Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Marwo Martha Ama Akyaa Pobee?

0
Monday November 08, 2021 - 19:33:27 in Wararka by
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Marwo Martha Ama Akyaa Pobee?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuimadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee oo booqasho ku timid Magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS.

Intii uu kulanku socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Mashaariicda Horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee QM.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, kuwaas oo uu kala hadlayay dar dar gelinta howlaha doorashooyinka.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip