HALKAAN KA AKKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ISNIIN 8-DA NOV.2021-KA

0
Monday November 08, 2021 - 08:33:00 in Wararka by
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ISNIIN 8-DA NOV.2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan oo ka wada hadlay dardargelinta doora shooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xu seen Rooble ayaa Shalay la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya Md. James Swan oo ay ka wada hadleen dardar gelin ta doorashooyinka dal ka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caa lamka, iyadoo madasha uu qaybka ahaa Guddoomiya ha Gudidda Hirgelinta doorashoo yinka heer fe deraal Md. Maxamed Xasan Ci rro.R/Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la ded ejiyo howlaha doo rashooyinka.

R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qa bashada doorashoo yinka G/Shacabka BFS.

Cabdi Xaashi Iyo Sheekh Shariif Oo Ka Wa da Hadlay Doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sh. Shariif Sh Axmed ayaa Habeen hore M/ Mu qdi sho kulan kula qaatay Gud. Aqalka Sare Senat orka doo ran ee Cabdi Xaa shi Cabdullaahi.

Kulanka dhexmaray Sh.Shariif iyo Cabdi Xaashi ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arr imaha doorashooyinka gaar ahaan doorasha da G/Shacabka Baarlam aanka FS ee G/da Waqooyi ee Somalila nd.

Md.Sh. Shariif ayaa Senatar Cabdi Xaashi u sheegay inay muhiim tahay dardar-gelinta do orashada G/Shacabka ee Somaliland oo dhaw aan ka bilaabatay M/Muqdisho, lana doortay Xi ldhibaanadii ugu horreeyay ee G/Shacabka.

Sh.Shariif ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Md.Cabdi Xaashi uga mahad celiyay kaalintiisa sida is fahamka ah ee ay socoto doorashada Xildhibaanada Matalaya gobolada Waqooyi ee dalka oo uu shariifku sheegay in loo baahan dardar-gelinteeda.

Kulankaan ayaa waxaa uu ku soo aaday, iy ada oo ay hakad ku jirto doorashada G/Shacab ka ee Somaliland, xili la doortay 2dii Xildhiba ankii ee horreeyay oo kala ah Mahdi Maxamed Guuleed Khadar R/Wasaare ku-xigeenka iyo Biixi Iimaan Cige, iyadoo ay xusid mudan tah ay in la hakiyey natiijada doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.

Cumar Filish "Waxaa Naga Go’an In Hal Mi tir Oo Dhul Dowladeed Aan Dan Gaar Loo Qaadan”

Guddoomiyaha Maamulka G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Cumar Maxamuud Ma xamed Cumar Filish ayaa sheegay in caqab ado badan Maamulka Gobolka uu kala kulmo dib u soo celinta dhulalka dowladda oo sann ado badan gacanta dowladda ka maqnaa.Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu caddeeyay in Maamulka G/Banaaadir iyo dowl adda haatan jirta aysan marnaba ogolaan do onin in hal Mitir oo dhul dowladeed ama dad shacab ah ay leeyihiin dan gaar ah loo qaato, loona dhisto. Wuxuu intaas kusii daray Duqa Muqdisho in maalmihii dambe ay soo bateen warar been ab uur ah oo lagu sheegayay in dhulal dowladda leedahay danno gaar ah loo dhistay, hayeesh ee waxa uu sheegay in marnaba Maamulka og golaaneynin in la dhisgto dhulalka.

"Waxaan rabaa inaan idiin Caddeeyo in ma amulka G/Banaadir iyo dowladda hadda jirto aysan Oggalaan doonin in hal Mitir oo Dhulka Dowlada ah si gaara ah loo qaato” ayuu yiri Cu mar Maxamuud Maxamed Cumar Filish oo la hadlaay ay warbaahinta.

Duqa Muqdisho ayaa Shalay xariga ka jar ay dhismaha barxada Biyaasa Liibaro ee degm ada Xamar Jajab oo ay dowlada hoose Xamar ku sameysay dib udhis goobtaas oo loogu tal agalay in lagu baakimo gaadiidka Xamuulka ah si loo yareeyo saxmada balaaran ee kajira isku socodka wadooyinka Caasimadda.

Barxada Biyaasa Liibaro oo ah goob dan guud ah ayaa mudda ku dhow 30-sano helin wax dayactir ah, iyadoo dhawaan uu duqa M/ Muqdisho ammar ku bixiyay dhismaha goobtan si bulshada loogu qidmeeyo.

CC Shakuur oo soo jeediyey dalab la xiriira Drones-ka lagu qabtay garoonka Muqdisho

Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Ca bdishakuur Warsame ayaa Shalay soo saaray dalab xasaasi ah, kadib isku daygii dil ee uu Habeen hore ka bad-baaday ra’iisul

wasaaraha dalka Ciraaq, isaga oo soo jee diyey in si weyn loo baaro diyaaradaha Drone s-ka ah ee dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shee gay in isku dayga dil ee ra’iisul wasaaraha Cir aaq loo adeegsaday Drone qarax loogu soo xir ay, sidaas darteedna uu ku talinayo in si mad axbannaan loo xaqiijiyo waxa ay yihiin diyaar adaha lagu qabtay magaalada Muqdisho.

"Maadama Habeen hore Rays alwa saaraha Ciraaq uu ka badb aaday is ku day dil oo loo adeeg saday drone qarax loo gu soo xiray, waxaan dal ban ay naa in si madaxbanna an loo xaqiijiyo waxa ay tahay dro ne ka la sheegay in Xamar la gu qabtay” ayuu yiri Cabdir axmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ha’yadaha iyo dowladaha waaweyn ee Soomaaliya haatan ka caawiya ammaanka inay laamaha amniga ku gacan-siiyaan baaritaanka diyaaradahaasi.

Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cab dishakuur Warsame ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in la ogaado halka ay ku socd een diyaaradahaas iyo ujeedka laga lahaa.

"Waa in hay’adaha iyo dawladaha naga gaca nsiiya tababarka ciidanka iyo arrimaha amniga ay hubiyaan nooca drone la qabtay, iyo halka ay ku socotay,” ayuu markale sii raaciyey.Diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay gar oonka Aadan Cadde oo gaaray illaa lix diyaa rad ayaa waxaa dalka keenay, sida uu sheeg ay Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo ujeedada uu u keenay ku sheegay inuu ku waraabinayo beeraha, sidoo kalena uu kula dagaalamayo Ayaxa, sida uu hadalka u dhigayxigasho:Caasimadda.Net

Maxaa looga hadlay kulankii Shalay ee DF iyo Midowga Afrika kadib ceyrintii Simon Mulongo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabd irisaaq Maxamuud ayaa xafiis kiisa Shalay ku qaabilay Ergey ga gaarka ah ee Guddoomiya ha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madei ra, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in 2da masuul ay kulankooda dii radda ku saareen arrimaha ammaanka, doora shooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha Kala-guurka ee So omaaliya (STP) oo ah "dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya,” sida lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ay wasaaradda arrimaha dibadda ka soo saartay kulnkaas ayaa lagu yiri, "Kulan ka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu da mbeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yah ay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaar gar owga cutubyada ciidamada, si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaa shaan gabbaad ah.”

Kulankaan ay Shalay yeesheen W/Arrima ha Dibadda Soomaaliya M.Cabdirisaaq iyo wa kiilka M/Afrika ee Soomaaliya, Danjire Franci sco Madeira, ayaa ku soo beegmaya, xilli ay wasaaradda arrimaha dibadda 4-tii bishaan No vember todobada cisho inuu dalka uga baxo u qabatay Simon Mulongo oo ahaa ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Simon Mulo ngo oo ku xigeen u ahaa Francisco Madeira waxay ku eedeysay "inuu ku lug yeeshay dha q-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaali ya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrim aha dibedda Soomaaliya ayaa horey Caasima da Online ugu sheegay in Mulongo uu ku kac ay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaa wacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qa ar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuus idda hay’ado shisheeye, iyo qodobo kale.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in arirnta dhaawaceysa qarannimada Soomaali ya ee lagu eedeeyey Mulongo ay tahay inuu ca qabad ku noqday qorshaha kala guurka Soo maaliya "Somali Transition Plan” oo ah isku da yga ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in

ay Amisom ugala wareegto amniga,dalkana ay

isaga baxaan ugu dambeyn sanadka 2023-ka.


NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad isku xiran oo ka kooban 12 qof (Faah-faahin)

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qar anka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in ay gacanta ku soo dhigtay shabakad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo howl-galo ka dhan ah ammaanka ka fulin rabay M/Baydha bo ee xarunta KMG ah ee maamulka K/Galbe ed.

Taliyaha Nabad-Sugida maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Shaahiyow ayaa she egay inay ku guuley steen inay soo qabt aan 12 qof oo di yaar inayay howl-galo am aan da ro, islamarka ana ay horgeyn do onaan cadaaladda.

Waxaa qeyb ka ah shabakada ay ciidamada NISA gacanta kusoo dhigeen dad qaba qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaasi oo baaritaano hor u dhac ah ay ku sameeynayaan ciidamadu

Shabakadan ayaa qeyb ka aheyd shabaka do dhowr ah oo Al-Shabaab u diyaariya qalqal-gelinta amniga Baydhabo ee maamulka K/Galb eed Soomaaliya.

Howl-galadan ayaa qeyb ka ah sugida amni ga M/Baydhabo ee xarunta G/Baay oo ayadu kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhac do doorashooyinka G/Shacabka oo dhawaan kuraastii u horeysay la doortay.

Madaxweynaha Puntland oo is bedel ku sameeyay Taliye-yaal ciidan

Madaxweynaha D/Puntland, Md.Siciid C/hi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.33 ee 7-da November 2021, kuna saabsan maga caabid iyo isku bedel ciidan.

Maxweynaha D/Puntland Markuu arkay: Dast uurka D/Puntland Qo dobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelin ta Amn iga.

Markuu Tixgeliyey: Aqo onto oda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/guuto Cumar Cabdi Cilmi loo ma gacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

2. Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska G/Bari loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska G/Nugaal.

3.Waxaa G/sare C/dir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wareejiy ay Taliska C/Booliska, waxaana loo Magacaab ay Taliyaha Qaybta Booliska G/ Bari.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Ma daxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

Heshiis Ku Saabsan Hanaanka Saami Qeyb siga Wax Soo Saarka Dalka Oo La Ansixiyay 

Guddiga Wasaaradaha ee u xilsaaran ka soo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha khey raadka dalka ayaa si wadajir ah u ansixi yay he shiis ku saabsan hanaanka saami qeyb siga wax soo saarka dalka.

Wasiirka W/Badtoolka &Macdanta XS ee xil gaarsiinta C/raShiid Maxamed Axmed ayaa tal laabo muhiim ah ku tilmaamay heshiiskan.

"Waa talabo muhiim ah oo hubaashii kaa lin ka ciyaa reysa dadaaladeena aan ku sahmi neyno ugana faa’iideys aneyno kheeyraadkee na, si aan ugu faa’iide yno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka & Macdanta XFS C/rashiid Maxamed Axmed.

Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay inay ka faaa’ii daysato kheyraadkeeda dabi iciga oo noocyo kala duwan leh, waxayna DFS ku how lan tahay in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fa hmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo sa arayo kheyraadka dalka.

Macallin Maxamuud oo markii ugu horeys ay ka hadlay dagaalkii Guriceel iyo qor sha ha Ahlu-Sunna ee Galmudug

Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Walja maaca Macallin Maxamuud Sh.Xasan Faarax ayaa tan iyo soo laba kacleyntii ururkiisa wax uu markii ugu horeysay bixiyey wareysi, kaas oo uu uga hadlay dagaalkii ka dhacay D/ Gur iceel iyo mowqifka Ahlu-Sunna ku aaddan wa xa ay ka damacsan yihiin D/G/Galmudug, si doo kale DFS ayuu eedeyn u jeediyey.

Macallin Maxamuud oo wareysiga an sii yey BBC ayaa ugu horeyn sheegay inay sii wadi doonaan fi kirkii ay ku shaqeyn ayeen ee ah aa inay ‘shacabkooda u hiiliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan ga rab’ isla markaana ay ka go’an tahay inay dal ka ka cirib tiraan ururka Al-Sha baab.

Macallinka ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Guriceel, isagoo sheegay inuu ahaa da gaal gar-darro ah oo iyaga lagu soo qaaday, waxuuna eedeyn culus u jeediyey hoggaanka Galmudug iyo dowladda federaalka.

"Dagaal ay wadaan dad khaas ah ayuu ah aa Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, dagaal ma billaabaan, mana huriyaan. Marka dagaalka la billaabayay siyaaro mashaa’ikhdee nni waaweyneyd ayaan isugu nimid, waan icl aaminnay, waxaana ku iclaaminnay in dowlad iyo shacab intaba loo midoobo ururkan argagi xisada ah ee dalka ku faafay. Siyaaradii laftee da annagoo joogna, weerar baa nalagu soo qa aday, waxaa nagu soo qaaday D/Galmudug oo ay kaalmo u ahaayeen ciidanka Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Si gaar ah waxa uu ugu eedeeyey dagaal kaas taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo uu sheegay inuu ho ggaaminayey dagaalkii ka dhacay degmada Guriceel, 23-kii illaa 26-kii bishii hore ee Octo ber, dagaalkaas ayaa galaaftay saraakiil iyo cii damo uga jiray labada dhinacba, waxuuna Mac allin Maxamuud mas’uuliyaddiisa dusha ka saa ray dowladda dhexe iyo Galmudug.

"Horta marka hore waxaysan dadku aqoonsa neyn in meesha aan joognay ay ahayd meel aan annagu dowlad ka ahayn 12 sano, mudda daas gudaheedana wax argagixiso la yiraahdo ma soo galin umana soo dhawaanin. 12-kaas sano dadkii meesha joogay ciidankoodii xagee buu jiraa? waxyaabaha laga been sheegayo waxaa ka mid ah ‘ciidan aruuris bay gasheen’ maxaa la aruurinayaa? meeshaba ciidankii aan annagu lahayn mooyee wax ciidan ah oo kale ma joogin,” ayuu yiri hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna.

Intii uu socday wareysigaan Macalin Maxa muud ayaa qiray in Ahlu-Sunna ay aqoonsan tahay jiritaanka maamulka Galmudug, "Haddii aannaan aqoonsaneyn waxaan oo dhib ahba ma imaan lahayn. Waan aqoonsan nahay, waa na cadeynay, laakiin ma aha maamulku had duu noqdo mid ilaalinaya argagixiso, markaas nidaamka maamulnimada ayuu ka baxayaa,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray, "Guriceel waa gu rigeennii, Dhuusamareeb waa gurigeennii, anig an kula hadlaya ayaa ku dhashay, Sh.Maxam ed Shaakir baa ku dhashay, xagey ka timaad daa wax dowlad la yiraahdo oo dhaheysa dad ku dalka ma imaan karaa? dowlad ma tahay marka horeba? Waan hubeysneyn waligeenba, 12 sano ayaan joognay, oo aan hub heysann ay, ma Shalaya la billaabay? Annagu gurigeen ni bana tagnay.”

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka Al-Sha baab ayuu sheegay in Ahlu-Sunna ay tahay aw ooda kaliya ee gobollada dhexe ka cirib tiri ka rta kooxda Al-Shabaab. Waxuuna ku gacan se yray in arrintaas ay tahay shaqo u taalla D/G/ Galmudug oo hoos tagta DFS.

Mar wax laga weydiiyey cidda ku garab siis ay inay dib isku soo abaabulaan iyo halka ay dhaqaalaha ka helaan ayuu ku jawaabay, "An nagu dhaqaalaheenna waligeen jeebkeenna ayuu ahaa, jeebkeenna ayaan kala soo baxn aa. Dadka aan imaanka lahayn baa dhaha ‘dhaqaalaha qoladeen u doonannaa?’, annagu Ilaa hay baan u doonannaa dhaqaalaha, asa gaana na siiya, waana heleynaa, marka ma weyno dhaqaale.”

Macallin Maxamuud ayaa beeniyey wararka sheegaya in Ahlu-Sunna ay taageero ka hesho maamulka Puntland iyo D/Iiraan, waxuuna had alladaas ku tilmaamay kuwo lagu qoslo.

Sidoo kale Macallinka waxaa la weydiiyey halka ay dagaalyahanadoodu ku dambeeyaan, ka dib dagaalkii qaraaraa ee ciidamada DFS iyo kuwa Galmudug ay kula galeen D/ Gurice el,waxuuna sheegay inay Guriceel uga baxeen codsi uga yimid culumo kale & dad madax ah.

"Ahlu sunna guriceel way u dhow dahay, meel bay joogtaa, waxayna ku baxday codsi uga yi mid culimada Islaamka oo AhluSunna Walja maaca ah & dad madax ah. Annaga ujeedad eenna waa inaan joogno gurigeenna, wixii aan daafici jirnay oo ah caqiido, dad iyo diina waan daafaceynaa, ninna ka baryi meyno haddey ar rintu noocaas noqoto,” ayuu yiri Macallinka

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Ahlu-Sunna ayaa sheegay inay wadahadal ku galayaan 2 darajo oo kala ah inay yihiin Ahlu-Sunna & inay leeyihiin door R/Wasaarenimo oo maamul gob oleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha, sida uu hadalka u dhig ay.

"Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo waxaan iska wadaneynaa dowladni madeenna, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa,” ayuu yiri Macalin Maxamuud She ekh Xasan Faarax hoggaamiyaha guud ee Ah

lu-Sunna Waljamaaca.XIGASHO:BBC


Taliye Cabdi Xasan Xijaar oo go’aan culus kasoo saaray muuqaallada TikTok

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si dag uga hadlay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ah aan Tiktok-ga iyo burcada dhaca ka geysata degmooyinka M/Muqdis ho, kadib kulan uu Shalay la yee shay taliyeyaasha Booliska G/Bana adir.

Taliye Xijaar ayaa ugu horeyn sheegay in mudooyinkii dembe ay aad u soo badatay bur cadda dhaca ka geysata magaalada Muqdi sho, kuwaas oo dadka shacabka ah ka furta tal eefoonada iyo agabkooda gaarka ah, isagoo ballan qaaday in tallaabo deg deg ah ay qaadi doonaan hey’adaha ammaanka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka hadlay muuq aalada anshaxa wax u dhibaya ee lagu baahi yo baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Tik tok-ga oo carrabka uu ku dhuftay, isagoo ku amray saraakiisha ciidanka booliska inay wax ka qabtaan dadka muuqaalada anshax xuma da ah ku soo bandhiga aalada Tiktok.

Kulankii Shalay ay isugu yimaadeen saraa kiisha ciidamada booliska ayaa waxaa shir gu ddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Janer aal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxuuna sheegay markii uu ka warbixinaayey in kulanka diirada lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa amniga caasimadda Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in muqooyinkii dam be ay muujiyeen dadaal xoog leh, taas oo suur ta gelisay in waxbadan ay iska bedelaan am maanka magaalada Muqdisho, isagoo balan qaaday inay sii adkeyn doonaan ammaanka, xiligaan kala guurka ah ee dalku ku jiro.

Wiil 12 jir ahaa oo haraad iyo gaajo ugu ge eriyooday galbeedka KISMAAYO

Wararka naga soo gaaraya Jubbooyinka ayaa sheegaya inay ka sii darayaan xaaladaha nololeed ee gobolladaasi oo ay haatan ka jiraan abaaro xoogan, kuwaas oo saameyn daran ku ye eshay dadka deegaanka iyo du unyada intaba.

Galbeedka Kismaayo ayaa ka mid ah mee laha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha nolol eed, gaar ahaan biyo la’aanta oo saameysay reer miyiga ku dhaqan halkaasi.Khadiijo Xa aji Yacquub oo ka mid ah bul shada rayidka ee Jubbaland, isla-markaana bo oqatay deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ay aa sheegtay in wiil yar oo 12 jir ahaa uu hara ad iyo gaajo darteed ugu geeriyooday inta u dhexeysa Biroole iyo Buulo Xaaji.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay jiraan dad kale oo dhul yaal ah, isla-markaana ay dhibaato xoogan ku heysato deegaano ho ostaga magaallo xeebeedka Kismaayo.

"Hadda hal cunug wuu ku dhintay dad kale oo garaab ah waa la sheegaayey meesha dhib aato daran ayaa ka jirta wax laga sheekeyn ka ro ma’aha,” ayey tiri Khadiijo Xaaji.

Dhankiisa Ciise Axmed Maxamed (Boorow) oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi ay gaareen meeshii ugu sarreysay, isla-marka ana dadka aysan heysan biyo ay cabaan, ayna kale’deen xoolihii ay heysteen.

"Biyo la’aan rasmi ah ayaa dadka heshay gaa diid aa biyaha loogu dhaaminaayey laakin ga adiidka waa ka soo laabtay Roobna weli lama helin,” ayuu yiri Ciise Boorow.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’ada ha samafalka, Jubbaland, dowladda federaalka iyo ganacsatada inay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ay saameeyeen abaaruhu.

Diblomaansiyiinta reer galbeedka oo isaga baxay Addis Ababa iyo wararkii ugu dambe eyey dagaalka

Waxaa Shalay garoonka diyaaradaha M/ Ad dis Ababa ka dhoofay qaar kamid ah ajaanibta & diblomaansiyiinta dowladaha reer gal beed ka ee ka howl galayay dalka Itoobiya, ku waas oo lagu amray inay isaga ba xaan dalka.

Safaaradaha dalalka yurub ee fadhigoodu yahay Itoob iya ayaa horay muwaadi niin tooda ugu baaqay inay isaga baxaan dalka ka dib markii ay adkaatay xaaladda Itoobiya, oo mucaaradka ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan dowladda.

Ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jiro ku wa federaalka Itoobiya ayaa waxay kaabiga ku soo hayaan M/Addis Ababa oo ay sheegen in dhawaan la wareegi doonaan.

Muwaadiniinta ajaanibta ah ee ku sugan ca asimadda Itoobiya ayaa Shalay indhuhu qaban ayeen iyagoo ku sii qulqulaya garoonka diyaar adaha caalamiga ah ee Addis Ababa Bole International Airport.

Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii 2aad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul.

7aadkii tegay TPLF ayaa qabsatay 2 mag aalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxa arada, ayaga oo ka dibna usoo ruqaansaday caasimadda Ethiopia, waxayna joogaan meel u jirta qiyaastii 300 km.Jimcihii ayaa sagaal koox waxay ku dhowa aqeen isbaheysi cusub oo ujeedkiisu yahay in ay xukunka ka tuuraan R/w/ha Abiy Ahmed.

Berhane Gebre-Christos, oo ah wakiil ka tirsan TPLF, oo heshiiska isbaheysi ku saxiixay Wa shington, ayaa sheegay in waqtiga uu kasii dhammaanayo R/wasaare Abiy Ahmed. "Waxaan damacsanahay inaan meesha ka saa rno taliska,” ayuu u sheegay weriyayaasha.

W/difaaca Ethiopia ayaa Jimcihii ugu baaqday askarta howgabka ah inay dib usoo howlgala an "si dalka looga badbaadiyo shirqoolka lagu kala dhantaalayo.”

Isbaheysiga cusub ayaa la mid ah kii ay dhammaadkii sideetamaadkii ay dhistay koo xda TPLF kahor inta aan xukunka laga tuurin kaligii taliyihii muddada fog Mengistu Haile mariam, 1991-kii.

Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan kar aa "bil gudahood haddiiba aanay aheyn 7/baa dyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oro mada ee OLA.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheeg ay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo do wladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray "dhammaad aan laga baaqsan karin.”

"Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, wax aan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri.

Urur aysan dunida horey u maqal oo afdu ub tay laba askari oo Israeli ah (Warbixin)

Urur aysan dunida horey u maqaly oo isku magacaabay Dhaqdhaqaaqa Xoriyadda ayaa shegtay inay afdubteen laba askari oo Israeli h.

Barnaamij baaris ah oo uu Jimcihii sii daayey taleefishinka Aljazeera, ayey kooxdan ku she egtay inay afduubteen labadan sarkaal "xilli ay howlgal amni oo qarsoodi ah ka fulinayeen me el ka baxsan Israel.”

Barnaamijka ayaa baahiyey muuqaallada 2 nin, oo afduubayaasha ay sheegeen inay yihiin laba askari oo Israeli ah.

Mid ka mid ah 2da nin ayaa magaciisa ku sheegay David Ben Rousey, wuxuuna magaca saaxiibkiis ku sheegay David Perry, ayaga oo intaas ku daray inay yihiin Israa’iiliyiin.

Ururkan ayaa sidoo kale bishii September ee sanadkii tegay sheegtay inay afduubteen la ba askari oo kale oo israa’ iiliyiin ah. Xilligaas Israel kama bixin waxjawaab ah.

Sida ay ku warrameen afduubayaasha, 2 askari ayaa lagu qabaty 2 howlgal oo kala duwan.

Muuqaalka ayaa Ben Rousey wuxuu ku co dsaday caawimaad deg deg ah, sababtoo ah Perry "wuxuu ku sugan yahay xaalad caafima ad oo liidata,” wuxuuna xaaladdooda guud ku qeexay "mid aad u xun.”

Sida lagu sheegay barnaamijka Aljazeera, aayaha 2da askari wuxuu ku xiran yahay sii de ynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay haysato Israel.

Ururkan isku magacaabay Dhaqdhaqaaq Xoriyadda ayaa ah mid aan horey looga maqal dhulka Falastiiniyiinta.

Barnaamijka baaritaanka ah ee Aljazeera mashaacin waqtiga iyo goobta laga afduubtay 2da askari, iyo halka lagu hayo intaba.

Saraakiisha Israel weli jawaab kama aysan bixin.


Khadiija Maxamed Diiriye oo hal tallaabo ku a Maanta hogaaminta Farmaajo

Wasiirka gargaarka Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dowladda Mad axweyne Farmaajo ku a Maanta inay meel iska saartay oo la xisaabtantay diblomaasiyii nta shi sheeye ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, waxayna sheegtay 21-kii sano ee xildhibaan ay ka aheyd Soomaaliya uu haatan dalku joogo halkii ugu wanaagsaneyd.

"Hadda kadib waxaan ku dayan doonaa madax weynaha Mareykanka Joe Biden, oo sanado ba dan soo hiigsanayey in uu hoggaamiyo dalka Mareykanka, maadaama aan hadda 21-sano joogay kursiga, waxaan ra baa madaxda caalamka inaan la baratamo,” ay ey tiri Khadiija Diiriye.

Hadalkaan waxay Khadiijo Diiriye ka jeedis ay kulan ay la yeelatay xubno ka tirsan beeshe eda, iyadoo sheegtay in beesheedu ay ku kals oontay oo ay iska soo hormariyeen, si ay u hog gaamiso, sida ay hadalkeeda u dhigtay.

"Beesheyda Maanta kursigii inta dahab iiga soo dhigtay ayey tariita ii keentay, beesheyda Yaxar iima kala soocna, hadii habraaca lagu qoro hal jufo ayaa Khadiija dooraneysa waan ku kalsoonahay, xataa hadii aysan jufadeyda aheyn,” ayey tiri Khadiija Diiriye.

Xildhibaan ee Khadiijo Diiriye oo la soo sha qeysay shantii baarlamaan ee u dambeyey, ku rsigana ku fadhisay 21-kii sano ee lasoo dhaa fay ayaa hadda jawaheysa loolan adag, kadib markii kursigeeda ay isku soo sharaxday gabar aqoonyahanad ah oo lagu magacaabo Baarliin Biin.

Dhowr jeer ayey Khadiijo Diiriye fagaareya asha ka soo muuqatay maalmihii lasoo dha afay, iyadoo juhdi badan ku bixineysa sidii ga badhaas ay uga tanaasuli laheyd hankeeda siy aasadeed.

Maalmo ka hor waxay gurigeeda ku casu umtay Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana la sheegay in ay ka codsatay inuu kala hadlo oo tartanka do orashada uu ka reebo gabadha isku soo shara xday kursigeeda, sababta ay Ugaaska ugu dac wootay waa in Khidiijo iyo Baarliin oo u dhash ay beesha Yaxar ay kala dhaleen laba Hoo yo oo Mudullood ah.Xigasho:Caasimadda.Net

Madaxweyne Mustafe cagjar " Aroorta aad maqashaan Tigree baa Addis Ababa galay, waxaad ogaataan inaad maqlaysaan Sooma ali baa Addis Ababa ku socota oo galaya"

Madaxweynaha DDS Itoobiya Mustafe cag jar oo Dorraad hadal ka jeedinayay kulan dhax maray xukuumada dowlad degaanka iyo Oda yaal dhaqmeedka degaanka ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay xaaladaha hadda ka ta agan Itoobiya, iyo waxa uga qorshaysan ka xukuumad ahaan ee ay u wajahayaan xaalad da jahawareer ee Itoobiya ka jirta.

Ugu horeyn waxa uu ka hadlay Aayakata shiga dowlad degaanka Soomaalida, isagoo sheegay inay muqadas tahay aayakatashigu, Jigjigana ay taladu ka go'do. isagoo yiri " Jig jiga talo aan oolin, iyo dad Soomaali ah oo aan halkan laga dirin, dowladda jirta iyo nidaa mka jira waxaan ahayn oo Soomaali matali kara ma jiro"

Waxa kale oo uu sheegay in So omaalidu dan ugu jirin Tigree Ad dis Ababa qabsada, maad aama ayuu yiri aysan ka waantoobayn fikiradii iyo waxyaabihii ay horey u aami nsanaayeen oo ahayd dadka "idi nku dow lado ha usoo samay ninee, dadku waxay soo samaysta an la xaajooda". waa siduu hadal ka u dhigayee.

Mar uu ka hadlayay xisbiyada muc aaradka ah ee ku midoobay Maraykanka oo la sheegay inay Soomaali ku jiraan, si ay xu kunka Abiyi Axmed meesha uga tuuraan, waxa uu sheegay inay arrintoodaasi aysan waxba ka soconayn, isagoo ku eedeeyay inay Tigreeggu ka dambe eyaan dhismaha xisbiyadaasi muca aradka ah.

Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa mar uu ka hadlayay waxa uga qorshaysan hawlahawa khti xaadorkan ka socda dalka waxa uu yiri " Anaga waxaa noo qorshaysan in cid dambe oo Addis Ababa timaadda oo degaanka maamul u soo dhista, ama keenta ciidan qowmiyadeed, ciidan qaran oo lagu heshiiyay mooyee, ciidan qawmiyadeed oo socda oo halkan soogala in aan la dagaalno ayaa noo qorshaysan". Isa goo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri " Wax aan aaminsanahay inaan haysano xoog inagu filan oo Tigreega aan ka yarayn, oo wax qab san kara".

Mar uu ka hadlayay Tigreeggu haddii ay Ad dis Ababa galaan waxa laga yeelayo, ayaa wa xa uu yiri Mustafe cagjar " Aroorta aad maqa shaan Tigree baa Addis Ababa galay waxaad ogaataan inaad maqlaysaan Soomaali baa Addis Ababa kusocota oo galaya".

Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa sidoo ka le sheegay in degaanku nabdoon yahay, xaa la dda deg degga ahna si guud Itoobiya loogu soo rogay, degaankana aysan jirin wax gooni u ga dhigaya xaaladda deg degga ah ee dalka ka jirta.

Madaxwaynaha ayaa eed usoo jeediyay xis biyada mucaaradka, isagoo sheegay inay hay sato waxa uu ku tilmaamay fahan darro siya asadeed, oo uu sheegay in fursad kasta oo tim aadda ay si khaldan u fahmaan.

Hadallada Madaxweyne Mustafe cagjar ay aa u ekaa kuwo hanjabaad badani ka muu qa tay, oo inta badan ku socday kooxda TPLF iyo xisbiyada mucaaradka ah ee la sheegay in ay dibadda ku midoobeen, waxayna hadal ladiisu kusoo hagaagayaan xilli TPLF ay aad u gu soo dhawaanayso Addis Ababa, isla marka ana Ma reekanka laga dhisay midow ay ku mid oobeen xisbiyo mucaarad ah, oo ay ku jiraan dad So omaali ah, qaybna ka tahay kooxda TPLF.

Maamulka Jubaland oo Dadka Kismaayo u ga digay inay Garsoor u doontaan Al-Shab aab.

Guddoomiyaha M/Kismaayo ahna duqa Deg mada Cumar C/hi Faraweyne oo maalmo ka hor la Magacaabay ayaa bulshada M/Kismaa yo uga digay inay la macaamilaan Ururka Al-Shabaab.Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in aysan jirin karin cid garsoor u doonan karta Ma xkamadaha ay maamulaan Ururka Al-Shab aab, ciddii lagu helaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in uu Maamulkiisa diirada saari doono arrimaha Amniga Magaalada Kismaayo iyo degaannada hoostaga, wux uuna Bulshada ugu baaqay in ay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amni ga ee M/ Kismaayo.Hay’adaha Amniga ee Maamulka Ju bbaland ayaa dhowr jeer oo hore waxay sha cabka uga digeen inay garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-Shabaab, balse aysan jirin weli dad loo xiray inay garsoor u doonteen Al-Sbabaab.

Muwaadiniinta Sacuudiga oo isaga baxaya dalka Itoobiya

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo dare ensan in xaaladda dalka Itoobiya ay ka sii dare yso ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalkaasi ugu yeertay inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxa an.

Bayaan ay soo saartay Saf aaradda Sac uudiga ee dalkaasi ayaa lagu wargeliyay muwaadiniinta u dhashay Sacuudiga inaysan sii joogin Itoobiya.

"Safaaradda Sacuudi Ca rabiya ee dalka Ito obiya waxay ugu baaqaysaa dhammaan muw aadiniinta Sacuudiga ee ku su gan Itoobiya inay si degdeg uga baxaan, iy adoo la eegayo xaaladda hadda jirta.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in muwaadin iintaasi looga baahan yahay inay taxadaraan, isla-markaana ay si feejigan kaga soo baxaan dalkaasi.

Wadamada shisheeye qaarkood ayaa dibl omaasiyiinta iyo muwaadiniintooda kalaba kala baxaya dalkaasi, inta uu shaqeynayo Garoon ka Diyaaradaha Bole ee Magaalada Addis Ab aba.

Tani ayaa imaanaysa, xilli dhowrkii maalmo od ee ugu dambeysay ay kooxaha fallaagada ku sii siqayeen Caasimadda Addis Ababa.

Hoggaamiyaha Taalibaan Oo Soo Saaray Amar Ka Dhan Ah Koox Daba-Dhilifyo Ah

Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan ayaa ka digay halista wax uu ugu yeeray daba-dhilifya da iyo jaajuusiinta ku dhex jira kooxdaas dho waan qabsatay dalka Afghanistan.

Iyada oo ay caddeyn u tahay heerka ay gaarsiisan tahay halistan, ay aa Haibatullah Akhundzada waxa uu soo saaray bayaan qoran oo nadir ah, wuxuuna taliyayaasha Taalibaan sii yey amar ah inay sife eyaan talisyadooda.

Waxa uu yiri "dhammaan odayaasha kooxda waa inay eegaan talisyadooda oo ay arkaan ha ddii ay jiraan kuwa aan la garaneyn oo ka sha qeynaya wax ka dhan ah rabitaanka dowladda, ka dibna sida ugu dhaqsaha badan lagu cirib-tiraa.”

Taalibaan ayaa tan iyo markii ay dalka dib u qabsatay bishii August, waxay kooxda kusoo dartay xubno dhowr ah oo isugu jiray mucaar ad iyo dowladdii hore. Waxay hadda wajahey saa weeraro dhowr ah oo kaga imanaya koo xda Daacish ee Khorosan.

Talaadadii, ugu yaraan 19 qof oo uu ku jira taliye ka tirsanaa Taalibaan ayaa lagu dilay we erar isugu jiray qarax iyo rasaas, oo ay sheeg atay Daacish, kaasi oo ka dhacay isbital militari oo ku yaalla Kabul.

Taalibaan ayaa rumeysan inay jiraan sha qsiyaad ku dhex jira kooxda oo ka shaqeynaya wax ka dhan rabitaankeeda.



UNOPS JOBS

Procurement Senior Associate

 

Job categories Procurement

Vacancy code VA/2021/B5001/22846

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station Mogadishu, Somalia

Contract type Local ICA Support

Contract level LICA-7

Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements, availability of funds and satisfactory performance)

Application period 05-Nov-2021 to 19-Nov-2021




Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.

 

Background Information - PSC

 

Peace and Security Cluster

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

 

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor

Functional Responsibilities


Under the direct supervision of the Procurement Analyst and the overall supervis...

Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

Education/Experience/Language requirements


Education: A First Level University Degree (Bachelor of equivalent) wit...

Contract type, level and duration


Contract type: Local Individual Contractor Agreement (LICA) Contract level: ...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS



UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp...



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip