Poland oo xadkeeda ku xannibtay boqollaal tahriibayaal ah

0
Tuesday November 09, 2021 - 11:13:36 in Wararka by
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Poland oo xadkeeda ku xannibtay boqollaal tahriibayaal ah

    Maamulka Dalka Poland ayaa sheegtay in ay ka hortageen isku day boqolaal tahriibayaal ah oo doonayey in ay dalkaasi ka soo galaan dhanka bari ee dalka ay jaarka yihiin ee Belarus. Maamulka ayaa sheegay in xadka ay geyeen ciidamo dheeraad ah, ilaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Dalka Poland ayaa sheegtay in ay ka hortageen isku day boqolaal tahriibayaal ah oo doonayey in ay dalkaasi ka soo galaan dhanka bari ee dalka ay jaarka yihiin ee Belarus. Maamulka ayaa sheegay in xadka ay geyeen ciidamo dheeraad ah, ilaalada xuduudaha iyo booliis si ay uga hortagaan kumanaan kale oo la tilmaamay in ay ku sii jeedaan xadka Poland. . Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u sii socda dhanka xuduudka iyo qaar isku dayaya in ay jebiyaan xayndaabka ku sameysan xuduudda iyaga oo isticmaalaya bir iyo walxo kale. Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay maamulka magaalada Minsk ee Belarus inay ku dhiirigelinayso muhaajiriinta ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika inay u gudbaan Poland, Lithuania iyo Latvia .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip