Waa Maxay Sababta Aysan Harry Kane & Dele Alli U Awoodi Doonin Habeen Danbe Inay Soo Qaataan Abaalmarinada PFA Haddii Ay Ku Guuleystaan?

0
Saturday April 23, 2016 - 13:27:47 in Sports News by
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sababta Aysan Harry Kane & Dele Alli U Awoodi Doonin Habeen Danbe Inay Soo Qaataan Abaalmarinada PFA Haddii Ay Ku Guuleystaan?

    Mauricio Pochettino ayaa ka mamnuucay ciyaartoydiisa inay ka qeybgalaan xaflada cashada ee abaalmarinta PFA ee habeenka axada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mauricio Pochettino ayaa ka mamnuucay ciyaartoydiisa inay ka qeybgalaan xaflada cashada ee abaalmarinta PFA ee habeenka axada.

Harry Kane ayaa u sharaxan labada abaalmarin ee xiddiga sannadka horyaalka Ingariiska iyo abaalmarinta xiddiga da’ yarta sannadka, halka Dele Alli uu kula tartamayo saaxiibkiis abaalmarinta danbe.

Labada xiddig ayaa sidoo kale ku jira kooxda xilli ciyaareedka ee PFA, waxaana kula jira Toby Alderweireld iyo Danny Rose.

Stoke-City-v-Tottenham

Laakiin iyadoo Spurs ay habeenka isniinta la ciyaareyso West Brom, Pochettino ayaa sheegay in ciyaartoydiisa aysan ka qeybgeli doonin xaflada PFA ee ka dhaceysa magaalada London ee Grosvenor House.

Markii la weydiiyay halka ay ciyaartoydiisa joogi doonaan axada, waxa uu ku jawaabay: "Gurigooda. Gurigooda, Gurigooda!”

"Laakiin tani waa wax iska caadi ah, dadka oo dhana waa ay fahamsan yihiin. Waa ceeb inaan ka baaqano xaflada laakiin waxaan ciyaareynaa isniinta.

"Waa run in ciyaartoyda ay jeclaan lahaayeen inay xaflada aadaan laakiin waxaa jirta mas’uuliyad marka aad kulan weyn la ciyaareyso West Brom habeenka isniinta – waxaad u baahan tahay inaad guriga jooga, nasato islamarkaana diirada saarto ciyaarta.

"Ka dib ciyaarta isniinta, waxaan heli doonaa waqti aan ku damaashaadno ama aan ugu hambalyeeyno ciyaartoyda wax walba!”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip