HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KAHMIIS 4-TA NOV. 2021-KA

0
Thursday November 04, 2021 - 08:31:35 in Wararka by
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KAHMIIS 4-TA NOV. 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dawladda Federaalka iyo Dawlad-gobolle edyada oo xoojinaya iskaashiga dhammeys tirka

 Diiwaanka mideysan iyo xog-keydiya ha Bulshada

Shir wadatashi ah ayaa Shalay uga furmay Muqdisho , wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaa liya iyo wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka.

Wadatashiga ayaa diiradda lagu saaray dham meystirka diiwaanka mideysan iyo xog keyd iyaha Barnaamijka Baxnaano, iyadoo hannaa nkan oo ay Dawladda maamuleyso gacan ka geysanayo in si midaysan hal meel loogu hayo macluumaadka dadka la caawinayo ee dhammaan mashaariicda socota taasoo sahl aysa isu-duwidda iyo waxtarnimada mashaa riicda, isla markaana dawladdu si hufan ugu adeegto muwaadiniinteeda.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka , Jamaal Ma xamed Xasan ayaa kulanka ka sheegay Was aaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Dawladda wakiil uga ah hannaankan in looga baahan yahay dhammeystirka diiwaanka bul sho iyo xog-keydiyaha.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada , Puntland , Galmud ug,Hirshabeelle, Jubbaland iyo wasiir ku-xige enka Koonfurgalbeed , ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay inay go’antahay dhammeystirkan nidaamka xogta Bulshada iyo hirgalinta siyaa sadda Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mu dane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khal iif ayaa gabagabada kulanka sheegay siyaas adda Arrimaha Bulshada inay door ka qaadan ayso kobaca Bulshada nugul, wuxuu tilmaam ay xog-keydiyaha inuu suragalinayo Dawladda inay maamusho dhammaan xogta Dadka nug ul ee ku nool dalka.

"Dadaalkeenna hadda wuxuu yahay in la dhammeystiro hannaanka sida ugu dhaqsa daha badan, wuxuu na gaarsiinayaa inan ogna hay guud ahaan deegaannada dadka nugul ee xaaladaha deg degga ah wajihi kara xaaladaha bani’aadanimo.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab.

Sababta loo haysto kursiga Mahdi Guuleed iyo xukunka laga filayo guddiga xalinta

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyi nka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada ras miga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239 oo doorashadii ka dhacday Iskool Boolisiya loogu doortay Ra’iisul Wasa are ku-xigeenka Mahdi Guu leed.

Guddiga ayaa qabtay da cwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Car ab Ciise oo kurisgaas ku fadhiya, waxaana la faray guddiga hirgelinta doorashada in la hak iyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursi gaas laga bilaabo 2-da November inta Guddiga Xal inta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacw ada laga soo gudbiyay kursigaas. Doorashadii uu kusoo baxday Mahdi Guuleed waxaa har eeyey fadeexado waaweyn kadib markii uu la yimid ergo wajiga qarsatay oo aan la hubin in ay yihiin ergadii rasmiga ahaa, musharaxad wa jiga qarsatay oo illaa iyo hadda aan la aqoon cidda ay aheyd.

Guddiigii doorashada ayaa ku fashilmay in ay xaqiijiyaan wax caddeyn kara inay sax yihiin la doortaha iyo dadka wax dooranayo intaba, intaas oo ay jireen ayaa haddana waxaa laga gudbiyey dacwad.

Haddaba maxaa lagu heystaa Mahdi Guul eed?

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guule ed waxaa lagu eedeynayaa inuu boobayo kursi aysan xisaab ahaan u laheyn reerkiisa hoose.

Marka la eego magaca kore Mahdi waa uu ka dhashay reerka kursigaan ku qoran, laakiin ma rkii hoos loo soo dago oo jufo jufo loo wada ha dlo kursigaan malahan jufada uu ka dha shay Mahdi.

Isaga iyo qolada kursiga laga qaatay ee uu Xuseen Carab kasoo jeedo isku xarig ma’ahan xagga jufooyinka hoose oo xarig xarig kura astooda isku raacdo.

Kursigii ay laheyd jufada Mahdi Guuleed waa ay heystaan, waxaana la xaqiijiyey inuu ku fadhiyo nin ay qaraabo yihiin, waxayna taas keentay in laga soo gudbiyo dacwad.

Lama qiyaasi karo sida ay ku dhammaan doon to dacwadda laga gudbiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, waxaase loo badinayaa in guddigu uu ugu dambeyn aqbali doono xildhi baanimada Mahdi.

Wasiir Dubbe: "Halla Daayo Doorashada Malxiiska Ah, Haddaan La Dayn Karin, Daaya Midda Niqaaban"

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in dadka ku tarramaya kuraasta Golaha Shacabka ay noq daan dad wajiyadooda la arki karo, una diyaa rsan tartan ku dhisan daah furnaan ee aysan noqon dad niqaaaban.

"Guddiyada doorashada wax aan leeyahay ha laga daayo doorashada malxiiska, hadaan laga daynayna ha laga daayo midka niqaaban,” . Ayuu yirii Wasiirka Warfa afinta Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb galay xafladda furitaanka Telefeshinka iyo Raadiyaha Arlaadi oo ku bixi doona Lahjadda Mayga.

Wasiir Dubbe ayaa xusay in lahjadda mayga ay tahay in la barto, bulshadana ay wax badan ka faa’iididoonaan, maadaama ay tahay qur uxda Afka Soomaaliga.

Xubno ka tirsan Midowga Musharxiinta oo Warsaxafadeed kasoo saaray doorasho oyinka Aqalka Hoose

Xubnahaan ka tirsan Midowga Musharaxiin ta madaxweynaha Soomaaliya ee Warsax afadeedka wadajirka ah soo saaray ayaa kala ah Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ah hog gaamiyaha Xisbiga Midqaran iyo Dr. Cabdin aasir Cabdulle oo isna ah hoggaamiyaha Xisbi ga Gurmad.Labadaan Musharax ayaa Warsa xafadeedka ay soo saareen waxay si weyn ugu dhaliileen hanaanka ay ku bilaabatay door ashada kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlama anka Soomaaliya oo ay sheegeen iney tahay mid xulasho ah oo aanan doorasho lagu tilm aami karin.

"Ergada lasoo xulay ee wax dooraneysay waxay ahayeen xoogaga wadaniyiinta ee taa geera madaxweynaha muddo xileedkiisa dham aaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxa yna doorteen laba ka mid ah taageeraya ashiisa si ay gogol xaar ugu noqdaan iney soo saaraan taage erayaal kale" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay labada Musharax ee xisbiyada Midqaran iyo Gurmad.

Waxay sidoo kale tilmaameen Musharaxii nta kala ah Dr. Cabdinuur Maxamed iyo Dr. Cabdinasir Cabdulle in raysal wasaara ha Soo maaliya oo loo xushay daadihinta doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah inuu ka baxay doo rkiisii dhexdhexaadnimo.

Hoggaamiyaasha Xisbiyqda Midqaran iyo Gurmad ayaa ugu baaqay madaxda dowlad go boleedyada dalka iney soo farageliyaan han aanka doorashooyinka dalka oo ay sheegeen in laga weeciyay sidii ay horay iskula meel dhig een raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaa liya, islamarkaana aanan la tixraacin habraacy adii ay sida wadajirka ah uga soo saareen arr imaha doorashooyinka.

Qaramada Midoobay Oo Kala Hadashay Dowlada Soomaaliya Arrimaha Caddaalada

Wasiirka caddaladda Xukuumadda Fedar aalka Soomaaliya, mudane Cabdulqaadir Max amed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xig eenka ergayga gaar ah ee Qm u qaalbilsan arr imaha Soomaaliya, sidoo kalana ah isku duw aha arrimaha bini aadanimada Adam Abdel moula.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caddaal adda oo kulanka qayb ka ahaa ayaa wafdiga ka socday Qm uga warbixiyey howlaha Baaxada leh ee Wasaaradu u hayso Bulshada Soomaaliyeed

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dardargalin iyo horumarinta hay’adaha Caddaa ladda iyo Garsoorka u qaalbilsan dalka iyo sii la isaga kaashan lahaa taageerada lagu tayey naayo dhamaan Hey’adahan.

Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, ay aa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin si dii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay ku bixiyaan horumarinta Hey’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka.

Wasiirka Caddaladda Xukuumadda Feda raalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Max amed Nuur, ayaa uga mahadceliyey Madaxda QM ee Soomaaliya sida ay u garab taagan yih iin Hey’adaha caddaaladda, isaga oo ka cods aday inay sii laba jibaaraan taageeradooda.


Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Oo Xarigga Ka Jaray Xarunta La Dagaalanka Ayaxa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Punt land Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku tagay Qardho ayaa xarigga kajaray xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay Qardho.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadajir u qa bteen Wasaaraddaha arrimaha Beeraha iyo Deegaanka ee heer Federaal iyo heer Pun tland iyo Hay’adda FOA l, taasi oo sahashay in sidii loogu talagalay loo hirgeliyo xaruntan, oo ah tan ugu weyn ee la dagaalanka Ayaxa guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka Keeska Africa.

Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in xar unta Ayaxa ee Soomaaliya loogu magac daro Wasiirkii hore ee Deegaanka, Beeraha iyo Isb edelka Cimilada Puntland AHUN Ismaciil Dii riye Gama’diid, oo isagu ah shakhsiga billaa bay xiriirka lagu keenay xaruntan, wakhti geli yay isla markaana dhaggax dhigay dhismaha xarunta .

Intii ay munaasabadda socotay wuxuu Ma daxweynuhu goobjoog ka noqday, heshiiska Aqoonsiga xaruntan in ay shaqo bilowday oo ay kala saxiixdeen Wasiirka Beeraha ee DFS Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Madaxda Hay’adda La socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Bariga Afrika (DLCO).

Munaasabadda furitaanka xarunta Ayaxa ee Soomaaliya waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Wasiirada Beeraha iyo Deegaanka ee DFS iyo Dowladaha xubnaha Ka ah DFS, Madaxda Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Gol eyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Deg mada Qardho iyo kan Gobolka Karkaar iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Dhacdo Naxdin Leh:- Nin Xaaskiisa Oo Xam ilo Ah Ku Gowracay Shabeellada Hoose

Dadka ku nool Deegaanka Buula xaashi oo u Dhow Deeganka lambar 50 ee Degmada Awdheegle ayaa Shalay kusoo toosay dhacdo naxdin leh oo bulshada halkaaasi ku nool ay la arga-gaxeen, kadib markii Hawwenay Xaaa milo ah uu Seygeedu gowracay, taasi oo ilaa hadda hadal heynteeda laga dareemayo deg aanka.

Dad goobjoogyaal ah oo ku sugan halka dhacdadu ay ka dhacday ayaa inoo xaqiijiyay in Deegaanka Buula xaashi oo u Dhow Deeganka lambar 50 ee Degmada Awdh eegle ay dahcdaasi Habeen hore ka dhacday, waxaana isla goobta Habeen hore ku geeriyooday Haweenaydii, y doona sababsatay gacanta Seygeeda.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa Shalay gaaray Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo isku dayay in ay gacanta ku dhigaan Ninka falka ga ystay, balse waxaa la sheegay in uu ka dhaga-adeygay amarkii Ciidanka uuna Toorreey lasoo baxay, waxaana isla meesha ku toogtay Ciidankii, iyadoo hadda labada Meyd la aasa yo.Dhacdada ayaa ilaa iyo hadda waxaa lag hadal hayaa degaanka, lama oga sababta Ra smiga ah ee Ninka ku kaliftya inuu gowraco Xa askiisa oo markaasi Xamilo ahayd.

NISA oo garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarado drone ah iyo xildhibaan sheegtay

Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde tod dobaadkii tegay ku qabtay diyaarado Drones ah, kuwaas oo ay la wareegeen, sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasima da Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaa radaha ay yihiin illaa lix, waxaana laga soo iibiyey dalka Turk iga, ayada oo dalka la keenay ayaga oo kala furfuran si gud aha dalka loogu rakibo.

Diyaaradaha ayaa waxaa sidoo kale la socd ay oo lala qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan.

Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daa yey kadib markii ay soo faro-gelisay safaa radda Turkish-ka, oo dalbatay in la fasaxo haddii aan lagu hayn caddeymo dmabi ay galeen.

Sawirro ay sheegtay in ay heshay Caasim ada Online ayaa muujinaya in diyaaradaha ay yihiin kuwa waa weyn, oo u eg kuwa fuliya weerarada.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in diyaaradaha uu sheegtay inuu leeyahay xil dhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, oo ku dooday inuu u keensaday inuu u adeegsa do inay waraabiyaan beero ku yaalla Puntland. Zakariye ayaa la filayaa inuu dhowaan warbaa hinta la hadlo, oo uu faah-faahiyo kiiskan.

Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaal iya, oo la hadlay Caasimada Online balse cod saday inaan la magacaabin, ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo kee nay dalka.

Waxaa sidoo kale jira tuhun ah inay suurta-gal tahay in diyaaradaha loo waday dalal shi sheeye oo kale.

Saraakiisha NISA ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha aysan la socon warqadaha iib kan, oo aysan caddeyn cida dhab ahaan iska leh, taasi oo sii kordhisay shakiga.

Xildhibaan Zakariye oo ka hadlay diyaara dihii Drones-ka ahaa ee NISA ay kala wareegtay

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah xubnaha waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa war ka soo saaray di yaaradihii uu ka keenay dalka Turkiga ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay la war eegtay hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in diyaaradahaas oo lagu waraabiyo beeraha, cayayaankana looga dilo, ay si sharci darro ah kula wareegtay hey’adda Nabad sugidda, kadib markii uu ka soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

"Dayuuradaha iswada "Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira be eraha, sida buufinta Ayaxa iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fatahaan, ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay,” ayuu qoraalk iisa ku yiri Xildhibaan Zaka riye.

Xildhibaanka ayaa codsi uu u diray NISA waxuu ku yiri, "Waxaan ka codsaneynaa hay ’adda NISA inay hantidaas ay leedahay shir kadda Hufan, looguna talogalay in loogu ade ego beeraleyda Soomaaliyeed ay si deg deg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda Hufan.”

Ka hor hadalkaan ka soo yeeray Xildhibaan Zekeriye, Caasimada Online ayaa baahisay in NISA ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay di yaarado Drones ah, kuwaas oo Turkiga laga soo iibiyey.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysaa in diy aaradaha ay yihiin illaa lix xabo, dalka Turkiga ayaa laga soo iibiyey, waxaana diyaarad lasoo saaray ayagoo kala furfuran, si gudaha dalka loogu rakibo.

Waxaa sidoo kale diyaarada la socday oo NISA ay qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dha shay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliy aan. Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii day ey kadib markii ay kiiskooda soo faro-gelisay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaal iya, oo la hadlay Caasimada Online, balse cod saday inaan la magacaabin, ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo kee nay dalka.

Howgallo Qorsheysan Oo Laga Sameeyay Magaalada Guriceel

Cutubyo ka kala tirsan Ciidamada Mil ateriga, Booliska iyo Nabad sugidda ayaa Sha lay siwadajir ah howlgallo qorsheysan oo Amm aanka lagu xaqiijinaayo uga fuliyay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadu waxa ay siweyn ugu baarayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo sigaar ah u beegsa nayay Gawa arida muraa yada ha ma dow kaga fiiqayay .

Saraakiisha Ciid am ada horkacaysay ayaa waxay sheegeen in ho wlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmada kadib markii dhawaan Ciidanka dow ladda ay magaalada dagaallo maalmo qaatay kaga sareen maleeshiyaadka Ahlusunna.

 Puntland oo deegaannadeeda ka mamnuu cday isticmaalka Kaamerooyinka Drones ka

Puntland ayaa degaannadeeda sababo am ni awgeed uga mamnuucday isticmaalka kaa meerooyinka Droneska, kuwaas oo si aad ah ugu badanayay gudaha Puntla nd.

Go’aan kasoo baxay wasa aradda amniga Puntland, ayaa lagu sheegay, in kaamirooyinka droneska aan lalasoo galin karin garoomada, kantaroolada iyo dekedaha, waxaana laamaha amniga lagu wargaliyay in ay si degdeg ah u fuliyaan go’aankan.

Wasaaradda amniga waxay sidoo kale ku wargaliyay hay’addaha amniga in ay muuji yaan feejigaan dheeraad ah oo xagga amniga, si loo adkeeyo amniga Puntland, xilligan kala guurka ah.

Macluumaad la xiriira diyaaradda ku burbur tay Garoonka Doolow

Diyaarad nooca xamuulka oo u rarneyd Shir kadda Daruuro ayaa Shalay ku burburtay Gar oonka Diyaaradaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in diyaa radaasi ay motooro u waday degmadaasi.

"Diyaaraddu waxay ahayd diyaarad Cargo ah, Shalay bay motooro gaysay Degmada Do olow, intii ay garoonka ka deganeysay bay ci lad qabsatay, dab baana ka kacay.” Ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo Universaltv la hadlay.

Waxa kaloo uu yiri "Ma jirin cid wax ku noq otay shilkaasi dhacay oo way ka badbaadeen shaqaalihii diyaaradda, illaa iyo haddana cid haba yaraatee wax ku noqotay ma ay jirto, aan ka ahayn inay baaba’een diyaaraddii iyo hantidii saarneydba,”

Korneyl Aadan Rufle ayaa sheegaya in Maa mulka Gobolka Gedo ay fadeexad ku tahay inaanu gobolku lahayn gawaarida dab demi ska.

"Ceebta dhacday waxaa weeye diyaaradda waa la badbaadin karay, dabka ka kacay waa la baqtiin karay, hadduu gobolku lahaan lahaa dab demis.” Ayuu yiri Aadan Rufle.Rufle ayaa intaa ku daray "Maamulka Gobolka Gedo ka jiro uma khalmo inuu sii maamulo gobolka. Doolow oo ka mid ah ilihii dhaqaalaha ee dalka ugu muhiimsanaa hal gaari oo dab demis ah xitaa malahan.”

Shilalka diyaaradaha ayaa tan iyo sanadkii hore ee 2020 ku soo badanayay Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya

Siyaasi Cabdi Cali Raage oo sheegay in wakiilkiisii olalaha doorashada lagasoo musaafurinayo Kismaayo

Siyaasi Cabdi Cali Raage oo kamid ah la tal iyayaasha madaxweyne Farmaajo, ayaa she egay in magaalada Kismaayo lagasoo musaa furiyo wakiilkiisii ololaha doorashada aqalka hoose.

Raage ayaa qoraal uu soo dhigay facebook-giisa ku sheegay, in wakiilkiisu uu Habeen hore ku baryey xabsiga Kisma ayo. Wuxuu nasiib darro ku til maamay in qof aan danbi gal in gurigiisa laga tarxiilo oo la gu bartilmaameedsado cidda uu taageersanyahay siyaasad'ahaan

"Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho caddaalad ah oo loo sim anyahay,” ayuu ku yiri qoraalka uu dhigay Fac ebook.

Wuxuu ugu baaqay jubbaland in ay ka la abato go’aanka lagu musaafurinayo wakiilkiisa doorashada, isagoo sheegay in ay gef tahay in qof muwaadin ah gurigiisa iyo caruurtiisa laga go'doomiyo.

"In qofka gurigiisa laga tarxiilo waa dhaqan iyo ficil haraadi ah oo aan loo baahnayan in ay cidina u bareerto oo gaf intaas la eg u gaysato xaquuqda qof muwaadin ah,” ayuu hadalkiisa ku daray.”

Raage oo kamid ah saaxiibada dhow ee ma daxweyne Farmaajo, ayaa kamid ah musharr axiinta aqalka hoose. Kursigiisa ayaa wuxuu yaallaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Raage oo horey la taliye ugu soo noqday mad axweyne Axmed Madoobe, ayaa bishii july ee sannadkan Kismaayo laga celiyay diyaarad uu saarnaa, isagoo ku eedeeyay madaxweyne Axmed Madoobe inuu doonayo inuu ka reebo tartanka doorashada.

Madaxweyne Biixi oo ka jawaabay soo jeed intii baarlamaanka Puntland ee ahayd in Somaliland argagixiso loo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in filan waa ayku noqotay in xubno kamid ah baarlamaanka Puntland ay yidhaahdaan, "Somaliland liiska argagixisada halagu daro", waxaanu kaga jawaabay in Somaliland ay rabto jaar wanaag iyo nabad. Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in uu la yaabay in rag waawayn oo baarlamaanka Puntla nd ka tirsani ay soo jeedi yaan in Somaliland lagu da ro boga argagixi sa da, isagoo sheeg ay inaanu garan ayn si da ay arrin taa si u ga suurowday.

"Waxad maal mahan idaacadaha waa wayn ka maqlayseen dood uu soo dhigay baarlama anka dowlad goboleedka Puntland oo la yaab lahayd, oo aanan garanayn sida ay ku timid iyo sida rag waawayn oo aynu jaarnahay uga suu rtowday, kuwaas oo yidhi Somaliland ha lagu daro liiska argagixisada" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Som aliland anay diyaar ahayn wax aan ka ahayn in ay nabad iyo jaar wanaag kula noolaato jaar keeda, isla markaana ay rajaynayso in Sooma aliya nabadi ka dhalato, ayna u ducaynayaan.

"Waxan leeyahay anagu hadii aanu nahay qaranka Somaliland, waxaanu filanaynaa in Soomaaliya nabad loo doono, gudahooda ka heshiiyaan, anaguna aanu u ducayno, colaad kama rabno, halkaa ay dhigeen waxaanu ana gu u dhigaynaa walaaltinimo, in ay guryahooda hagaajistaan, jaar wanaagsan oo walaalo ahna aanu noqono" ayuu yidhi Biixi.

Xubno kamid ah baarlamaanka dowlad gob oleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa todob aadkan soo jeediyay in Somaliland loo aqoon sado argagixiso, taasi oo madaxweyne Biixi ku tilmaamay wax lala yaabo, isagoo sheegay in ka Somaliland ahaan, anay diyaar u ahayn wax aan ka ahayn jaar wanaag iyo nabad.

Golaha Wakiillada Puntland Oo Warbixino Ka Dhageystay Guddiyo

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigee nka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa Shalay shir Gudd oomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Pun tland.

Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga war bixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 5 Guddi oo kala ah:-

Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisa abaadka Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqan ka, War faafinta iyo Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Gudd iga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacs iga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha

Warbixinnada ayaa ku saabsanaa korme erro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo same eyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoo gtada ku leeyihiin.


Booliiska Somaliland oo soo bandhigay tirrada danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan 2021

Tirrada guud ee danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan 2021 waa 19,230 danbi, wa xaa been noqday 4,400, waxa laga heshiiyay 6,085, waxa baadhis ku jira 1,077, waxa ma xkamad la horgeeyay 7,668, waxa la xukumay 6,034, waxa wali gar suge ah 1,634 danbi.

"Tirrada guud ee danbiyada dhacay sanna dkan isu gayntoodu waa 19,230, inta beeno wday waa 4,400, inta heshiis laga gaadhay waa 6,085, inta baadhis wali ku jirta 1,077, inta maxkamad la horgeeyay ee gartooda la qaaday 7,668, inta xukun ku dhacay waa 6, 034, inta garsugaha ahi waa 1,634" sidaa waxa yidhi sarkaal booliiska u hadlay.

Tirada guud ee dilalka dhacay waa 89 dil oo ay galeen 89 eedaysane, waxaana gacanta la gu dhigay 84 eedaysane, halka 5 eedaysane ay baxsadeen.Tirrada kufsiyada dhacay waa 232, waxaana lagu eed eeyay 260 qof, waxaa la qabtay 245, halka 15 ee daysane ay baxsadeen.

Shilalka gaadiidka ee sannadkan dhacay waa 5,581, dadka ku dhin tay waa 212, dadka ku dhaawacmay waa 3,771, waxana ku burburay 3,101, xoolaha ku dhaawacmay ama ku dhintay waa 458, halka tirrada dhismayaasha ay burburiyeen tahay 102.

Mukhaadaraadka ay ciidanku qabteen san nadkan waa 41000 oo khamri ah, 3000 oo caa gagood oo isbiirto ah iyo tirro kale oo xash iishad ah, eedaysanayaasha loosoo xidhay mukhaadaraadku waa 1,313 qof. Tirrada dan biyada abaabulan ee sannadkan la qabtay waxay ahaayeen 27 eedaysane oo 23 kamid ah maxkamad la horgeeyay.

Tirrada caruurta la tuuray sannadkan ayaa iyaguna dhamaa 40 caruur ah.

Ciidanka booliiska ayaa warbixintan kusoo bandhigay xaflada munaasibada sannad guurada 28aad ee kasoo wareegtay markii ciidanka booliiska Somaliland la aas aasay, oo magaalada Hargaysa lagu qabtay.

Dagaal ka dhacay degmada Baraawe + Waxa la isku hayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bara awe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koo nfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu Shalay halkaas ka dhacay, kaasi oo salka ku haya maamulka degmada

Dagaalka ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciida mada militariga dow lada oo hal dhinac ah iyo ciid amo uu diyaarad ku keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo laga soo qaaday Baydhaba.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay kasoo horjeesteen doorashada golaha deegaanka oo madaxweynaha Lafta-gareen uu doonayo inay kusoo baxaan dad aan magaalada u dhalan, islamarkaana xuquu qdooda duudsiiyey dadkii degan magaa lada.Dadka degan magaalada ee Lafta-gareen uu sheegay inaysan waxba ku laheyn maamulka ayaa u badan dad kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Wararka ayaa waxay intaasi ku daraya in dagaalka Shalay xoogiisa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hoyga guddoomiyaha deg mada, Cumar Sheekh Cabdi Safaana.

Ciidamada deegaanka u dhashay ayaa ka biyo diidan in doorasho la qabto doorashada golaha deegaanka, ayada oo aan xal laga ga arin xuquuqda dadka magaalada degan.

Madaxweynaha Lafta-gareen ayaa lagu eedee yey inuu sabab u yahay xiisadda ka taagan magaalada, sababtoo ah wuxuu isku dayayaa in maamulka magaalada loo gacan geliyo qolo gaar ah, ayada oo dad badan oo degan maga alada loo diidayo xuquuqdooda matalaad.

Keybo kamid ah ismaamulka Mandheera oo uu Ayax ku habsadey

Ismaamulka Mandheera ee Gobolka Waqo oyi Bari Kenya, ayaa walaac xoogan ka muuj iyey Ayax ku habsadey deegaano uu dhawaan roob ka da’ay, oo ay dad badan u naq doo nteen.

Guddoomiye Kuxigeenka is maamulka Man dheera, Maxamed Axmed (Caaraay), ayaa BBC-da u sheegay in Ayaxan uu kayimid dhan ka Itoobiya, dabadeedna deegaankan uu kusoo galey si lama filaan ah.

Guddoomiye kuxigeenka, ayaa u gudbiyey dad weynaha Waqooyi Bari Kenya, digniin la xiiirta Ayax la sheegay dhawaan in uu dhinac u dha afey Kenya, inuu haatan soo noqdey.

Deegaanada uu ku habsadey Ayaxa waxaa kamid ah Oola, Juruqu iyo Huruudo, wuxuuna saameeyay dad iyo duunyo kunool degaann adaas.

Dhowr jeer ayaa Ayaxa waxaa uu ku habs aday degaano badan oo kuyaal dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana qeylo dhaan kasoo yee rtay dowladahaas gurmad u sameeyay hay’ad aha la dagaalanka Ayaxa.

Ciidanka Dowladda Oo Howgallo Qorsheys an Ka Sameeyay Gobolka Gedo

Ciidanka Xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaawafay waxaa ay howgallo qorshe ysan ka fuliyeed degaanno ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana howlgalladu ahaayeen kuwo ammaanka la xariiray.

Howlgalkaasi oo ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amaanka degaano ka tirsan gobalka Gedo, gaar ahaan magaalada Garba haarreey, halk aasi oo lagu wado inay ka qabsoonto Doora shada Goloha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Howlgalka ayaa waxa Hoggaaminayey Tali yaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Cii danka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo G/le sa re Warfaa Shiikh Aadan Faroole iyo Abandu ulaha Guutada G/dhaxe Cismaan Shiikh Cabdi Qorax.Sarakiisha ayaa sheegay in ay sii wadi donaan Hawgalada lagu xoojinaayo guud aha an amaanka gobalka.

Maraykanka oo Muwaadiniintiisa ku suga Dalka Ethiopia ugu baaqay inay isaga baxaan dalkaas.

Safaaradda Mareykanka ee Dalka Ethiopia ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay digniin u jeedisay muwaadiniinteeda Dalkaasi ku nool

oo ah inay yareeyaan isu socodka iyo dhaq dhaqaaqa magaalooyinka dalka Ethiopia.War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykan ka ee magaalada Addis Aba ba ee dalka Ethiopia ayaa la gu xusay in xaaladda amaan ee dalka Ethiopia ay sii xumaaneyso, maadaamo uu dalkaasi lu gaha la galay dagaalo, loona baahanyahay mu waadiniinta Mareykanka inay muujiyaan tax adar badan oo aysan gelin safar ka baxsan magaalada Addis Ababa.

Ugu dambeyn War-saxaafadeedka ayaa lo ogu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee joo ga dalka Ethiopia inay si dhab ah u qaataan baya anka ka soo baxay safaaradda, ayna dib ugu laabtaan Dalkooda Mareykanka.

Kenya oo qiimo yaab leh ku iibineysa laba diyaarad oo ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa qiimo yaab leh ku iibineysa diyaarado ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya iyo labo kale oo ay laheyd Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways.

Kenya ayaa soo bandhigtay diyaara do ay ku sheegtay inay yihiin kuwa aan la isticmaalin muddo dheer, kuwaas oo kala yaalla garoo mada dalk eeda, sida Jomo Kenyatta Inter national Airport, Moi International Airport, Loki choggio Airport iyo Wilson Airport

Waxay dowladda Kenya sheegtay in dha mma an diyaaradahaan la xaraashi doono mar ka la gaaro 17-ka bishaan November, waxa ana lasoo dhigay goobaha lagu iibiyo diyaa radaha.

Diyaaradaha la xaraashayo waxaa kamid ah laba diyaarahood oo ku diiwaan-gashan 3C-ZZA iyo 8204 oo ah nooca AN24 oo ay lah aayeen ciidamada Cirka ee Soomaaliya.

Labadaan diyaaradood oo lagu farsameeyey dalka Ruushka ayaa waxay iska dhex yaaleen garoonka Jomo Kenyatta Interna tional Airport (JKIA) muddo badan, mana helin cid dayactirta ama soo qaada.

Sida lagu qoray qarashka lagu doonayo mid weliba waa KShs. 73,000 oo u dhiganta $730, waxaa xusid mudan in diyaaradaha la iibinayo ay ku jiraan labo ay leedahay shirka dda Jubba Airways oo kala ah EY-534 iyo 5Y-BXZ, oo midiiba lagu doonayo $4,006.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay ku xara ashto diyaaradahaan laga leeyahay Soomaa liya.

Diyaardihii ay laheyd Soomaaliya ayaa gacanta u galay dowlado kale, kadib burburkii ku yimid dowladdii uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, mana jirto illaa hadda hal diyaarad oo lagu soo celiyey

gacanta Soomaaliya.


Taariikhda IKRAAN Tahliil Faarax oo dhameystiran iyo arrimaha aadan ka ogeyn

Muddo afar bilood ah nolol iyo geeri lagu la’ yahay Ikraan Tahliil Faarax oo kamid aheyd He y’adda NISA, iyadoo hey’addii ay ka tirsaneyd ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay inkastoo kooxdana ay iska fogeysay.

21-kii bishii lasoo dhaafay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay sheegeen in la dhamm eeyey khilaafkii u dhaxeeyey ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’yahay tan iyo 26-kii bishii June ee sanadkaan.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegay in hey’adaha Garsoorka loo dii day inay baaritaan ugu tagaan xarunta Hey’ adda NISA, taas oo keentay inuu istaago baa ritaanka kiiskaan.

Hadaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa taariikhda Ikraan Tahliil oo dha meystiran

Ikraan Tahliil Faarax waxay ku dhalatay mag aalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya 24-kii bishii August 1996-kii.

Yareenteedii waxay ku kortay deegaanka Mandheera, halkaas oo ay ku qaadatay tac liinta aas-aasiga ah, kadibna Ikraan waxay u wareegtay magaalada Nairobi, halkaas oo ay ka gashay waxbarashada Dugsiga Sare, iy adoo lagu daray mid kamid ah iskuullada ugu wanaagsan dalkaas ee gaarka loo leeyahay oo ah Iskuulka Aga Khan High School.

Ikraan markii ay ka qalinjabisay dugsiga sare waxay gashay Jaamacadda The United state International University qeybteeda Africa oo ku taalla magaalada Nairobi, waxayna ka qaadatay Shahaadada koowaad ee xiriirka Caalamiga ah.

Markii ay ka qallin jabisay waxay shaqo dhi naca maamulka iyo maaliyadda ah ka bilowday Banki ku yaalla dalka Kenya, kadibna waxay timid Soomaaliya horraantii sanadkii 2017-kii, waxayna shaqo ka bilowday Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) wuxuu xilligaasi ahaa Agaasimaha Hey’adda NISA, isaga ayaana Ikraan Tahliil siisay shaq adii ugu horeysay ee dowladeed.

Shaqadii ugu horeysay oo ay Hey’adda NISA ka qabato ayaa aheyd inay gacan yare u noqoto Agaasimihii hey’adda ee xilligaas oo ahaa Sanbaloolshe, sida uu VOA u sheegay.

Ikraan Tahliil waxay xafiiska Agaasimaha ka shaqeeneysay illaa bishii October 2017-kii, bishii October 2017 illaa 18-kii Aprill 2018-kii waxay ka shaqeeneysay xafiiska xuquuqda aadanadaha iyo arrimaha haweenka ee Hey’ adda NISA oo Agaasime looga dhigay.

Shaqooyinka ay qaban jirtay waxaa kamid ahaa xiriirinta Hey’addda Nabad sugidda iyo AMISOM iyo sidoo kale NISA iyo Safaaradda Ingiriiska, waxayna ka shaqeeneysay tayeynta hey’adaha Amniga Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ku dadaali jirtay inay u do odo, korna u qaado arrimaha xuquuqda aada naha ee dhammaan qeybaha ay ka kooban ta hay Hey’adda NISA, sida ku qoran Document uu helay barnaamijka Galka Baarista ee Idaacadda VOA Laga bilaabo October 2018-kii illaa July 2019-kii waxay ka shaqeyn jirtay Ikraan xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo markaas uu madax ka ahaa All aha u naxariistee Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo 1-dii bishii August 2019-kii u dhintay dhaawicii kasoo gaaray Qarax ka dhacay xafiiskiisa.

Dilkii Eng. Yariisow kadib Ikraan waxay ku soo laabatay shaqadii Hey’adda, shaqada hey ’adda ka sokowna waxay ku howlaneyd inay kor usii qaado aqoonteeda, iyadoo ka faa’ ideysaneysay fursadaha waxbarasho ee soo baxayey.

Isla sanadkaas 2019-kii Ikraan Tahliil waxay gashay Jaamacadda University of Nottingham ee dalka Britain, iyadoo ka qaadaaty shahaado ku saabsan xuquuqda Aadanaha.

Sanadkii ku xigay ee 2020-kii waxay koorso sanad ah oo ah Shahaadada labaad ee xiriirka Caalamiga ah ka qaadatay Jaamacadda King’s College London, waxbarashadaas oo uu car qaladeeyey dilaacii cudurka COVID-19, wax uuna qorshaheedu ahaa inay qallin jabiso bi shii August ee sanadkaan 2021-ka.

Ikraan Tahliil Faarax waxay ku hadli jirtay Lu uqadaha Soomaaliga, Ingiriiska, iyo Sawaa xiliga, waxayna aheyd Gabar firfircoon oo aan marnaba ka caajisin shaqadeeda, sida uu xaq iijiyey Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyihii hore ee NISA oo ay la soo sahaqeysay Ikraan.

Xogtan waxaan kasoo xiganay barnaamijka Galka Baarista XIGASHO:CAASIMADDA.NET

QM oo sheegtay in dambiyo dagaal ka dhac een Dalka Itoobiya.

Baaritaan ay Qaramada Midoobay ku sa meysay xad-gudubyada ka dhanka ah Xu quuqda Aadanaha ee ka dhacey gobolka Tig reega ee dalka Ito obiya, ayaa lagu ogaaday in dha mmaan dhinacyada isku haya colaadda ay geysteen xadgu dubyo ka dhigan in la galey Dambiyo Dagaal.Warbixintu waxey si faah faa hsan uga hadashey dilalka loo geystey boqo laal qof oo rayid ah.

Dagaalka ayaa bilawdey 4-tii bishii Nov ember, ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Wuxuu bilawdey dagaalka mar kii ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed, uu amar ku bi xiyey duullaan ka dhan ah cii damada gobolka Tigreega.

Wararkii Ugu Dambeeyay Dalka Itoobiya Kadib Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay

Dalka Itoobiya, ayaa Shalay wuxuu u noq onayaa maalintii koowaad, kadib markii lagu soo rogey xaalad deg deg ah, kaasoo socon doona muddo dhan lix bilood.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ku war geliyey iney hubkooda diiwaan galiyaan.

Waxey dhanka kale, ka dalbadeen iney u diyaar garoobaan sidii ay gacan uga siin lah aayeen booliiska iyo ciidanka qalabka difaaca magaalada.

Xoogagga la dagaalamaya dowladda, ayaa sheegay inuu yahay bartilmaameedkoodu magaalada Addis Ababa.

Madaxda caalamka ayaa ku booriyey dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya Itoobiya xabad joojin deg deg ah, khilaafkana lagu soo afjaro wada hadal.

Talibaan Oo Dalka Afghanistaan Ka Mamnu ucday Lacagaha Qalaad

Taliban ayaa shaacisay in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday isticmaalka dhammaan lacagaha qalaad.

Ururka ayaa ku amray shacabka Afghanistan inay isticmaalaan oo keliya lacagta dalka ee Afghani loo yaqaan. Waxa uu sheegay in ciddii jebiso amarka la marsiin doono sharciga.

Taliban ayaa go’aankeeda ku tilShalayy mid dan u ah dalka, isla markaana ay lacagaha qalaad dhibaato ku yihiin dhaqaalaha Afghanistan.

Lacagaha qalaad ayaa si weyn looga istic maalaa guud ahaa Afghanistan. Dollar-ka ayaa ah lacagta ugu badan eel aga isticmaalo suuq yada dalka, halka magaalooyinka xuduudda ahna ay isticmaalaan

Shirkadda Facebook oo tirtirtay qoraal uu bartiisa ku daabacay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Shirkadda Facebook ayaa ka saartay qoraal ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaddib markii uu ku xad-gudbay siyaasadda ka dhanka ah hurinta rabshadaha.

Axadii, Abiy Axmed ayaa ugu baaqay muwaadinii nta inay hubka qaataan si ay uga hortagaan jabhadda Tig ray People’s Liberation Front (TPLF).

Ciidamada TPFL ayaa da gaal socday muddo sanad ah kula jiray ciid amada dowladda, iyagoo maalmihii la soo dhaafay qabsaday magaalooyin muhiim ah.

Facebook ayaa lagu dhaleeceeyay in uu ku guul daraystay in uu wax badan ka qabto sidii loo joojin lahaa bartiisa in lagu huriyo rabsha daha.

Farriinta Mr Abiy wuxuu sheegay in fallaaga du dalka ku riixayso inuu burburo,” wuxuuna ku boorriyay muwaadiniinta inay "abaabulaan oo ay maraan qaab kasta oo sharci ah oo leh hub iyo awood kasta oo lagula dagaalami karo arg agixisada TPLF”.

Af-hayeen u hadlay Facebook, oo shirkadi isu ay dhawaan magacawday Meta, ayaa BBC-da u sheegay: "Waxaa nalagu wargeliyay qoraal uu qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana meesha ka saarnay tan markii aan ku xadgudbay siyaasaddeenna ka dhanka ah kicinta iyo taageeridda rabshadaha”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip