HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE 30-OCT 2021

0
Saturday October 30, 2021 - 11:23:16 in Wararka by
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE 30-OCT 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo Oo Xeer Ku Mam-nuucay Ka Macaashka Dhulalka Dowladda

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweyna ha, si musuq maasuq ahna loola wareego;

     Madaxweynaha oo tixr aacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhul ka dan-guud;Madaxweynaha JFS oo ka duu laya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta du kumiinti sharci darro ah.

    Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bi laabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh;

Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Dan ta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Do wladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo;

      Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wad ajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, ays anna jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la war eegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka;

Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan;

    1- Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baar lamaan ee hageysa.

2-Maadaama Sharci BFS uu soo saaro ay xa ddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruu daha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan istic maalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee JFS.

     3- Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u ji heystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaal iyeed.

    4- Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xa fiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018.  Si daas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arr inka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci dar ro lagu muteysan karo ciqaab.

     5- Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jann aayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo mus uqmaasuqa dhulalka danta guud.

Shariif Xasan oo hoygiisa ku qaabilay Saxa fiyiintii lagu xiray Baydhabo

    Shariif Xasan Sh.Xasan, Madaxweynihii ho re ee K/Galbeed ayaa Habeen hore hoygiisa M/Baydh abo ku qaabilay 7 Saxafi, oo Khamiistii  lagu xiray magaaladaasi.

     Xarigga Wariye-yaasha ayaa yimid, xilli ay doonayeen inay soo tebiyaan soo dhaweyntii Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu sameynay ay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee M/Baydhabo.

     Wariye-yaashan ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii laga sii daayay xabsiga, sida uu Uni versaltv u xaqiijiyay Wariye Maxamed Deeq Se rjito, oo ka mid ahaa Saxafiy iintaasi.

"10:00 barqanimo ayuu Garoonka Diyaaradaha naga kaxeeyay Taliy aha Qaybta Booliska G/Baay, Korneyl Ami in Maxamed Daruur, wuxuuna noo shee gay inaan xarig nah ay.” Ayuu yiri Wariye Serjito oo intaa ku daray "Maqribkii ayuu nagu yiri fasaxaa tihiin, anagoo toddobo Wariye ah ayaan weydiiyay inuu noo sheego sababta nalagu soo xiray. Wax sabab ah nooma sheegin, sidii ayaa guryahayna ku kala aadnay.”

      Shariif Xasan ayaa hoyga uu ka degan ya hay M/Baydhabo ugu yeeray Wariye-yaasha as, isaga oo u sheegay inuu ka xun yahay xar igooda.

    "Saxafiyiintaynii waxaa inoo yeeray Mada xweynihii hore ee K/Galbeed, Shariif Xasan Sh.Xasan oo noo muujiyay sida uu kaga xun yahay xarigga naloo gaystay, anagoo shaqada yna ku guda jirno.” Ayuu yiri Serjito.

      Shariif Xasan oo horey u soo noqday Gu doomiyaha GShBFS  ayaa haatan ah mushar ax u taagan xubinimada G/Shacabka, waana xilli K/Galbeed isku diyaarinayso inay qabato Doorashada Xildhibaanada G/Shacabka.

     Xarigga Saxafiyiintan ayaa imaanaya, iya doo K/Galbeed ay horaan ballanqaaday in Doo rashooyinka 2da Aqal ee BFS noqon doonaan kuwo daahfuran, xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Booqday Balli-Doogle

     Madaxweynaha D/G/K/Galbeed  Cabdica siis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Shalay gaa ray Xerada Ciidanka Cirka So omaaliya ee Balli-doogle ee G/ Sh/hoose.  Lafta gareen &wafdi giisa ayaa kormeer iyo Indha-in dheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xerada Balli-doogle, iya goo sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan howlaha tababarrada Ciidanka Kumaandooska ee Danab.

     Mda Lafta gareen ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa la kulmay saraakiisha Sooaaliyeed iyo kuwa ka socda Waddamada ay saaxiibbada nahay, isagoo kala sheekaystay howlaha tab abarka ciidamada ee halkaasi ka socda.

Dowladda Soomaaliya oo mar kale ammar tay in laga guuro dhulka War-laliska ee degmada Deyniile

       Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafin ta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa la gu faray dadka deggen dhulka War-laliska ee D/Deyniile inay muddo kooban ugu baxa an."W/Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay digniintii ugu dambaysa si inaysaa Dadka sida Sharci Daradda ah ku dagan Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile.

                                               

      Wasaaraddu iyadoo tixraacaysa Xeer Mad axwayne ee ku taariikhaysan 27 October wax ay wargalinaysaa Dowladda Hoose iyo Taliska Booliska G/Banaadir inay guda galaan laga bilaabo 15 ka Bisha Nov. banaynta Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee D/Dayni ile”.

    Dhowaan ayay ahayd markii ay Wasaarad du fartay dadka deggen dhulka War-laliska in ay isaga guuraan, waana markii 2aad ee ay ka soo baxdo wasaradu digniin noocan oo kale ah

Jadwalka kuraas ka mid ah Golaha Shacab ka oo lasoo saaray iyo Mahdi Guuleed oo…

     Guddiga maamulaya doorashada kuraasta Gobollada waqooyi ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan doorashada golaha sha cabka ee Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca G/ Waqooyi ee Somaliland.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa la gu sheegay in Shalay oo aheyd  29 Octoter la bilaabayo araaji qabashada musharixiinta laba kursi oo ka mid ah gobollada waqooyi, kuwaas oo lagu daah-furayo doorashada kuraasta gol aha shacabka ee Somaliland.

      Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in berri oo Sabti ah, kuna beegan 30 October la sam eyn doono hubinta & diiwaangelinta Musharix iinta u tartameysa HOP#237 iyp HOP#239.

Labadaan kursi ee la qabanayo doorashadoo da ayaa waxaa horay ugu kala fadhiyay Xil dhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Xildhibaan Biixi Iimaan Cige.

      Musharixiinta tartamata sidoo kale waxaa ka mid ah Mahdi Guu leed oo haatan ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, kaas oo loolan adag kula geli doono kursiga lambarkiisa uu yahay HOP #239 Xuseen Carab Ciise oo muddo ka tirsa naa baarlamaanka Soomaaliya.

     Mahdi Guleed haatan waa ninka labaad ee ugu saameynta badan doorashada gobollada waqooyi, waxaana ay in muddo ah ay is hay een, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

     Gobollada waqooyi ayaa noqonaya garabkii ugu horreeyey ee bilaabaya doorashada golaha shacabka oo dhowaan ka bilaabaneysa dalka, taas oo ka culus mida golaha aqalka sare.


Madaxa siyaasadda ururka AHLU-SUNNA oo shaaciey qorshahooda cusub (Aqriso)

     Madaxa siyaasadda ee xoogagga Ahlu Su nna Waljameeca ee dhawaan ka dagaallamay Galmudug ayaa shaaca ka qaaday tallaabada xigta oo ay qorsheynayaan kadib dagaalkii Guriceel.

Cabdisalaan Aadan Xuseen, ayaa sheegay in qorshahooda uu aha an doono sidii uu horay u ahaan ji ray.”Ahlu Sunna Waljameeca tala deedu way iska caddahay, horay ayayna u bay aaniyeen culimada iyo hoggaankuba,” ayuu yiri.

     "Ahlu Sunna taladeeda waa in fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ummadda Soomaali yeed ka dul qaadaan, dadkooda iyo shacabko odana ay u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baah daan,” ayuu yiri madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna.

     Aroornimadii hore ee maalintii Arbacada ay ay ciidamada Ahlu Sunna ka baxeen M/Gurice el ka dib dhowr maalmood oo ay halkaas ku da gaallamayeen iyaga iyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka.

      Cabdisalaan ayaa wareysiga uu BBC-da siiyay ku sharraxay sababta keentay in ciidam adooda ay ka baxaan magaalada Guriceel.

      "Ahlu Sunna Waljameeca mar asta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ay ay ku baaqeysaa, Ahlu Sunna iyadoo u tureysa shacabka reer Guriceen iyo umadda Soomaal iyeed ayay go’aansatay inay bannaanka uga baxdo magaalada Guriceel,” ayuu yiri.

      Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raac iyay: "Dowladdu way jabisay heshiiskii Guriceel looga soo baxay.

      Haddaba muxuu yahay qorshaha xiga ee Ahlu Sunna?

Isla qodobkaas isagoo faahfaahinaya ayuu Cabdisalaan yiri: "Dagaalkeennu hal qolo ayuu ku wajahan yahay, dagaalkeennu wuxuu ku wa jahan yahay a-Shabaab, waxa uu qorshahee nnu yahay inta kale oo dadka Soomaaliyeed ah ma u qalmaan inay dhintaan inaan dilnana uma qalmaan.”

       Billowgii bishan October ayay soo cusbo onaatay colaadda Galmudug kaddib markii ay xoogag daacad u ah ururka Ahlu Sunna ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir la wareegeen magaalada Guriceel.

      Dadka dhaliilsan siyaasadda kooxdan ayaa ku eedeeyay in tallaabada ay qaadeen ay tah ay mid looga gol leeyahay sidii ay ku heli laha ayeen saameyn siyaasadeed, laakiin madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeyntaas, waxa uuna sheegay in kuraasta mar walba ay yihiin kuwo lagu kala qaybsado qaab qabiil”.

       Dhowr jeer oo hore ayuu isku dhac dhex maray ciidamada HLU Sunna iyo kuwa dowlad da federaalka kaddib markii ay madaxdu isku khilaafeen arrimo siyaasadeed.

     Marar kala duwan ayay socon waayeen he shiisyo ay galeen labada dhinac oo mid walba uu kan kale ku eedeeyo ku xad gudubka wixii la isku afgartay.

Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo khasa are geystay oo ka dhacay deegaano ka tirsan G/J/hoose                           

           Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dag aalo khasaare geystay oo ka dhacay deegaa nada Taabta iyo Kulbiyoow oo ka tirsan G/Jub bada Hoose.

      Dagaalada ayaa yimid kadib markii askar ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab weerare en Saldhigyada ay ku leeyihiin ciidamada AMI SOM gaar ahaan kuwa Kenya deegaanada Kulbiyoow iyo Taabta.

      Weerarada ka dhacay de egaanadaasi ay aa  waxaa la isku adeegsaday hubka no ocyad iisa kala duwan, waxa ana lasoo wariyay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh oo kala gaaray dhinacyada dagaala may.

      Dadka ku dhaqan deegaanada Taabta iyo  Kulbiyoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana hubka culus iyo kuwa fudud la isku adeegsaday intuu dagaalka socdayna ay dareemayeen casbi xoogan oo la xariirta iney waxyeelo kasoo gaarto rasaasta dagaalka.

     Saraakiisha ciidamada Kenya ee gobolka Jubbada Hoose wax faah faahin kama bixin we eraradaas, hayeeshee dhowr jeer ayay Al-Sha baab weerareen Saldhigyada Ciidamada Ken ya ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sheikh Shaakir Oo Markii Ugu Horreysay Warbaahinta La Hadlay Tan Iyo Markii Guriceel Lagala Wareegay

     Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan hogg aamiyaha Ahlu-Sunna ayaa tan iyo markii lag saaray M/ Guri-ceel ee G/Galga duud waxaa markii ugu horreysay uu ka hadlay sababaha ay uga bexeen Magalaadaasi.

Sheikh Shaakir oo Wareysi bixi yay ayaa DFS waxaa uu ku eedeeyay in ay we erar ku qaadday Guriceel, isagoo intaa ku dar ay in ay Ciidan farabadan ku daabushay Mag aaladaasi.

    Waxaa uu sheegay sababta ay uga baxeen Guriceel in ay tahay Codsi kaga yimid ganacs atada Magaalada, Culimada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolkaasi.

Waraysiga oo uu dhinacyo badan kaga hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Dowaldda Feder aalka ah ee Soomaaliya ay kula dagaalaantay Ahlu-Sunna hubkii loogu talagay in Al-shabaab lagula dagaalamo.

      Hadalka Sheikh Shaakir ayaa imaanaya iy adoo maalin ka har xoogagga Ahulu-Sunna la ga saaray magaalada Guriceel, kadib dagaal la gu riiqmay oo afar maalin socday, kaasi oo kha saaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay

Mahad Salaad oo arrin yaab leh usoo jeediyey Sheekh Shaakir

     Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlay xiisadda u dhaxeysa dowlad gobo lee dka Galmudug iyo Ururka Ahlu-Sunna ayaa be eniyey in wadahadallo ay u soc daan Galmudug iyo hoggaanka Ahlu-Sunna, isa goo ka sheekee yey qaabkii ay ciidamada Sheekh Shaa kir uga baxeen Guriceel. Ma had Salaad ayaa sheegay in Sh.Shaakir uu ciidankiisa uga dhu untay daga alkii Guriceel, kadib markii ay xaal addu ku ad kaatay, waxuuna sharaxaad ka bix iyey qaabkii uu uga baxay Guriceel, iyadoo ay ka dhex dagaalamayaan ciidamadiisa.

      "Markii dagaalku xoogeystay ayuu Sheekh Shaakir wacay culumo ku sugan Gaalkacyo, ni mankaasna waxay soo waceen Xildhibaano iyo Senatarro aan anigu ku jiro, waxay naga co dsadeen in wadaadka iyo ciidankiisa wado ay ku baxaan la siiyo, seddax saacadood ayaa loo qabtay, kaligiis ayuu baxay ciidankiina dag aalkii ayuu gala yiri,” ayuu yiri Mahad Salaad.

      Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in  Sheekh Shaakir uu ku sugnaa deegaanka Huu rshe maalmihii dagaalka adag ay Guriceel ku wajahayeen ciidamadii uu ka soo uruuriyey de egaanada miyiga ah, sida uu sheegay.

       "Hadii jzhaad meesha yaallo muu yimaado oo isagu ku dhinto, marka uu wiilasha isku ley naayo,” ayuu yiri Mahad Salaad oo hadalkaan ka jeediyey kulan ka dhacay gudaha degmada Guriceel.

       Sidoo kale waxa uu sheegay in Sheekh Shaakir uu ka been sheegay maamulka Galmu dug oo aysan jirin cid wadahadal la gashay ama la hadli doonta.

       "Beenta uu ninkaas ku hadlaayo qof bini’ aadan ah ma qiyaasi karo, waxuu sheegay in wadahadal uu uga baxay Guriceel, laakiin nim an odayaal ah oo is xilqaamay ayaa ciidankii uu meesha uga dhuuntay ka bixiyey si loo ba dbaadiyo, markii ay gaareen Bohol ayuu ka soo baxay howdka, waxuuna ugu sheekeeyey in wadahadal ay la galeen maamulka, wax ka ji rana maleh oo cid la hadashay ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mahad Salaad.

Al-shabaab oo xukuno kala duwan ku fulisay sadax rag ah

     Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala degmada Kuntawareey ee gobolka Sh/hoose, waxay ka fuliyeen sadax xukun oo kala duwan. Xukunka koowaad ayaa waxaa lagu fuliyay nin lagu magacaabi jiray Xa san cabdi Aamey oo la sheegay inuu kufsi u ge ystay haweeney, isagoo horay usoo maray guur wa xaa na lagu dilay dha gax.

 Xukunka labaad ayaa wa xaa lagu fuliyay eedeysane kale oo aanan la shaacin mag aciisa, kaasoo ay Shabaab ku ee deeyeen in uu ka tirsanaa cii damada dowladda Soomaal iya, islamarkaana ay kusoo qabteen dagaal ka dhacay Sh/hoose.

      Waxaa sidoo kale Al-shabaab ay Dorraad xu kun gacan goysmo ah ku fuliyeen nin dhaliny aro ahaa oo ay sheegeen inuu ku kacay ama lagu soo qabtay fal tuuganimo ah, waxaana la ga gooyay mid ka mid ah gacmahiisa.

      Goobta Al-shabaab ay ku fuliyeen xukunad an kala duwan waxaa ku sugnaa boqolaal da dweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha degm ada Kuntawareey ee gobolka Sh/hoose, kuwa as oo usoo daawasho tagay xukunada ay fulin ayeen Al-shabaab. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dagaa lamayaasha Al-shabaab xukuno noocaan oo kale ah ay ka fuliyaan deegaanada ay ku sugan yihiin.


QOOR QOOR oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta taageeray AHLU SUNNA

       Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan Gu riceel ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, wuxuuna sheegay in markale aysan aqbali do onin inay soo laabato dhibaatadii ka dhacday Guriceel.

      Qoor Qoor ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay taageerayeen ‘ca dow’ uu tilmaamay inay kasoo horjeedaan hor umarka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

      Sidoo kale wuxuu tilmaamay in siyaasiyiin ta taageeray Ahlu Sunna la bartay, isla-markaa na ay qaadeen waddo aan habooneyn, sida uu hadalka u dhigay.

      "Annaga na dhaliila oo xitaa been naga she ega siyaasadda ayaa iska ah waxyaabaha qa arkood laakiin nuuca aad tihiin hadda waa la id in bartay ee dadka ha isa sii barinina, Dowladn imada, Sharciyadda & Wadajirka Galmudug difaacda, qof qaldana xumaan aad wadato & xil aad raadineyso oo si xun u fakireyso haku saacidin” ayuu yiri Qoor Qoor.

      Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray hoggaanka Ahlu Sun na Waljamaaca wuxuuna ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadda ay weli heestaan.

      "Dadka hubeysan ee duurka galay haka fa aiideystaan fursadda aan siinay” ayuu markale yiri Axmed Cabdi Kaariye.

     Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyey inay ga can bir ah ku qaban doonaan cid weliba oo isku deyda inay carqaladeyso Galmudug, isla-markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu soo gabagaboobay dagaalkii ka dhacay Guriceel, kadib markii ay magaaladaasi isaga baxeen xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugnaa halkaasi.

Maamulka GALMUDUG oo amar culus soo saaray, kadib dagaalkii magaalada Guriceel

      Wasaaradda amniga Galmuudg ayaa soo saartay amar culus oo la xiriira amniga M/Gur iceel ee G/Galgaduud, halkaas oo ay Dorraad ci idamada maamulkaas iyo kuwa dowladda ay kala wareegeen xoogaga Ahlu Sunna.

     Wasiiru dowlaha was aaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay wariyeyaa sha ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya qof aan ciidan aheyn aysan hub ku dhex qaadan karin Guriceel, isagoo sheegay in la xaqiijiyey amniga degmada.

      Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in am niga magaalada ay u xil-saareen laba koox oo baaris dheeraad ah ku sameynaya goobihii la gu dagaalamay, si ay xaaladda u qiimeeyaan.

Waxa kale oo uu xusay in ka wasaarad ahaan ay soo saari doonaan xeer deegaanada Galm udug looga mamnuucayo hubka, si dadka hu beysan looga dhigo hubka.

     Ugu dambeyn ciidamada dowladda iyo ku wa daraawiishta Galmudug ayaa iyana ugu ba aqay inay ku sugnaadaan xeryahooda, marka laga reebo inay howl-gallo ku jiraan.

      Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada dag aallo qaraar oo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ka dhaceen Guriceel, kaas oo geystay dhimasho, dhaawac burbur & barakac.

Saraakiil iyo dagaal-yahano badan oo Al-Shabaab ah oo ku dhintay qarax baabuur

      Wararka aan ka heleyno koonfurta gobolka Mudug waxay sheegayaan in ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo sar aakiil ay ku jiraan ay ku geeriyoodeen qarax mi ino oo haleelay gaari ay la socdeen.

      Gaariga uu qaraxu haleelay oo la sheegay inuu nooca dagaalka ahaa ayaa marayey dul eedka deegaanka Qeycad, wa xuuna ku sii jeeday deegaanka Bacaadweyn ee isla gobolka Mudug.

      Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa ilo dadka deegaanka ah ayaa baahisay in xu bnaha Al-Shabaab uga dhintay qaraxaas ay is ugu jireen saraakiil iyo dagaalamayaal, kuwaas oo la socday hal gaari.

      Dadka reer miyiga ah ee ka agdhawaa hal ka uu qaraxu ka dhacay waxay sheegeen in no oca qaraxaas uu ahaa miino dhulka lagu aas ay, islamarkaana la rumeysan yahay in isla ko oxda Al-Shabaab ay meesha geliyeen.

       Al-Shabaab ayaa mararka qaar ku dhaca dabinada ay u maleegayaan dadka kale si ay u khaarajiyaan, waxaana sidaan oo kale horay ugu qarxay miinooyin ay u diyaariyeen



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip