HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO ISNIIN 1-DA NOVEMBAR 2021-KA

0
Monday November 01, 2021 - 08:37:42 in Wararka by
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO ISNIIN 1-DA NOVEMBAR 2021-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xukuumadda oo ansixisay miisaaniyadda 2022, laba agaasime iyo guddi

 wasiiro


Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa Shalay yeeshay shir ay ku ansixiyeen ilaa seddax ajende oo kala ah ansixinta

miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka, Agaasime cusub oo loo magacaabay hey’adda Socdaalka iyo guddi wasiirro ah oo loo xil-sa aray daba-galka wareegtadii hakinta iibka dhu laalka ee Madaxweyne Farmaajo soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyey kulankii ay Shalay isu gu yimaadeen golaha wasiirradaSoomaaliya, kaas oo la isaga wareystay xaaladda guud ee dalka.

Ugu horeyn Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay warbixinta maaliyadeed ee dalka, waxaana kulanka lagu ansixiyey miisaa niyadda dowladda ee sanadka soo socda, waa 2022-ka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasaaradda ku bogaadiyey kororka miisaaniyadda iyo qaabka ay ugu soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowl adda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dow ladda ayuu u mahad-naqay Rooble.

Sidoo kale Golaha ayaa kulankii Shalay ku ansixiyey in Cabdulqaadir Cilmi Cali loo magic aabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socd aalka iyo Jinsiyadaha dalka., waxayna uga ma had-celiyeen Agaasimihii hore ee hey’adda Ma xamed Aadan Koofi shaqadii uu soo qabtay.

Isla kulankii golaha wasiirrada waxaa sidoo kale Shalay lagu ansixiyey guddoonka hay’ad da batroolka Soomaaliyeed oo loo magaca abay Cabdulqaadir Aadan Maxamuud iyo Gud di wasiirro ah oo loo xilsaaray fulinta wareegt adii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud ah.

Xubnaha guddigaas oo ka kooban afar Wasiir ayaa kala ah:

1 – Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xusen Afrax Guddoomiye

2 –Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Xubin

2 – Wasiirka Amniga Gudaha Cabdulaahi Maxamed Nuur, Xubin

4 – Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abu ukar, Xubin

"Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Ro oble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta mii saaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ay aa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey ’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.



R/W ROOBLE oo guddi u magacaabay ware egtadii kasoo baxday FARMAAJO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi wa siiro ah oo shaqadiisu tahay fulinta xeerkii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray ee Ilaal inta dhulalka danta guud. Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri "Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Ma xamed Xuseen Rooble oo tixraacaya xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyad da ee la xiriiray Ilaalinta dhulal ka danta guud ayaa magacaa bay Guddiga Fulinta xeerkii madaxweyne,”

Guddiga ayaa kala ah:

1- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Mukhta ar Xuseen Afrax Gudoomiye

2- Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur

3- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdu llaahi Maxamed Nuur

4- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md.Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab).

Wareegtadii uu Farmaajo soo saaray 27-kii bishan ayaa qorneyd sidan:-

Wargeeto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego;

Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duu laya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta du kumiinti sharci darro ah. Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan sha khsiyaadka ku lugta leh;

Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-ga arka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qo dobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku ta hay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo;

Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysanna jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si har eer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dal ka;

Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan;

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaal ku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcima alka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruq sad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya.

3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soom aaliyeed.4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab.

5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud.

DHAMMAAD


Agaasimihii Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsi yadaha Oo Ka Hadlay Xilka

 Qaadistii Lagu Sameeyay


Iyadoo Shalay Galaha Wasiirada Xuk uumadda Soomaaliya ay shir ay yeesheen xi lkii ay kaga qaadeen Agaasimihii Hay’adda So cdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya Ma xamed Adan Koofi aya waxaa arrintaasi war ka soo saaray Agaasimihii xilka laga qaaday.

Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya Maxa med Adan Koofi oo qoraal soo saaray ayaa waaxaa uu soodhawe eyay xilka qaadistiisa, waxaan uu intaa ku daray in xilku meerto yahay,waxaana uu bogaadiyay mas’uul ka Cusub ee xilka loo magacaabay.

"Xilalka iyo Shaqada Dowladda oo meerto ah awgeed, waxaan soo dhoweynayaa xil ka qaadistayda iyo magacaabista Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Cabdulkadir Cilmi, wax aana ugu duceynayaa in uu Allah ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmadey. Mah ad iyo bogaadinna waxaan u soo jeedinayaa madaxda Qaranka oo hay’adda u soo xuley nin dhalin yaro ah oo aan aaminsanahey in uu halkii ka sii wadi doono howlaha hay’adda” ay uu yiri Agaasimihii hore ee Hay’adda Socd aalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya Maxamed Adan Koofi.

Xilkii Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa loo magaca abay Abdulkadir Elmi Ali, kaasi oo noqonaya Agaasimaha Cusub.

RW Rooble Oo Kormeeray Goob Ay Ka Dhace yso Doorashada Golaha Shacabka Ee G/Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Rooble ayaa Shalay kormeeray goobta ay ka dhacaysodoorashada xildhibaannada G/Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland), taas oo berri ka bilaabaneysa Muqdisho.

Xaruntaan ayaa ku dhex-taalla dugsiga tab abarrada booliska Soom aaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, R/wasaaraha ayaana u kuurgalay u diyaar garowga doorash ada dalka, gaar ahaan kuraasta golaha sha cabka ee gobollada waqooyi.R/Wraha ayaa warbixin ka dhageyst ay Gud diga Maamulka Doorashada G/Waqoo yi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isa goo kula dardaarmay inay si hufan u maam ulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo

in ay berri bilaabato

Khadiija Maxamed Diiriye oo beesha reer Abtiyaasheed uga digtay ‘arrin ay


 wadaan’

Wasiirka Maareynta musiibooyinka Xu kuumadda Soomaaliya ahna xildhibaan ka ti rsan Baaramaanka Soomaaliya Khadiija Ma xamed Diiriye ayaa sheegtay inay jiraan faragelin ay abti yaasheed ku ha yaan kursigan xi ldhibaanimo oo ay ku fadhiso.

Wasiir Khadiija oo ay dhinacy ada ka fadhiyeen haweyn ay ku sheegtay inay yihiin kuwa hab aryar u ah ayaa sheegtay in hooyadeed iyo aabaheed ay kasoo jeedaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe islamarkaana ay iyada leeedahay HirShabelle.

Waxay sheegtay in hooyadeed ay kasoo jeedo Hawiye, Hiraab, Mudulood halka ay tilm aamtay in aabaheed uu kasoo jeedo Beesha Yaxar oo labaduba saami qeybsi ku leh maa mulka HirShabelle.

"Aniga hooyadeey iyo aabahey waxay kasoo jeedaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waxaa si cad oo aan leex leex laheyn u dhihi karaa HirShabelle anigaa iska leh oo ka soo jeedo, kursigeyga laguma dhici karo mana dhici karaan reer abitgeey,” ayey tiri wasiir Khadiija.

Waxay sheegtay inay jiraan dad isku da yaya inay boobaan kursigeeda kuwaas oo ay ku eedeysay inaysan waligood qof xil u raadin ayagana aysan helin 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

"Soomaaliya waxaa wax lagu qeybsadaa 4.5, aniga cidda aan kursiga ugu fadhiyo ee Yaxar ayaa isoo hormariyey, ayagaa kursigaan i siiyey mana jirto cid iga qaadi karto, waana qalad in qolo kale ay kusoo xad gudubto ku rsiga beesheeda,” ayey tiri mar kale Khadiija Diiriye oo u muuqato inay culeys kala kulmey so Mudulood.

Waxay ku faantay in aabaheed iyo awoow ayaasheed ay ahaan jireen madaxda hoggaa miso beesha ay kasoo jeedo ee Yaxar halka ay sheegtay in dhanka yooyadeedna ay yihiin reer waligood hoggaanka u heyn jiray dumarka Soomaliyeed.

Hadalka wasiir Khadiija Diiriye ayaa kusoo aadayo xilli ay socdaan olole looga soo horj eedo inay mar kale kusoo baxdo kursiga Xildhi baanimo ee beesheeda.

Dhawaan ayey aheyd markii odayaal kasoo jeedo beesha Yaxar ay sheegeyn in Khadiijo Diiriye aysan dhaxal u laheyn kursiga ay ku fa dhiso isla markaasna aysan jirin go’aan ay beesha ku gaartay inay iyada kaligeed kursiga iska heysato

Taliyaha Cusub Ee NISA Oo Lafilayo In Saa cadaha Soo Aaddan La Magacaabo


Waxaa la filayaa in Shalay la magacaaabo Taliyaha Hay’adda Nabad Sug idda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, xili ay jiraan warar kala duwan oo ku aaddan arrintaasi magacaabista ah.

Waxaa lasoo hormariyay kulankii khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada, iyadoo sida la she egay Habeen hore farriimo wargalin ah loo diray Golaha Wasiirada, kuwaasi oo lagu wargaliyay inuu Shalay jiro kulan aan caadia ahayn.

Wararka ayaa sheegay in kulanka Shalay loo madalsan yahay ee Golaha Wasiirada in la gu soo Magacaabi doono Taliyaha Cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxaa jira Shaqsiyaad dhowr ah kuwaasi oo la sheegay in ay macquul tahay in loo Ma gacaabo Xilka, waxaana ka mid ah mas’uuliyin hadda xilal ka haya Dowaldda iyo sidoo kale shaqsiyaad kale oo dhanka maamul Gobol eedyada xilal ka haya,kuwaasi oo loo bada niyao in saacadaha soo aaddan mid kood loo magacabo xilka.

Dhawaan ayay hayd markii heshiis ay gaaren Madaxweyne Framaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib markii ay isku fahmeen sida la sheegay qaabka magacaabista taliyaha cusub, waxaana meesha laga saaray shaq siy aadkii ay horay u kaal magacaabeen ee khilaafku ka dhashay.


Cali Guudlaawe Oo Kulan Gaar Ah La Qaat ay Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir shabeelle Ali Gudlawe Hussein oo howlo sha qo u joogo Magaalada Muqdisho ayaa Shalay kulan la qaatay Raisul Wasaarihii Hore ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Ca li Kheyre iyo Wasiirkii hore ee Amniga Xilibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

kulankaan ayaa looga hadlayay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Arrimaha Doorash ooyinka.

Raisul Wasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxwayne Cali Guudlaawe Xuseen ku bogaadiyay hanaanka daahfurnaanta ah ee uu u maamulay doorashadii aqalka sare ee ka dhacay Magaalada Jowhar.

Sheekh Bashiir oo war kasoo saaray ‘arrin munkar weyn ah’ oo kusoo

 korortay Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soom aaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa markii u horeysay ka hadlay bandhig dharka la gu xayeysiinayo oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Sheekh Bashiir oo la hadlay idaacada KNN ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay bandhig dharkaas lagu xayeesiinayay oo ay ku soo wada bandhigayeen dad iskugu jira rag iyo du mar. "Runtii waa munkar weyn maxaa yeelay Ilaahay SWT waxa uu na amraya in indhaha la ga laabto jinsiga kale, waxay midaasina u saa cideysa inuu indhaha ka laabto inuu dhowr sanaado,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

"Waa macsidii oo la amaanayo oo loo sac abinayo, waana ka digeyna waxaana leenahay dadka noocaas ah Ilaahay ha ka baqaan, mar kaa waa ka digeyna si kale ha loo shaqeysto oo ha loo xamaasho.”

Sidoo kale wuxuu u digay dadka bandhig yada noocaas ah soo abaabula, isagoona faray in si kale wax u soo bandhig aan oo ka madhan xaaraan iyo in la soo ming uuriyo dha qan gaalo, sida uu hadalka u dhig ay.

"Haddii gaalada dhaqankooda iyo afkaarto oda la qaato hadda kadibna caqiidadooda la qaada naya, markaa sheygii xaaraanta ah haddii laga dhigayo xalaal oo la soo bandhigo oo la iskugu imaanayo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carrabka ku ad keeyay in waxa Diinteena Islaamka naga xara antimeysay aan la xalaashan, islamarkaana aan laga baayacmushtarin dadka diintooda iyo akhlaaqdooda.

Qoorqoor Oo Kulamo Ka Wada Guriceel, Baaqna U Diray Ahlu-Sunna

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal mudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magaalada Guriceelee Gobolka Galgaduud waxaa uu ka wadaa Kulamo kala duwan oo uu la leeyhy qaybaha kala duwan ee Bulshada degmadaasi

Qoorqoor oo dhawaan gaaray magaala daasi ayaa haatan la sheegy in saacadi hii lasoo dhafay uu kulamo xasaasi la qaatay od ayaasha dhaqanka degmada iyo waxgaradka guud, waxaana la sheegay in dhammaan kula madaasi dahaarnaayeen sidii dadka degaanku ay ula shaqayn lahaayeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Qoorqoor uu ku wargaliyay Odayaasha in loo baahan ya hay in ay ka shaqeeyaan Sidii xoogagga Ahlu-Sunna hubka looga dhigi lahaa, waxaana si doo kale Madaxweyne Qoorqoor uu dalbaday in ay dhiibaan Xoogagga Ahlu-Sunna.

Wali waxaa socda sida wararku sheegayaan dadaalo iyo wadahallo,kuwaasi uu qaybta ugu weyn uu ka leeyhy Qoorqoor, isagoona sidoo kale kulamo gaar gaar ah wada sida wararku tilmaamayaan.

Magaalada Guriceelee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal khasa aro badan dhaliyay oo dhex-maray Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudg oo isku dhinac ah iyo xoogagga Ahlu-sunna,kuwaasi oo ugu dambeyntii laga saaray Magaalada.

Waxaa xigay safar uu madaxweynaha maamulkaasi Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor uu ku tagay Guriceel oo ah magaalo uu si we yn u saameyay dagalkii afarta maalmood qaa tay, taasi oo ilaa iyi hadda uu ka wado kulamo.


Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka horyi mid habraacii ay soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi

 Guuleed + Sababta

Guddiga xallinta khilaafaadka doorasho oyinka dadban ee heer federaal ayaa war ka soo saaray doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan bilaaban eysa, gaar ahaan mida gobollada waqooyi ee Somaliland.

Ugu horreyn guddiga ay aa ka horyimid habraaca ay Dorraad si wadajir u soo saa reen ra’iisul wasaare ku xi geenka dalka Mahdi Maxa med Guuleed iyo guddoomiyaha Golaha Aqal ka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ku aadan kuraasta gobollada waqooyi.

Guddigu wuxuu sheegay in qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad ee habraacan uu ka hor im aanayo mas’uuliyadda loo igmaday guddiga xa llinta khilaafaadka ee ah inay iyaga go’aan ka ma dambeys ka gaaraan cabashada ka dhal ata doorashooyinka, halka habraaca lagu shee gay inay xallin doonaan wixii tabasho ah gudd oonka sare ee doorashada Somaliland.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaad ay in aysan jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doora shooyinka.

"Habraaca doorashada Golaha Shacabka BFS ee gobollada waqooyi (Somaliland) ee soo baxay tr: 30/10/2021, qodobka 3-aad farq addiisa 12-aad ee u qoran sidatan (wixii khilaaf aad ah ee ay guddiga xulista ergooyinka bee luhu xallin kari waayaan waxa xallin doona oo go’aan kama dambeys ah ka gaaraya guddoon ka sare ee doorashooyinka Somaliland).

Wuxuu caddeynayaa in qodobkan uu si toos ah u ga hor imaanayo mas’uuliyaadka loo igma day guddiga xallinta khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cab ashooyinka ka dhasha doorashooyinka dab adan 2020,2021,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka.

Qoraalka guddiga oo Shalay soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan ya hay in marwalba la dhowro heshiiska ay door ashada ka gaareen golaha wada-tashiga qa ran.

”Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashada wuxuu xasuusinaynaa guddiyada maamulaya doorashooyinka heer dawlad goboleed (SEIT) iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal (FET) in ay dhawraan dhamaan heshiis yadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qar an, gaar-ahaan war-murtiyeedkii shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoo sto 2021. Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca sulis ta ergooyinka doorashada iyo qodobkiisa sa ddexaad ee hindisaha daahfurnaanta doora shada 2021″ ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ugu baaqay guddoonka sare ee doorashada kuraasta Somaliland inay saxaan khaladaadka ku jira habraaca doora shada golaha shacabka gobolada waqooyi, siiba qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad.

Ahlu-Sunna oo isku tegay meel u dhow Dhuuso-areeb, sheegay bartilma ameedk ooda

Tan iyo markii Xoogaga Ahlu Sunna ay Arb acadii isaga baxeen Magaalada Guriceel ayaa waxaa la soo sheegaya in ay isku uruursana yaan deegaanka Bohol, oo dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegaya in haatan uu bartilmaameedkooda koobaad yah ay maleeshiyda Al-Shabaab, si ay kaga saa raan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gal mudug.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Su nnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa Jimcihii sheegay inaysan duu laan ku ahayn Maamulka Galmudug, balse ay doonayaan in ay Shabaabka ka saaraan gobolka intiisa kale.

"Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu waxa ay tahay in qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ka dulqaadaan um madda Soomaaliyeed, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiiliyaan mar kasta, oo ay uga baahd aan,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan Xuseen.

Waxaa uu ku celiyay inaanu qorshahoodu qay b ka ahayn dagaal ay la galaan Galmudug, ta asi bedelkeedana ay Galmudug ugu baa qayaan nabad.

"Ahlu Sunna Waljameeca mar kasta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ayay ku baaqeysaa,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan.

Waxa uu intaa ku daray "Anaga dagaalkay aga hal qolo ayuu ku wajahan yahay, dagaal kayagu wuxuu ku wajahan yahay Shabaab, waxaa qorshahayagu yahay inta kale oo dadka Soomaaliyeed ah ma u khalmaan inay dhint aan, inay na dilaan uma khalmaan, inaan dil na na uma khalmaan.”

Cabdisalaan Aadan ayaa Dowladda Fede raalka iyo Maamulka Galmudug ku eedeeyay in aanay dhab ka ahayn la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, halka Ahlu Sunna ay ka go’an tahay inay wiiqdo maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu yiri.

"Hadafka Ahlu Sunna Waljameeca ay mar kasta u taagan tahay waa hadaf cad, oo ah in lagala dagaalamo cadowga ummadda Soomaa liyeed dhiigga ka jaqaya,” ayuu yiri Cabdis alaan Aadan.

Taliye Kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdis alaan Yuusuf Guuleed ayaa mar sii horeysay sheegay in soo rogaal celinta Xoogaga Ahlu Sunna ay ka dambeysay, ka dib markii ay dagaalada beelaha ku soo bateen Gobolada Dhexe iyo Shabaabka oo caqabad ku noqday Galmudug.

"Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareens an tahay inay ku soo rogaal celin karto. Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaalada qa baa’ilada ee deegaanka ku soo batay iyo Shabaabka oo caqabad ku noqday gobolka, waxaana fursadaasi abuuray Maamulka Gal mudug.

Waxay rabaan siyaasad ahaan in dib u qa bsadaan mamaulkii horey looga saaray, oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta ka jir to,” ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed.

Sideed iyo toban bilood oo Ahlu Sunna ka maqneed Gobolada Dhexe ayaa la fahamsan yahay in ay Shabaabku culeys soo saareen Ga lmudug, iyagoona maamulka kala wareegay deegaano dhowra. Xigasho:-caasimadda.net

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Koofur Afrika, xili faah faahinno dhee ra ad ah ay kasoo baxayaan dilka Muwaa dink aasi. Muwaadinka ayaa waxaa dilka u ga ystay dableeyd hubaysan ay ku Toogteen Deg mada Mitchells Plain oo ka mid ah degmooyin u gu dadka badan ee Magaalada Cape Town.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana la sheegay in kooxdii dilka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Koofur Afrika, kuwaasi oo baaritaanno sameeyay, ilaa iyo haddana lama shaacin cid loos oo qabtay dilkaasi.

Dalka Koofur Afrika waxaa ganacsiyo waa weyn ku leh Soomaali badan, kuwaasi oo dilal iyo dhac joogta ah kala kulma burcadda Koofur Afrikaanka ah.

Doorashada Kuraastii Ugu Horreeysay Ee Golaha Shacabka Ee Somaliland Oo Maanta Dhaceysa

Magaalada Muqdisho gaar ahaa Xarunta Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska So omaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay ka dhacdo Doorashada kur aastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada dhaceysa oo laba kursi ah ayaa waxaa ku tartamaya Afar Musharax oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuu madda xilgaarsiinta ee Mahdi Maxamed Guu leed Khadar, waxaana uu u tartamayaa kur siga tirsagoodu yahay HOP239.

Musharaxiinta ayaa waxaa dooran doona 101 Ergo oo la soo xul ay oo shalay tababar la xiriira doorashada loogu soo xiray Magaalada Muqdisho, sida uu VOA-da u sheegay Afhay eenka Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Xarunta Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska Soo maaliya ayaa waxaa goobjoog ka noqonaya xubno ka socda Guddiyada doorashooyinka Fe deraalka, xalinta khilaafaadka iyo kuwa Soma liland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.


Arday Soomaali ah oo lagu dilay HINDIYA + Sababta

Wararka laga helayo dalka Hindiya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wiil Soomaali ah, isla-markaana ahaa Arday lagu dilay magaalada New Delhi ee caasimada wad ankaasi, kaas oo ay dilkiisu ka dam beeyeen Soomaali kale.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Fiin, waxaana la sheegay inay dileen dhalinyaro kale oo Soomaali ah oo ku sugan Delhi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii uu muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo dhalinyada oo dagaalamay, sida ay sheegeen qaar ka mid ah Soomaalida.

Maxamed Fiin ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah, isla-markaana waxbarasho u joogay dalka Hindiyada, isaga oo dhowaan dhammeystay waxbarashadiisa Jaamacadda.

Ciidamada Booliska oo howl-gal samee yey, kadib dhacdadaasi ayaa gacanta ku soo dhigay illaa 7 ruux oo Soomaali ah oo loo heysto dilka, waxaana haatan ku socda baarit aano dheeraad ah.

Sidoo kale waxa ay ciidamadu weli ku raad joogaan shaqsiyaad kale oo la sheegay inay iyaguna ku lug lahaayeen dilka loo geystay wii lkaasi dhalinyarada ah.

Gudaha dalka Hindiya ayaa waxaa haatan ku sugan Soomaali fara badan oo waxbarasho Jaamacadeed iyo arrimo caafimaad u aaday wadankaasi, waxaana dhacdadan oo Soomaali kale ay ka dambeysay ay noqotay mid aad looga hadalyo hayo guud ahaan wadankaasi.

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamanka Puntl and Oo Soo Jeediyay In Somaliland Lagu Daro Liiska

 Argagixisada

Qaar ka mid ah xildhibaannada Puntland ayaa Shalay soo jeediyay in dowlad goboleedkooda ay Somaliland ku daro liiska argagixisada.

Soojeedintaas oo aanan lagu darin ajandihii Shalay ayaa waxaa gadaal ka riixayay xildhib aano intooda badan ka soo jeeda gobolka Cayn ee maamulkaasi ayaa Somalila nd ku eedeeyay inay deegaanno ka tirsan gobolkaasi ku abuurto dagaalyahannada Al-Shabaab.

Lama ogo waqtiga mooshinkaas lagu dari doono ajandaha oo ay xildhibaannadu ka doodi doonaan.

Shir Looga Hadlayo Isbedalka Cimilada Oo Ka Furmay Scotland

Waxaa Shalay ka furmay magaalada Glas gow ee Scotland shir weyne looga hadlayo isbadalka cimilada iyo si dii wax looga qaban la haa.

Ergooyiin ka kala socda ilaa 200 oo dal ayaa hal kaas ku sugan si ay uga wada-hadlaan qaabka loo dhimi karo qiiqa haw ada wasaqeeya marka la gaaro sanadda 2030.

Mareykanka Oo Baaq Adag U Diray Jabhad da TPLF

Mareykanka ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo da gaalka uu sii xoogeystay.

Qoraal laga soo saaray Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa looga dalbaday TPLF inay hakiyaan ku siqitaankooda magaa looyinka Dessie iyo Kombolcha.

Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya, ayaa sheegay iney qabsa deen magaalada istiraatiijiga ah ee Dase, ee katirsan ismaamulka Amxaarada ee dalka Ito obiya.

Afhayeen u hadley qawmiyadda Tigreega, ayaa lagu waramayaa inuu sheegay in ciidam adoodu ay hadda ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha.

Dase waxey Addis Ababa u jirtaa wax ka yar 400km, haddii ay jabhaddu ku guuleystaan iney qabsadaan Dase, waxey noqon doontaa iney ku sii siqayaan koonfurta uggu fog ee go bolka Amxaarada.

Xiisadda Sacuudi Carabiya iyo Lubnaan oo weji cusub yeelatay iyo dalal ku biiray

Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii u yee rtay diblomaasiyiinteeda Beirut ayada oo "ga rab istaag” u muujineysa Sacuudi Carabiya ka dib markii wasiir reer Lubnaan ah uu camba aree yey howlgalka Riyadh ay hoggaamiso ee Yemen.

Murankan, oo sidoo kale dhaliyey in Sac uudi ga ay mamnuucaan badeecadaha looga soo dhoofiyo Lubnaan, iyo in Kuwait iyo Bah rain ay u yeertaan safiiradooda, ayaa dhabar jab weyn ku ah dal markii horeba wajahayey burbur dhaqaale.

Lubnaan ayaa isku haleyneysay kaalmo maali yadeed oo ay ka hesho dalalka Khaliijka si ay u badbaadiso dhaqaalaheeda.

"Imaaraadka Carabta waxay ku dhowaaq eysa lasoo bixitaanka diblomaasiyiinteeda Lu bnaan si ay taageero ugu muujiso dowlad aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kadib hadalkii aan la aqbali karin ee saraakiisha Lubnaan ee ku wajahnaa Sacuudi Carabiya,” ayey wasaaradda arrimaha dibedda ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

Muwaadiniinta Imaaraadka ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay u safraan Lubnaan. Xiisaddan ayaa qaraxday markii Sacuudiga ay u yeerteen safiirkooda Lubnaan, kuna amreen kan Lubnaan inuu dalka uga baxo 48 saac gudahood.

Saacado kadib Bahrain ayaa ku xigsatay, ayada oo sidoo kalena Lubnaan ay Sabtidii ku dhowaaqday tallaabo taas la mid ah.

Xiisadda ayaa ka dhalatay wareysi toddob aadkii tegay lasii daayey oo wasiirka warf aafinta Lubnaan George Kordahi uu ku camba areeyey howlgalka militari ee Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Yemen.

Hadallan oo la duubay bishii August hase yeeshee lasii daayey Isniintii tegtay, ayaa Kor dahi wuxuu dagaalka toddobada sano socda ee Yemen ugu yeeray "mid macno-darro ah”, wuxuuna sheegay in "la joogo watqigii lasoo geba-gebeyn lahaa.”

Waxa uu sheegay in mucaaradka Xuutiyiin ta Yemen "ay naftooda ka difaacayaan gard arro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku dar ay "in guryo, tacsiyo iyo xaflado meher ay duqe eyaan” isbaheysiga Sacuudiga

.AFP + VOA


Madaxda Dalalka Ugu Awoodda Badan Caalamka Oo Heshiis Ka Gaaray

Hoggaamieyaasha 20-ka dal ee ugu dhaq aalaha roon caalamka ayaa isku raacay he shiis caalami ah oo dhigaya in canshuurta laga qaado faa’idooyinka ay sameeyaan shirkadaha waaweyni laga dhigo ugu yaraan 15%.

Tallabadan ayaa imaanaysa ayadoo uu jiro walaac laga qabo in shirkadaha dalalka kala du wan ka hawlgala ay hantidooda u weec iya an waddamada ay canshuurtoodu aad ka u ho osayso.

Heshiiska waxaa isku raacay dhammaan mad axdii ka qeybgashay shirka G20 ee lagu qabt ay magaalada Roma.

Isbeddelka cimilada iyo Covid ayaa sidoo kale ku jira ajendaha shirwaynaha, oo marki u gu horreeysay ay hoggaamiyeyaashu fool ka fool isugu yimaadaan tan iyo markii uu uu dill aacay xanuunka safmarka ah ee fayraska ko rona.

Ururka G20 – oo ka kooban 19 waddan iyo Mid owga Yurub – waxaa ka maqan oo aan si toos ah usoo xaadirin hogaamiyaasha Shiin aha iyo Ruushaka waa Xi Jinping iyo Vladimir Putin, waxa ayna doorbideen inay qaab maqal iyo muuqaal ah uga qeyb- qaataan.

Heshiiska canshuurta, oo uu soo jeediyay Mareykanka, ayaa la filayaa in si rasmi ah loo ansixiyo maalinta Axadda ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana la dhaqangelin doonaa sanadka 2023-ka.

Xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka Janet Yellen ayaa sheegtay in heshiiska taariikhiga ah uu ahaa "mid aad muhiim ugu ah” dhaqaal aha caalamka "uuna soo afjari doono tartanka dhaawaca badan u geystay shirkadaha caala miga ah”.

Waxay barteeda Twitter-ka ku soo qortay in ganacsiyada iyo shaqaalaha Mareykanka ay ka faa’iideysan doonaan heshiiska inkastoo shirkado badan oo waaweyn oo fadhigoodu yahay Mareykanka ay tahay inay bixiyaan

canshuur dheeraad ah.


Isbitaalka Somali Sudanese oo guuleystay abaalmarinta isbitaalka ugu Wanaagsan

MUNAASABADDA ABAAL MARINTA ISBITAALKA SOMALI SUDANES

Munaasabad ka dhacday Magaalada Mu qdisho ayaa waxaa Isbitaalka Somali Sudanes loogu abaal mariyay in uu moqday Isbitaalka ugu wanaagsan sanadkan 2021 kadib markii la qiimeeyay xarumo caafimaad oo kala duwan kuna ka yaalla Gobolka Banaadir

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan bahda caafimaadka sida dhaqa atiirta, Isbitaalada gaarka loo leeyahay iyo ku wa dowladda, iyo masuuliyiin sarsare oo ka ka la socdo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana

qiimeen ay sameeysay Somali health awa rds loogu doortay Isbitaalka Somali Sudanese in uu yahay isbitaalka ugu fiican Sanadka 2021.

Ma ahan markii ugu horreysay uu isbitaalka Somali Sudanese uu ku guuleysto abaalmar intaan. Sidoo kale isbitaalka Somali Sudanese wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Mogadishu Health Awards sannadka 2020.

Isbitaalka takhasusiga ah ee Somali Sudan ese waa isbitaalka ugu wayn ee gaar loo leey ahay kuna yaalla degmada Hodan ee magaa lada Muqdisho, waxaana la Aas’aasay sanad kii 2014, iyada oo ay dhiseen ganacsato Soom aaliyeed xilli bulshada Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabeen adeeg caafimaad oo lagu as teeyay hufnaan iyo tayo, waafaqsanna halbee gyada caalamiga ah ee loo jideeyay daryeelka bukaan socodka iyo bukaan jiifkaba.

Isbitaalka Somali Sudanese waxaa markiisii hore lagu bilaabay 50 sariirood iyadoo maan tana uu sariiraaha bukaanka la gaarsiiyay in ka badan 120 sariirood.

Isbitaalka Somali Sudanese waxaa ka hawl galla 22 dhaqaatiir ah oo aqoon xeel-dheer iyo waaya-aragnimo u leh dawaynta cudurada kal a duwan. Waxayna dhaqaatiirtaas isugu jiraan

• Dhaqtarka Cudurada Guud

• Qalliimada guud

• Dhaqtarka Lafaha

• Dhatarka maqaarka

• Dhaqtarka caloosha (gastroenterology)

• Dhaqtarka wadnaha (Gardiology)

• Dhaqtarka Cunaha, dhagaha, & Sanka (ENT)

• Dhaqtar haweenka

• Dhaqtarka Killiyaha iyo kaadimareenka (Urology).

Abaarta Ka Jirta Waqooyi Bari Kenya Oo Sa meyn Ku Yeelatay Soomaalida Ku Nool Degaanadaasi

Qeylo dhaan ba’an, ayaa waxey kasoo bax eysaa deegaanada Reer Guuraaga ee So omaalida ee dalka Ke nya, iyo kuwa kale ee ku hareerysan ee ay ol oga yihiin.

Qeylo dhaantan ayaa la xiriirta dhibaatada abaarta daba dheeraatey, ee ba’dey biyo iyo baad la’aanba, bani’aadamka, xoolaha iyo duurjoogta kalaba.

Waxaa jirta iney kal hore qeylo dhaan dire en culumada iyo waxgaradka Gobolka Waqo oyi bari Kenya, taasoo ku wajahneyd maam ulka heer gobol iyo dowladda dhexeba.

Waxey sheegeen culumadani in ay soo gaa rsiiyeen kaalmo kal hore maamulka Garissa iyo dowladda dhexeba, waloow aaney daboolin baahidii jirtey.

Haatan culumadii qeylo dhaanta sameysay kal hore, ayaa mar kale isugu soo ururtey ma gaalada Garissa.

Culumada isugu soo ururtey shirkani, wax aa kamid ah Sheekh Xasan Cabdullaahi Ca meey, oo ah guddoomiyaha golaha Muslimiinta Kenya.

Wuxuu sheegay Cameey in xaaladda maa linba maalinta ka danbeysa iney kasii dareyso, isagoo tilmaamey in haatan halista u gudubtey dhanka dadka bani’aadamka.

Wuxuu carabka ku dhuftey in mar kale ay sa meynayaan dalab ku aadan in gurmad deg deg ah oo balaaran lala soo gaaro dadka iyo duun yada ku dhaqan Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Olole dadka Soomaalida ah lagu beegsan ayo oo ANKARA ka billowday + Sababta

Dhawrkii sano ee lasoo dhaafay, fagaaraha Kizilay ee ku yaalla bartamaha magaalada Ank ara ee dalka Turkiga waxaa camiray gana csiyada ay ka sameynayaan dadka Soomaal ida ah ee sida xad dhaaf ka ah u tegaya dalka Tur kiga, iyagoo kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin heerkeedu sareeyo.

Bulshada Soomaaliyeed ee kusii badanaysa caasimadda Turkiga ayaa halkaas ka hir gelisay maqaayado, goobo lagu shaaho, bakhaarro dharka lagu iibiyo iyo gan acsiyo la-talin ah oo ay ku ganacsadaan la bada dhinac, iyagoo si tartiib tartiib ah goobta uga dhigay xaafad firfircoon oo leh ganacsi xoog leh.

Si kastaba ha ahaatee, Xaafadaas oo ay si weyn u camireen dadka Soomaaliyeed ayaa hadda waxay noqotay meel ay Turkidu ku dhib aateyaan Soomaalida, waxaana halkaas kusoo badanaya naceybka loo qabo soo galootiga.

Wargeyska Maalinlaha ah ee Sozcu oo ah wargeys si weyn uga hadla arrimaha soogaloo tiga ayaa warbixin uu daabacay Bishii Aprill wu xuu cinwaan uga dhigay "Xarunta Ankara wax ay noqotay Soomaaliya.”

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in ganacsatada magangeliyo-doonka ah ee ka timid Soomaaliya ay gabi ahaanba u beddel een laba waddo oo ku yaalla Kizilay "in ay wad dankooda ka dhigaan.”

Wixii warbixintaas ka dambeeyey, booliska Turkiga qeybtiisa dhar-cadda ayaa billaabay inay si joogto ah u booqdaan goobaha ganacsi oo ay Soomaalidu ku leedahay halkaas, iyagoo sameynaya baaritaano teel-teel ah oo ay ku dhibaateynayaan macaamiisha, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Middle East Eye.Bishii Sebtembar, dhacdo ka yaabisay Sooma alida Kizilay ayaa ka dhacday Ankara, kadib markii ay Booliska xireen ganacsato Soomaali yeed oo halkaas ku lahaa xarumo waaweyn, iyadoo ugu dambeyntiina lagu amray inay isa ga baxaan dalka Turkiga, taas oo ku khas abtay garansatada inay iibiyaan xarumahooda ganacsiga oo gebi ahaanba ay iska xiraan. ‘Ololaha dhibaataynta’

Dalka Turkiga oo marti geliyey ku dhawaad Shan Milyan oo qaxooti ah oo badi ka yimid Suuriya ayaa waxay xaqootiga kula dhaqmaan hab aan wanaagsaneyn.

Bilihii la soo dhaafay, mucaaradka Turkiga ayaa bilaabay inay sii huriyaan olole ka dhan ah dowladda oo ku guul dareysatay inay soo saarto xeelado lagu maareeyo qaxootiga oo aan aheyn "siyaasadda xuduudaha furan.”

Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya bulshada Soomaaliyeed iyo qaar badan oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee ku nool dalka Turk iga ayaa ah in Soomaalida ay u badan yihiin dad aqoon sare leh oo si sharci ah ku yimid wadanka Turkiga.

Inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool Turkiga ayaa heysta sharciyo degenaansho ah, waxayna lacag ku maalgeliyaan guryaha iyo ganacsiga dalka.

Dhibaatada lagu hayo qaxootiga ayaa waxaa kusoo biiray Soomaalida dalkaas ku no ol, kadib markii bishii August ay rabshado ka dhaceen qayb kale oo ka mid ah magaalada Ankara, halkaas oo muwaadiniinta Turkida ah ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi iyo guryo ay la haayeen qaxooti Suuriyaan ah, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qof qoxooti ah uu wiil dhallinyaro ah ku dilay beer lagu nasto.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa caadi ka noqday goobaha ganacsiga oo ay Soomaalidu leedahay in lagu arko ciidamo boolis ah oo ku labisan dareeska ciidamada, inkastoo ay si sharci ah u dhisteen goobo ganacsi oo ay ka howlgalaan.

"Marka hore, 15 askari oo boolis ah ayaa soo xaadiray, waxayna bilaabeen inay meel walba ka raadiyaan dadka wixii ka dambeeyey 8-dii Sebtembar,” Maxamed Ciise Cabdull aahi, oo ah milkiilaha kafateeriyada Soomaal ida ayaa sidaas u sheegay MEE.

"Kadib shan maalmood boolis dhar cad ah ayaa mar kale nagu soo booqday, qaar naga mid ah ayaa la geeyey saldhigga booliska ee noo dhow. Waxay nooga digeen inaan shaqa aleysiino shaqaale aan fasax lahayn.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Cabdullaahi waxa uu rumeysan yahay in booqashooyinka booliska ay qayb ka yihiin olole dhibaatayn ah oo ay wadaan maamulka deegaanka, wuxuuna sheegay in shaqaaleys iinta shaqalaha aan la fasixin ay kaliya keeni karto ganaax lacageed, balse aysan keeni karin in ganacsiyada la xiro, sida haddaba dhacday.

"Ugu horeyn arrimahaan waa wax khuseeya degmada, shaqana kuma lahan booliska,” ayuu yiri Onur Boran Duman, oo ah qareen ku takhasusay khilaafaadka shaqada.

Milkiilayaasha dukaamada ganacsi ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin joogitaanka Soomaalida, maadaama ay xaafa dda u keeni jireen lacago iyo shaqooyin badan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip