqanaya Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Gollaha Shacabka

0
Wednesday November 10, 2021 - 18:47:53 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Rooble oo booqanaya Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Gollaha Shacabka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.


 

Ra’iis Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan booqdo Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Rooble ayaa u kuurgeli doono xaaladda Amni ee Goobaha loogu talo galay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka iyo diyaar garoowga doorashada.

 

Wixii ka bilowda Jimcaha ama sabtiga


waxaan diyaariyay safaro aan ku tagayo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu warbixino mu saabsan diyaar garoowga doorashada ka dhageysan doonaa guddiyada doorashooyinka Heer dowlad Goboleed halka Saraakiisha Amniga doorashooyinka uu ka dhageysan doono warbixin la xiriirta amniga Goobta doorashada.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu ka sheegay Shir looga hadlayo arrimaha bani’aadannimada oo Maanta uu ka furay Magaalada Muqdisho.

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip