SAWIRO:- RW Rooble oo goordhow furay shir looga hadlayo Arrimaha Abaaraha

0
Wednesday November 10, 2021 - 18:37:46 in Wararka by
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:- RW Rooble oo goordhow furay shir looga hadlayo Arrimaha Abaaraha

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


 

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa uu ka furmay Hangarka Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, iyada oo uu furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Gargaarka, maareynta & Musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirada Gargaarka Shanta Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir, isku Duwaha Howlaha Arrimaha Bani’aadamnimo ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaalilya Adam Abdulmoula iyo qaar kamid ah Deeq bixiyeyaasha Calamiga ah.

 

Shirka oo muddo hal Maalin ah socon doona ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha Ban’aadannimo ee hadda taagan qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya iyo sidii looga gudbi lahaa.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in deeqaha Caalamka ka heli jirtay dowladda Soomaaliya oo hoos u dhacay aawgeed loogu gurman waayay dadka Gobolada ay abaartu ku saameeysay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Abaaraha & musiibooyinka kajira dalka ay Soomaaliya u dheer tahay cakirnaanta Siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare rooble ayaa ugu baaqay deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah iyo Hay’adaha samafalka in xilligaan adag ee lagu jiro ay gurmad bani’aadannimo la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa warbixin looga dhageysan doonaa Hay’adda isku dubba ridka hawlaha gargaarka ban’aadanimo ee Soomaaliya, OCHA iyo Warbixinada Hay’adaha NGO,yada ka howlgalla dalka.

Sidoo kale inta uu Shirka socdo ayaa waxaa Kaalmooyin dhaqaale oo lagu bixinayo arrimaha bani’aadannimo ee kajira dalka balan qaadi doona deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo xiri doona shirka oo laga soo saari doono Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlay.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip