Khadiija Maxamed Diiriye oo hal tallaabo ku amaantay hogaaminta Farmaajo + Video

0
Monday November 08, 2021 - 07:50:37 in Wararka by
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khadiija Maxamed Diiriye oo hal tallaabo ku amaantay hogaaminta Farmaajo + Video

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka gargaarka Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dowladda Madaxweyne Farmaajo ku amaantay inay meel iska saartay oo la xisaabtantay diblomaasiyiinta shisheeye ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, waxayna sheegtay 21-kii sano ee xildhibaan ay ka aheyd Soomaaliya uu haatan dalku joogo halkii ugu wanaagsaneyd.

"Hadda kadib waxaan ku daya doonaa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo sanado badan soo hiigsanayey inuu hoggaamiyo dalka Mareykanka, maadaama aan hadda 21-sano joogay kursiga, waxaan rabaa madaxda caalamka inaan la baratamo,” ayey tiri Khadiija Diiriye.

Hadalkaan waxay Khadiijo Diiriye ka jeedisay kulan ay la yeelatay xubno ka tirsan beesheeda, iyadoo sheegtay in beesheedu ay ku kalsoontay oo ay iska soo hormariyeen, si ay u hoggaamiso, sida ay hadalkeeda u dhigtay.

"Beesheyda maanta kursigii inta dahab iiga soo dhigtay ayey tariita ii keentay, beesheyda Yaxar iima kala soocna, hadii habraaca lagu qoro hal jufo ayaa Khadiija dooraneysa waan ku kalsoonahay, xataa hadii aysan jufadeyda aheyn,” ayey tiri Khadiija Diiriye.


 
 

Maalmo ka hor waxay gurigeeda ku casuumtay Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana la sheegay inay ka codsatay inuu kala hadlo oo tartanka doorashada uu ka reebo gabadha isku soo sharaxday kursigeeda, sababta ay Ugaaska ugu dacwootay waa in Khidiijo iyo Baarliin oo u dhashay beesha Yaxar ay kala dhaleen laba Hooyo oo Mudullood ah.

Khadiija Maxamed Diiriye oo hal tallaabo ku amaantay hogaaminta Farmaajo + Video

Hoos ka daawo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip