C/llaahi Dheere: "Haddii la i doorto waxaan laba laabayaa howshii aan bulshada u hayay"

0
Tuesday November 02, 2021 - 23:22:28 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/llaahi Dheere: "Haddii la i doorto waxaan laba laabayaa howshii aan bulshada u hayay"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Cabdullahi Axmad Maxamad (Cabdullahi Dheere) oo ka mid ah xubnaha caanka ka ah gobolada Hirshabele iyo Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa ka dalbaday xildhibaanada Hirshabelle, waxgaradka iyo odayaasha inay u doortaan kursiga aqalka hoose ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka sumadiisu tahay hOP106.

Musharax C/llaahi dheere oo muddo toban sano ka badan howlo kala duwan ka hayay gobolada sh/dhexe iyo Banaadir oo ay degaan beesha uu ka soo jeedo ee Galmaax Yoonis sida dib u heshiisiinta iyo nabadeynta beelaha dirirtu dhex marto, isagoo ka qeyb qaatay dhab u heshiisiinta beelo wada dega degmooyin ka tirsan Sh/dhexe.

Haddii la i doorto waxaan laba laabayaa howshii aan bulshada u hayay” ayuu yiri Musharax C/llaahi dheere oo ku caan baxay u ololeynta matalaad dhab ah oo dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir ay ku yèeshaan Dowladda dhexe ee Federaalka ah, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay dib u dhac ku keentay horumanka beesha Galmaax Yoonis oo degta labada gobollada Shabeelooyinka ee deriska ah.

C/llaahi dheere ayaa sheegay bacdamaa aanay jirin u doodeysa beesha Galmaax Yoonis amaba u mataleysa Baarlamaanka uu isagu go’aansaday inuu isku sharxo Xildhibaanimada aqalka hoose ee Baaralamaanka Federaalka, wuxuuna ballanqaaday inuu wax ka qabanayo dhibaatooyinka ka jira degaan doorashadiisa.

"Degaanada aan ka soo jeedo waxaa ka jira dib dhac weyn mana jiro adeegyadii asaasiga ah ee nolosha sida caafimaadka, waxbarashada iwm” ayuu yiri musharaxa oo sheegay in haddii la doorto uu wax ka qabanayo sanadka ugu horeeya baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dadka ka soo jeeda degaanadaasi.

Musharax C/llaahi dheere oo si dhow ula socda xaaladaha ay ku sugan yihiin bulshada degta gobolada Banaadir, Sh/hoose iyo Sh/dhexe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta dowladda u matala ay dayaceen mas’uuliyadii ka saarneyd u adeegida shacabka balse taasi bedelkooda ay ka shaqeeyeen danahooda oo kaliya.

"Ma noqonayo masuul dantiisa raacda hase yèeshee waxaan noqonayaa sida horay la iiga bartay shaqsi si dhab uga soo dhalaala howsha loo igmaday” ayuu yiri Musharax C/llaahi dheere.

Dhinaca hadalka musharxa ayaa ku soo beegmay iyadoo la doortay labadii xildhibaan ee ugu horeeyay aqalka hoose ee golaha shacabka oo la filayo in doorashooyin ay ka dhacaan gobolada dalka oo dhan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip