Jamie Carragher Oo Ka Sheekeeyay Qaladkii Ugu Weynaa Abid Ee Uu Sameeyay Arsene Wenger: "Haddii Uu Talabadaan Qaadi Lahaa Wuxuu Ku Guuleysan Lahaa EPL"

0
Saturday April 23, 2016 - 13:29:29 in Sports News by
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamie Carragher Oo Ka Sheekeeyay Qaladkii Ugu Weynaa Abid Ee Uu Sameeyay Arsene Wenger: "Haddii Uu Talabadaan Qaadi Lahaa Wuxuu Ku Guuleysan Lahaa EPL"

    Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa aaminsan in ku guuldareysigii Arsene Wenger ee inuu la soo wareego Luis Suarez inay aheyd qaladkii ugu weynaa ee uu sameeyay waayihiisa tababarenimo ee Arsenal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa aaminsan in ku guuldareysigii Arsene Wenger ee inuu la soo wareego Luis Suarez inay aheyd qaladkii ugu weynaa ee uu sameeyay waayihiisa tababarenimo ee Arsenal.

Xiddiga reer Uruguay ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Emirates xagaagii 2013 laakiin Arsenal ayaa bixin weysay lacagtii ay ku dooneysay Liverpool.

Waxaana uu ku dhawaaday xilli ciyaareedkii ku xigay in Reds uu ku hogaamiyo koobka horyaalka ka hor inta uusan heshiis 75 milyan ginni ah ugu wareegin Barcelona.

Deportivo-de-la-Coruna-vs-FC-Barcelona-at-the-Municipal-de-Riazor-stadium-in-La-Coruna

Ka dib markii uu dhaliyay 25 gool xilli ciyaareedkii hore, waxa uu haatan ku dhow yahay inuu labo jibaaro xilli ciyaareedkan isagoo u dhaliyay Blaugrana 49 gool.

Dhanka kale, Arsenal ayaa weli ka liidata dhanka gooldhalinta iyadoo Oliver Giroud uu yahay gooldhaliyahooda ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 12 gool.

"Haddii aad dib u eegto waayihii Wenger ee 20ka sanno aheyd ee uu joogay kubada cagta Ingariisk, waxaa jira waxyaabo badan oo la tilmaami karo, laakiin maalintaas bishii July 2013, dalabkii ay kaga careysiiyeen Liverpool marnaba la iskama dhegotiri karo. Inuusan la soo wareegin Suarez ayaa aheyd qaladkiisii ugu weynaa abid.” ayuu Carragher ku qoray maqaalkiisa Daily Mail.

Arsenal-v-Manchester-United-Premier-League

"Waxa uu mar walba ka taxadaraa lacagta, kaliya waxa uu lacag qarashgareeyaa marka uu hubo inuu qiimaha ugu fiican ku helayo. Waa calaamada muujineysa sida uu Wenger u saldhigtay shaqadiisa, sugitaankiisa ayaa badan. Fiiri wixii uu sameeyay xagaagii hore tusaale ahaan markii uu kala soo wareegay goolhaye Petr Cech laakiin lama uusan soo wareegin ciyaartoy dhexda ka ciyaarta.

"Haddii ay Arsenal dagaal u geli laheyd saxiixa Suarez malaha ay ku dalban lahaayeen 50 milyan ginni, waxaan aaminsanahay inay ku guuleysan lahaayeen Premier League labo ka mid ah seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay. Suarez waxa uu ku fician yahay meel walba uu tago waxa uu u qaadaa heer kale.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip