Daawo: Taliye Cabdi Xasan Xijaar oo go'aan culus kasoo saaray muuqaallada TikTok

0
Sunday November 07, 2021 - 18:41:23 in Wararka by
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Taliye Cabdi Xasan Xijaar oo go'aan culus kasoo saaray muuqaallada TikTok

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si dag uga hadlay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok-ga iyo burcada dhaca ka geysata degmooyinka magaalada Muqdisho, kadib kulan uu maanta la yeeshay taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir.

Taliye Xijaar ayaa ugu horeyn sheegay in mudooyinkii dembe ay aad u soo badatay burcadda dhaca ka geysata magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka shacabka ah ka furta taleefoonada iyo agabkooda gaarka ah, isagoo balan qaaday in tallaabo deg deg ah ay qaadi doonaan hey’adaha ammaanka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka hadlay muuqaalada anshaxa wax u dhibaya ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Tiktok-ga oo carabka uu ku dhuftay, isagoo ku amray saraakiisha ciidanka booliska inay wax ka qabtaan dadka muuqaalada anshax xumada ah kusoo bandhiga aalada Tiktok.

Kulankii maanta ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada booliska ayaa waxaa shir guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxuuna sheegay markii uu ka warbixinaayey in kulanka diirada lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa amniga caasimadda Muqdisho.

 

Taliyaha ayaa sheegay in muqooyinkii dambe ay muujiyeen dadaal xoog leh, taas oo suurta gelisay in waxbadan ay iska bedelaan ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo balan qaaday inay sii adkeyn doonaan ammaanka, xiligaan kala guurka ah ee dalku ku jiro.

Daawo: Taliye Cabdi Xasan Xijaar oo go’aan culus kasoo saaray muuqaallada TikTok

Hoos ka daawo








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip