Halkan ka aqriso w.wargeyska MOGTIMES 28-Oct-2021

0
Thursday October 28, 2021 - 08:23:18 in Wararka by
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan ka aqriso w.wargeyska MOGTIMES 28-Oct-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeerey Xarun ta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Wasaara dda Qorshaynta

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo dhiirigelinta Ma algashiga.

Kormeerka oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dardarg elin lahaa habsami u so codka adeegga ay dowladdu u hayso bulshada Soomaaliyeed, ayuu warbixinno kaga dhageystay masuuliyiinta xarumaha uu kormeerey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md.Cumar Maxamed Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Ra'iisul Wasaaraha kormeer kan, isaga oo la wadaagay hannaanka shaqo iyo horumarka ka socda Gobolka Banaadir.

Wasiirka Qorshaynta iyo dhiirigelinta Maalg ashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya M. Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu kormeer ku sameeyey qe ybaha kala duwan ee xarunta Wasaaradda oo di b-u-dhis ballaaran lagu sameeyey, iyadoo xiligas ay ka soconayen shaqoyinka maalinlaha ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarm ay masuuliyiinta iyo howl-wadeennada xarumaha uu booqday in la xoojiyo howlaha qaranka ay u hayaan, xiligaan uu dalku ku jiro doorashooyinka, si uusan gaabis ugu iman adeegyada ay bulsha du ka hesho. Isagoo ku bogaadiyey dadaallada ay dalka ugu adeegayaan masuuliyiin ta xaruma ha uu kormeerey. ---DHAMMAAD----

Xubno Ka Tirsan Gudiga Doorashooyinka Oo KormeerayXaruumo Loo Asteeyay Doora shada G/Shacabka

Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooy inka Heer Federaal (GHDHF) Maxamed Xasan (Ciro) oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gudiga maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya Yusuf Cabdulkadir Maxamed iyo Xubno ka tirsan Gudiyada Dooras hooyinka oo Maal mahan howlo shaqo u jooga Baydhabo, ayaa Shalay Kormeer ku tagey xar umaha loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada Gollaha Shacabka ee KGS, Sedax (3) Hool oo loo qorsheeyey in lagu qabto Doorashada Goll aha Shacabka iyo Xarunta laga sugayo Amniga Doorashada inta ay socoto .

Gudiyada Doorashooy inka ayaa sido kale Kulan la yeeshey Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Isla markaana Lagu war geliyay in dhawaan ay Bilaaban Doonan Doorash ada Gollaha Shacabka ,waxana Odayaasha dha qanka ay kula Dar-daarmeen in ay u Cadaalad falaan Musharaxiinta tartamaya.

Ugu danbayn, Gudiyada Doorashooyinka hee rar kooda kala duwan ayaa kulan Is-xogwareysi ah kula yeeshey Xaruunta Amniga Doora shooyinka Sarakiisha Ciidamada Booliska qey bahooda kala Duwan kuwaas oo hada ku Howlan Sugida Amaanka Doorashooyinka .Gudoomiyaha GHDHF Maxamed Xasan (Ciro) ayaa Bogaadi yey Qaabka Wanaagsan ee Loo Diyaariyey hoolalka iyo Sugida Amaanka Doorashada, Wuxuuna Sarakiisha Ciidamada Booliska qey bahooda kala duwan ka Codsadey in ay Guddiga Maamulka Doorashada Koonfur Galbeed kala Shaqeeyaan Sugida Amaanka , Ergooyinka iyo Gobaaha Codbixintu ay ka dhacayaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle & Madaxa Hay’ adda UNDP oo ka wada hadlay Horuma rinta iyo tayeeynta Maamulkaas.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirsha beelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay qaabilay Madaxa ugu sar eeya Hay’adda UNDP ee Somalia Jocelyn Mas on.Kulankaan ayaa looga hadlay Horumarinta iyo tayeeynta Hay’addaha Maamulka Hirshabeelle, iyo Hirgalinta Mashaariic wax ku ool ah.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Jocelyn Mason ayaa Sidoo kale isla afgartay in la joogteeyo kulamada si loo xoojiyo shaqooyinka Wasaara daha.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo qaabilay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorshyenta, Maalgashi ga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxa med Xasan oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gud diga Sare Hay’adda Istaatis tikada Qaranka Md.Asad Yuusuf Qanyare iyo Agaa simaha hay’ adda Mudane Sharma’arke Faarax ayaa la kul may Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Anders Tho mes waxa uu cadeeyay in ay ka go’an tahay ta ageerada dowladda ee ku aaddan Sameynta Tirakoobka dadweynaha iyo guryaha Soomaaliy eed sida ku cad sharciga Istaatistikada ee 2020.

Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Qaranka Md Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hay’adda Istaatistikada Qaranka ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo Tirakoobka dadweynaha Soomaaliyeed, iyada oo laga samaynayo guud ahaan dalkeennu oo dhan, taasoo furo u noqon doonta doorasho qof iyo cod in ay waddanka ka dhacdo iyo in la ogaado tirada guud ee dadka Soomaaliyeed,

Kullanka waxaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo dar-dargalin lahaa tirakoobka dadweynaha iyo guryaha Soomaaliyeed isla markaana laysla eego caqabadaha ku xeeran si loo helo tirakoob hufan.

Dowladda Federaalka Oo Shalay Gargaar Deg-Deg Ah U Dirtay Guriceel

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Gargaar deg deg u dirtay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal qaraar oo sababay in gabi ahaan dadkii Magaaladaas ay barakacaan.

Wasiirka Gargaraka iyo Maareynta Musiibooyin ka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarka oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu Guriceel gaari doono Shalay iyo berri oo khamiis ah.

Gargaarkaan ayey Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ku sheegtay in loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadkii ku barakacay Colaadii maalmihii lasoo dhaaftay ka jirtay Magaalada Guriceel oo u dhexeeysay Ciidanka dowladda iyo Ciidanka Ahlusunna ee halkaas joogay. ummanaan qoys oo ka barakacay Guriceel ayaa xiligaan waxaa ay xaalado adeg ku waja hayaan degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay aadeen, waxaana Maamulka Galmudug uu sheegay in Gargaar la gaarsiin doono dadkaas, sidoo kalena ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Xaaladda M/Guriceel ayaa Shalay si caadi ah ku soo laabatay, waxaana waaberigii hore ee Shalay ee halkaas isaga baxay Ciidankii Ahlusu nna Waljamaaca ee dagaalka la galay Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo lixaad leh ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay Magaalada Guriceel oo soo kala gaaray dhin acyadii dagaalamay, isla markaana waxaa xusid mudan in dadka dhintay ay ku jiraan Saraakiil Cii dan, Askar & dad shacab ah

Wasiirka Amniga Gudaha oo kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Maxamad Nor ayaa Shalay korm eeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliy eed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha booliska.

Wasiirka ayaa warbi xin ka dhageystay Tal iyaha Ciidan ka boo liska Soomaali yeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraaki isha kale ee Bool iska, kuwa asi oo ka hadlay xaalad da guud ee amniga iyo qor sheyaasha Booliska uga degsam xoojinta iyo sugidda Nabadgelyada.

Md.Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kula dar daarmay Saraakiisha Booliska adkeynta amniga gaar ahaan goobaha doorash ooyinka, maadaa ma dhawaan la guda geli doono doorashada kur aasta Golaha Shacabka, waxaa na uu kormeeray qeybaha xarunta Taliska Boolis ka Soomaaliyeed

Dil Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa arroor nimadii hore ee Shalay gudaha degmada Kaa raan ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirs anaa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar aha an kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Mini shiibiyada.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u she egay in dilka loo geystay Askariga uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Sarta Koofiga ee degmada Kaaraan, isagoona u geeriyoo day xabbado dho wr ah oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Raggii ka dambeeyay falka dhaca oo watay Bastoolado ayaa goobta si deg deg ah uga baxs aday, isla markaana waxaa sida cadaada aheyd goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska DFS.

Ciidamada Booliska ayaa qaaday Meydka Askariga la toogtay ee ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada, mana jirto cid loo soo qabtay dilkaas Shalay ka dhacay degmada Kaaraan. Ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dha ca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta ba dan dilal ka dhaca Muqdishosheegta Al-shabaab.

Xigasho:-radiodalsa.n.com
Halkee fariisin ka dhigteen ciidamada Ahlu-Sunna kadib ka bixitaankoodii Guriceel?

Ciidamada Ahlu-Suna ayaa Shalay ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa

Galmudug oo isku dhinac ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidanka Ahlu-Suna ayaa waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi galbeed 35-KM uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ahlu-Suna ayaa deegaankaas fariisin uga dhigtay si ay u bilowdaan wada-hadalo dhexmara hogaanka ururka iyo maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Qoor-Qoor, oo kal hore natiijo la’aan kusoo dhamaaday, sida laga helayo ilo xogagaal ah oo ka agdhow hogaanka Ahlu-Suna.

Sidoo kale xiriir aan la sameeynay mas’uuli yiin iyo saraakiil ka tirsan dhanka maamulka ayaa iyaguna sheegay in uusan jirrin wax wadahadal ah, balse ay jiraan ganacsato qaab qabiil magaa lada uga saartay ciidankii u dagaalamayey Ahlu-Suna.

Ganacsade Xaashi Carabeey ayey dad deega anka Balicad ku sugan xaqiijiyeen in uu la socday ciidanka Ahlu-Suna, waxaana lagu soo waram aya in uu garwadeen ka yahay wada-hadalada iyo dadaalada lagu xalinayo xiisada uu ka dha shay dagaalka Guriceel.

Xigasho Caasimada Net

Warbixin: Maydad kale oo lagu arkay goobi hii lagu dagaalamay ee Guriceel

Wararaka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maydad kale lagu arkay goobihii lagu dagaalamayay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, kadib mar kii ay ciidamada ururka Ahlu-Sunna Waljaam aca ay isaga baxeen sal dhigyadii ay ka fadhiyeen Guriceel.Qof tagay goobihii lagu dag aallamay ayaa BBC-da u sheegay inuu indhihiisa ku arkay maydadka sideed ruux oo dhamaantood ay rasaas ku dhacday intii uu dagaalku socday.

Maydadka lagu arkay goobihii lagu dagaalamay gaar ahaan aaga suuqa waxa ku jiray qof du mara.

Illaa hadda lama hayo tirakoob saxa oo ku saa bsan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dag aalka Guriceel, balse illo deegaanka ah iyo kuwa ciidamada ah ayaa laga soo xigtay in dad ka badan 30 qof lagu dilay dagaalka sabtidii Guric eel ka bilowday soona gaaray illaa Dorraad, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Maxaa ka jira in Puntland ay Ahlu-Sunna ku garab siisay dagaalka?

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka ja waabay eedeymo si hoose loogu jeedinayey to dobaadyadii u dambeeyey, kuwaas oo la xariira xiisadda ka aloosan Galmudug, waxayna dad ba dan oo reer Galmudug ah qabaan in Puntland ay Ahlu-Sunna ku gacan siineyso dagaalka ay kula jirto dowlad goboleedka Galmudug. Gudoomiy aha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Mu use Nuur Sanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan wax taageero ah siin ururka Ahlu-Sunna ee dagaalka kula jira dowlad goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in Punt land ay jeceshahay wanaagga deeriskeeda Galmudug, isla markaana aysan suurta gal aheyn inay taageerto kooxo liddi ku ah jiritaankeeda.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in jiritaanka Galmudug uu muhiim u yahay am maanka iyo iskaashiga labada maamul, "Jiri taanka Galmudug waxuu noo yahay wanaag, wa xaan nahay dad walaalo ah oo wada degan oo dowlad dhiska Soomaaliya qeybtooda ka qaad anaya, waa been abuur in aan taageero siinay cid aan dowladda Galmudug aheyn,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.

Waxa uu sheegay in Galmudug ay ka kaa shadaan la dagaalka cadawga Soomaaliya ee Al-Shabaab, "Dadweynaha Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in eedeynta noocaas ah aysan ahe yn mid Galmudug ka timid, laakiin waa macquul in dad reer Galmudug ah lasoo dhex-marsiiyey, waa eedeymo meelo kale laga soo maleegay, ba lse waxaan cadeyneynaa inaan aad uga xunahay dagaalka ka dhacay Guriceel,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Sanyare.

Sidoo kale waxa uu sheegay in reer Galmud ug looga baahan yahay in khilaafka dhexdooda ka jira ay xalistaan, "Waxaan jecelnahay reer Gal mudug gudahooda wixii ka jira inay xalistaan, dowladbaa u dhisan, inta is kaalmeystaan xalista-baan leenahay arrimihiina, wixii kalena waan iska kaalmeysan karnaa, sida la dagaalanka cada wga, sidiibaan walaalo idinkugu nahay, waxaan idinku garab taaganahay inaad cadawga la daga alantaan,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland isagoo sii hadlayey waxuu yiri, "Ma ogolin in been abuur nagala sameeyo oo cid aanaa cadaw u aheyn cadaw nalooga dhigo, hal cadaw ayaan leenahay halkaas cadawna waa argagixisada, waa inay sii jirtaa walaaltinimadeena oo tuhun meelo qaldan laga soo tuuray uusan nasoo dhex-gelin.”

Dad badan oo reer Galmudug ah ayaa maa lmihii u dambeeyey hadal hayey in Puntland ay garab siineyso culumada dib isusoo abaabushay ee Ahlu-Sunna.

Dhankiisa madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa Dorraad sheegay inay jiraan dhin acyo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib garab sii naya Ahlu-Sunna, inkastoo uusan carabka ku dhufan qolo gaar ah, hadana waxa uu balan qaa day inay dib ka soo shaaci doonaan cidda Ahlu-Sunna ku taageereysa inay ku soo duusho Galmudug.

Taliye Cusmaan Hudeey oo wacad ku maray aargoosi iyo cafis la’aan

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Guriceel, Dhamme Cusmaan Cali Hudeey ayaa markii u horeysay ka hadlay ka bixitaanka Ahlu-Sunna ee degmada, kadib da gaal maalmo qaatay oo dhe xmaray labada dhinac. Taliye Dhamme Hudeey ayaa wacad ku maray inaysan ka hari doo nin cidkasta oo gacan siisay Ahlu-Suna, aysan ogaalan doonin inay si nabad ah ku joogan gudaha degmada Guriceel, sida uu shee gay.

"Degmada Guriceel amaankeeda guud ahaan waa la xaqiijiyey, ciidamada dowlada federaalka qeybahe eda kala duwan iyo kuwa Gal mudug ayaa xaqiijiyey, waxaa leeyahay shacabka gur yihiina kusoo laabta,” ayuu yiri Taliye Hudeey.

"Nidaamka dowliga ah waa midka keliya ee umadda deeqa, waa midka cid walba ay rabto in nidaam dowli ah hesho, umaddaana iyada oo degan oo nabada iyo nimco haysata ayaa waxa soo gaaray dad dowlad diid ah oo dhibaato u geystay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba ay ka tanaasuli doonin nidaamka dowliga, isaga oo bulshada kala duwan ee degmada Guriceel ugu baaqay difaaca nidaamkaas iyo ka shaqeynta amaanka.

"Waxaa rabaa in aan halkan ka cadeeyo cid walba oo dhibaatadii bulshada degmada Guriceel loo geystay ka garab shaqeyneysay kama har eyno, haddii ay af ku taageertay iyo haddey cod ku taageertay iyo hadday awood ku taageertay gacanta. Tallaabo adag ayaa ka qaadi doona mana aqbali doono middaas.”

Ugu dambeyntiina waxa uu dalbaday in dadkii boobey saldhiga degmada Guriceel ay si dhaqso ah usoo celiyaan agabka ku maqan, kaasi oo la bilileqaystay markii ay Ahlu-Suna iskaga baxday degmada.

Sahan Research oo jawaab kasoo saartay GO’AANKII Maxkamadda G/BANAADIR

Hay’adda cilmi-baarista ee Sahan Research ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay Dorraad gaartay Maxkamadda Gob olka Banaadir oo xukun xabsi shan sano ah ku riday agaasimaha hay’ad da Matt Bryden oo hadda ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sahan Research ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay xukunkan, isla markaana uu shaki uga jiro kalsoonida lagu qabi karo hannaanka caddaaladda ee la maray iyo tusaalaha ay bixinayso.

Waxay sheegtay Sahan Research inay rac faan ka qaadanayso go’aankan inkastoo aysan caddayn sida racfaankaas u meelmari karo maa daama nidaamka garsoorka Soomaaliya yahay shaqo weli socota oo aan dhammaystirnayn.

Sahan Research waxay sheegtay inay ku far axsan tahay cilmi-baaristeeda iyo falanqaynta ay samayso ee ku saabsan dhismaha nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.

Waxay sheegtay in warbixinadooda u furan yihiin dadweynaha, qofkii danaynaya uu qiimayn tiisa ku samayn karo, ayada oo intaas ku dartay inaysan u baahnayn inay sharci jebiso si ay xog u hesho, islamarkaana aysan marna sharci jebin.

Sahan Research waxay ku tilShalayy dawcadda ka dhanka ah inay ahayd mid ay saamayn xoo ggan ay ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay sheegtay inay rajaynayso ayna filaya an in codadka madaxabannaan ee Soomaaliya oo ay ku jiraan hay’adaha cilmi-baarista, warbaah inta, iyo beesha caalamka oo shaqadooda tag eera ay xukunkan u arki doonaan inuu calaamad u yahay inay dawladda Soomaaliya ku siqayso keli-telisnimo, ayna aad uga shaqayn doonaan sidii loo ilaalin lahaa dimqoraadiyadda.


Ganacsatada Soomaalida ee Turkiga oo lagu bilaabay beegsi ka dhan ah ganacsiyadooda

Warbixin ay soo saartay hay’ad fadhigeedu ya hay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ay dha waanahan boo liisku bartil maameed ka dhigteen, taasoo ay ku sheegeen inay tahay olole lagu dhibaataynayo.

Xaafadda Kizilay, oo ay ku yaalaan dukaamo iyo maqaax iyo badan oo Soomaalidu lee dahay, ayaa si gaar ah qeyb uga ah olol aha as, iyadoo Soomali badan lagu amray in ay ganacsiyadooda xiraan.

Maxamed Ciise Cabdullaahi oo ah mul kiilaha maqaayad kutaalla xaafadda Kizilay, ayaa shee gay in 8-dii Sebtembar booliiska Tur kigu ay bila abeen inay Soomaalida ganacs iyada yaryar bar tilmaameesadaan.

Maalmo ka bacdi booliska ayaa xabsiga u tax aabay ganacsato Soomaali ah oo uu ka mid ya hay Cabdullaahi, iyaga oo markii hore geeyey sal dhig boolis, kadibna geeyey taliska ciidanka boo liska ee caasimadda.

Wuxuu sheegay iyagoo aan wax sharrax aad ah la siinin, dembina lagu soo oogin, in laba ha been lagu xidhay qol aanay jirin meel ay fadhii staan, isagoo sheegay in mid ka mid ah maxaa biista loo diiday daawadiisi-taas oo uu ku tilm aamay sharci jabin.

Dhibaatooyinka Soomaalidu ku wajahaya an dalka Turkiga, ayaa ku soo beegmaya iya doo ay sare u kaceen dareenka ka dhanka ah ajaaniibta iyo qaxootiga ee ka dhex jira bul shada Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa wuxuu hadda martigel iyaa in ka badan afar milyan oo qaxooti Suuri yaan ah, iy adoo kuwa kaloo bandanna ay ka dhigtaan mar in ay doonayaan inay yurubta kale kaga talla abaan.

Axmed Hussen oo loo magacaabay wasiir ka guryeynta Canada

Raysal wasaaraha dalka Canada Justin Tru deau ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirada oo ka kooban 38 wasiir oo kala bar ay dumar yihiin.

Golaha wasiirada ee uu magacaabay raysal wasaa raha dalka Canada waxaa markii sadaxaad kasoo dhex muuqday Axmed Xus een Axmed oo Soomaali Canadain ah, kaa soo loo magacaabay wasiirka Guryenta kala du wa naanshaha iyo kawada qeyb galinta Canada.

Axmed Xuseen ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka Canada, waxa uuna dal ka Canada ku yimid qaxooti ahaan isaga oo 16 jir ah ka hor inta aanu qareen iyo lataliye u no qon Ra ysal wasaarihii hore ee dalkaasi Can ada Ontario Dalton McGuinty.

Dad badan ayaa rumeysan in wasiiradaan cu sub ay horyaalaan waxyaabo badan oo uu ugu horreeyo la tacaalidda xanuunka saamey ay dalka Canada iyo guud ahaan Caalamka oo dhan ee COVID-19.

Siyaaradii Sheekh Cabdi Celi oo laga taa gay calanka ‘Yaa Xuseen’ ee Shiicada +

Mashaa’iqda iyo culumaa’uddiinka Soo maaliyeed ee ka qeyb galay siyaaraddii caa limkii Sheekh Cabdi Celi oo guud ahaan gob olada Soomaaliyeed la isaga yimaado siya araddiisa laguna qabto degmada Warsheekh ayaa sanadkaan mashaa’iqdii iyo dadkii kasoo qeybgalay ay fajac ku noqotay in laga taago calanka Shiicadda ee "Yaa Xuseen”.

Waa halis iyo dhaawac diimeed oo kusoo fool leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo soo maro xarumihii diimeed ee taariikhiga iyo cilmiga laga soo aflaxay.

Siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi oo ku beeg neyd bishii hore ee Zako ayaa dadkii ka qeybg alay bannaanbixii siyaaraddii ay mar qura ku baraarugeen in calankii Shiicadda laga taago barxadii bannaanbaxa siyaaradda, taasoo faja ciso ku noqotay culumadii iyo dadkii kale ee ka soo qeybgalay.Calanka Shiicada oo astaantisu tahay Gaduud dhexda ugu qoranيا حسين‎ ayaa markii qaar ka mid ah dhasha culumo ee la qa dariyo ee xerta Warsheekh dadkii lasoo dhex galeen calankaasi waxaa ka dhashay buuq iyo in dadkii ka qeybgalay hoos ka guuxaan iya doo arrintaani ay noqotay mid kala qeybisay culumada iyo dhasha Sheekh Cabdi Celi.

Arrintaani ayaa loo arkaa inay tahay mashr uuc cusub oo mad’da’a shiicada lagu gaars iinayo xerta iyo cid kasta oo ka qeybgashay siy aaraddii Sheekh Cabdi Celi. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhasha culumo ee degmada Warshiikh lasoo marsiiyay mashruuc cusub oo ka yimid Shiicadda, taasina ay keentay in si bayaxan calanka Yaa Xuseen laga taago siyaaradda Sheekh Cabdi Celi.

Dadkii ka qeybgalay siyaaradda iyo intii daawaday ayaa aad ugu xumaadeen in Siyaarada Sheekh Cabdi Celi oo la ogsoon yahay in uu udub dhexaad u ahaa faafinta diinta iyo soo saarista mashaa’iq kala duwan oo ka aflaxay mowlacyadii Sheekha in xiligaan Shiico lala xerto oo calankoodii Warsheekh laga taago.

Arrintaani ayaa waxay dhaawacaysaa sumcadda iyo kaaramadii magaca Sheekh Cabdi Celi oo guud ahaan bulshada afka So omaaliga ku hadasha ay ixtiraam iyo sumcad ay u hayaan, sanad walbana dhulka Soom aaliyeed looga wada yimaado siyaaraddiisa.

Sidoo kale kook ka tirsan xerta Sheekh Cabdi Celi ayaa iyagoo wata calanka Shiicadda wa xay damceen inay la galaan madxafka deg mada Shibis oo kulan diineed uu ka socday, balse laga hor istaagay inay la galaan calanka, halkaasina uu buuq iyo kalsooni daro ay soo kala dhex gashay xertii labada dhinac.

Qaar ka mid ah culumada degmada Warshe ekh ayaa inoo xaqiijiyay in tallaabadani ay xerta Sheekha iyo bahwadaagtooda ay ku kala qeybsameen, haddii aan xal lag gaarina faraha kasii bixi doonto oo mabd’a Shiicadda uu baabi’in doono raadkii taariikheed ee Sheekh Cabdi Celi iyo taariikhda diineed ee degmada Warsheekh.

Waxaa halkaan idiin kugu soo gudbine ynaa muuqaal Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil uu ku sharxayo mab’da Shiicada iyo firqadaha ambaday ee caqiidada Islaanimo iyo waxyaa baha ay aaminsan yihiin iyo halista ku gadaa man mabda’a Shiicadda iyo kutubadooda, balse marka hore eega sawirrada calanka la taagay, kadibna daawo muuqaalka Sheekh Diri.

Reer Sheekh Cabdi Celi oo ka hadlay cida ka dambeysay calankii SHIICADA ee lagu dhex-arkay dhowaan

Sheekh Daa’uud Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi oo ka mid ah dhasha Sheekh Cabdi Celi ayaa ka jawaabay qoraal iyo sawirro kusoo baxay shabakadda Caasi mada Online oo ku saabsanaa in calanka Shii cadda laga taagay siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi ee degmada Warshiikh.

Sheekh Daa’uud ayaa sheegay in si qaldan degmada Warshiikh loo keenay calanka, isla markaana qofkii ka danbeeyay ujeedadiisa ay aheyd "Igu sawir”, balse goobta lagu qabtay oo ciqaabtii uu mudnaana la marsiiyay, degmada Warshiikh-na laga masaafuriyay.

Sheekh Daa’uud ayaa caddeeyay in caqiiq ada diineed ee Shiicada ay tahay wax la wada ogyahay islamarkaana ay haboon tahay in la is ka fogeeyo oo boog muslimiinta ku taal ay yih iin, wuxuuna intaa uu raaciyay in degmada Wa rshiikh ay tahay xarun diinka loo soo doonto, isla markaana cid laga aqbalaayo inaysan jirin in wixii diinta dhaawacaayo in lala soo galo.

Baaris la sameeyey ayaa lagu ogaaday in shaqsiyaadkii ka danbeeyay in calanka Shiica da lala soo galo siyaartii Sheekh Cabdi Celi in ay ahaayeen kuwo doonayay inay isku sawi raan si dhaqaale ugu helaan, ayaga oo ka faa’I ideysanaya tirada dadka badan ee imanaya siyaarada.

Waxaa sidoo kale la ogaaday in arrintan uu ka danbeeyay nin sheegta `wakiilka Shiicadda ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Cismaan Sheekh Cali "Dooro”, kaasoo qof wakiil ka ah aa uu calanka kusoo dhex qariyay bac madow, ka dibna uu ka taagay dhismo u dhow halka siyaarta ka socotay.

Ninkaas ayaa waxaa gacanta ku dhigay xe rtii siyaarta iyadoo markii danbe laga mamnu ucay inuu dib danbe u yimaado degmada War

shiikh.


HABARGIDIR OO SI KALA DUWAN UGA FALCELIYEY KA BIXITAANKA AHLU-SUNNA EE GURICEEL

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Habargidir ayaa si deg deg ah uga hadlay tallaabada ay Ahlu-Sunna Waljamaaca uga baxday magaalada Guriceel, oo maalmihii u dambeeyay ay kula dagaalamayeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda oo dhinac ah.

Siyaasiyiinta Cabdirax maan Cabdishakuur, C/xakiim Maalin iyo Maxamed Abtidoon ayaa ku bogaadiyay hogaanka Ahlu-Sunna inay aqbaleen dadaaladii nabadda ee odaayasha dhaqanka si loo joojiyo dagaalka.

Mahad Salaad ayaa qaab ka duwan siyaasiyiinta kale uga hadlay tallaabadaas, isagoona sheegay in Ahlu-Sunna looga adkaaday dagaalka, sidaasina looga xoreeyay magaalada Guriceel oo toddobaadyadii u dambeeyay ay gacanta ku hayeen.

HOOS KA AQRISO QORAALADOODA;

Xildhibaan Mahad Salaad: Kooxdii Burcad Diimeedka ahayd ee degmada Guriceel ku soo duushay waa laga xoreeyay. Alle ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay. Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa maamulka iyo shacabka degmada Guriceel, Ciidamada geesiyada ah ee Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka.

Waxaan uga tacsiyeynayaa shacabka reer Guriceel, saraakiisha iyo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka ee waxyeeladu ka soo gaartay Xasilintii degmada Guriceel. Intii dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawada ahna Allaha u boogadhayo. Aamiin.

Hadda waxaan ka shaqeynaynaa in shacabka si degdeg ah magaalada ugu soo laabtaan, loona fidiyo adeegyada caafimaad iyo kuwa nololeed ee lagama maarmaanka u ah shacabka reer Guriceel.

Midnimada Galmudug waa muqaddas, lama aqbali karo koox burcad diimeed ah in deegaan nabad ah inta xoog ku qabsadaan haddana ku gorgortamaan dhiiga dadkeena iyo jiritaanka dowladnimada Galmudug!

Xildhibaan Cabdixakiim Maalin: Waxaa soo idlaaday dagaalkii gardarrada ahaa ee ay deegaanno xasillan ku soo qaadeen kuwa doonaya in ay dano siyaasadeed ku gaaraan dhiigga dhallinyarada ay marin habaabiyeen.

Hayeeshee, waxa inoo taalla masuuliyad wayn oo ah inaan ka shaqeynno sidii aan dadkeenna mar kale colaad loogu adeegsan, looguna burburin mustaqbalkooda iyo kan deegaankooda.

Waxaan ka shaqeyneynaa in dhallimyarada dagaallada la geliyay ay sidaan si ka wanaags an ugu adeegaan dadkooda ayna ka qeybqa ataan la dagaallanka cadwga iyo horumarinta dowladnimada.

Cid kasta oo dooneysa in ay qori caaraddi xukun ku gaaraan lagama aqbali doono mana loo dulqaadanayo kuwa doonaya in ay dhiiga Saraakiisha, Ciidamada qaranka iyo Dhallinya radeena ku xaqiijiyaan ahdaaf iyo dano Siyaa sadeed.

Rabbi ha u naxariisto dadkii dagaalka ino oga dhintay, dhaawacana allaha bogsiiyo. Gal mudug waxa ay leedahay Hay’ado sharci ah oo lagu heshiiyay kuwaas ayaana looga danb aynayaa talada lagu maamulayo, reer Galmu dug waxaa looga fadhiyaa inay ilaashadaan dowladnimada ayna ka shaqeeyaan horumar ka deegaankooda.

Xildhibana Maxamed Abtidoon: Maadaama ay ciidankii Ahlusunna iskaga baxeen Guriceel iyadoon cidna awood ku muuquuninin ayna aq baleen soo jeedintii ka timid dadka samodoon ka ah ee reer Galmudug ayna dageen iyagoo sidoodii u uruursan meel aan ka fogeyn Guriceel.

Guuritaankooda waxay muujineysaa bis eyl, karti iyo awood markii ay ka tageen hubkii ay ka qabsadeen DF iyo Galmudug kuwii ay wateena ay la guureen. Haddaba Qoorqoor waxaa la gudboon in uu sida ugu dhaqsiyha ba dan u furo wadahadal kana shaqeenin magaa looyin hadda nabad ah inaysan u burburin sida Guriceel.

Waxaan u soo jeedinayaa samadoonnada iyo waxgaradka Galmudug inay u istaagaan colaad dambe inaysan Galmudug ka dhicin. Waxaan qabaa in maalmihii adkaa gabood fall adii dhacay lagula xisaabto ciddii masuuliyad da deegaanka lagu ogaa ee loo doortay si loo ogaado dhiiga dadka inuu muhiimad noo lee yahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan bog aadinayaa dadaalka ay ganacsatada iyo siyaa siyiinta Galmudug ku joojiyeen dagaalkii ka so cday Guriceel. Way habboonayd in dadaalladii la waday dagaalka ka hor ay mira dhalaan oo ay Ahlusunna banneeyaan Guriceel, si looga baaqsado dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka haatan dhacay.

Dagaalkii joogsaday kama dhigna col aaddii oo dhammaatay.

Colaaddu waxay dhammaanaysaa markii heshiis iyo isfaham laga gaaro wixii dagaalka keenay, taasina go’aan geesinnimo leh ayey u baahan tahay.

Hoggaanka Ahlusunna waa inay waaqiciy iin noqdaan oo ay aqbalaan dawladnimada Galmudug, damacooda siyaasadeedna nabad iyo wadajirka Galmudug ku raadiyaan, muujiy aanna inaysan caqabad ku ahayn dawladni mada.

Way arkaan in shacabka Galmudug ay dawladnimada ka doorbidayaan kooxaysiga. Hoggaanka dawladda Galmudug waa inuu la yimaadaa karti iyo dulqaad uu dadka ku deeqs iiyo dawladnimada.

Waa inuu guddi dib u heshiisiin magacaa bo, reer Galmudugna ay gacan ku siiyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdan dhowrka iyo tobanka sano soo taagan, si loo helo xasillooni siyaasadeed, salkana mudaca looga saaro.

Waa inuusan aargoosi dhicin, lagana sha qeeyaa in meesha laga saaro isku dhac noo can oo kale ah inuu yimaaddo mustaqbalka. Nabaddu qiimo badan ayey ku kacaysaa, laa kiin caaqibo wanaagsan ayey leedahay

Madaxweynaha Somailand Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socotay Hay’adda Qaxoontiga Adduunka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan ku la qaatay masuuliyiin sarsare oo ka socda hay ’adda qaxoontiga adduunka ee loo soo gaabiyo (UNHCR) oo uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika u qa abilsan Amb. Maxam ed Cabdi Affey oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wakiilka hay’adda u qaabilsan dalkaSoomaaliya, Magatte Guisse.Waxaana kulank aasi lagaga wada hadlay xoojinta xiriirkaka la bada dhinac iyo arrimo la xidhiidha qaxoontiga ku sugan Somaliland oo ay xukuumaddu u cadaysay weftiga inay hayaan dad ku dhaw 14,000-kun oo qaxoonti ah kana yimi dalalka gobolka iyo dalal ka baxsan mandaqada geeska.

Qodobada kulankaa lagu lafo-gurayna waxa ka mid ahaa xaalada guud ee qaxoontiga ku sugan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo meelayn lahaa.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay doorka ay hay’adda UNHCR ka qaadan karto yagleelida xeryaha qaxoontiga iyo saamaynta ay yeelankar aan xeryaha qaxoontigu marka loo eego mu staqbalka fog iyo habka ugu haboon ee loo diy aarin karo ama loona hayn karo qoxoontigaa,iya doo lagu dabaqayo aqoon iyo waayo aragnimo.

Ugu danbayntii waxa la isla gartay in arrintan loo saaro guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac oo soo gorfeeya hannaanka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo qaxoontiga.

Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wheel inaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga Caalami ga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud, Gudoomiyaha hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) iyo Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midooba Dr Maxamed Warsame Ducaale.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Shalay maxkamad la hor geeyay

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa Shalay Maxkamada Gobolka Maroodijeex la hor geeyay kadib muddo 2 bilood iyo 16 cisho ah oo uu ku jiray xabsiga Madheera, waxaana la sheegay in loo akhriyay dacwadaha loo haysto, oo ay ugu ho rayso eedo ay soo gudbisay Jaamacada Bar waaqo.

Hadaba Jamaal Xuseen Axmed Mandela oo ah garyaqaanka Coldoon u doodayay, ayaa hab ka dacwada loo maamulay sharci daro ku tilmaamay, waraysi uu Mandela BBC Somali siiyay ayuu ku sheegay in markii horena losoo qabtay hab sharciga baal marsan hadana maxkamad la geeyay isagoo aan waxba la ogaysiin.

"Cabdimaalik qaabkii loosoo qabtay waxaanu u aragnaa qaab sharciga baal marsan, marka la baad 60 cisho ayuu xidhanyahay, 7 dii cishaba in la rumaan gareeyo ayay ahayd, taasi may dhicin 60 cisho markii uu xidhnaa uunba iyada oo aan loo sheegin maxkamada la hor keenay, aniga iyo ehelkiisa toona manaan ogayn" ayuu yidhi Man dela.

Mandeela ayaa sheegay in Cabdimaalik iyo isagaba loo sheegay in arrintiisa lagu dhamayna yo hab dhaqan ah, isla markaana anay diyaar ba u ahayn in ay maxkamad ka doodaan, oo max kamada Shalay la horgeeyay ay tahay wax aan hore layskugu ogayn.

"Cabdimaalik markuu 7 cisho xidhnaa war baa soo baxay, waxaa loo sheegay in aan dac wadi jiri doonin oo arrintiisa qaab dhaqan ah oo ilaa heer madaxweyne la gaadhay lagu dhamayn doono, marka waxa naloo sheegay in aanu arr inta cagta u dhigno oo qaab dhaqana ku dham aan doonto, taasuu Cabdimaalik ku niyad samaa" ayuu yidhi Mandela.

Sida warbaahinta qaarkeed ay qorayso Coldoon ayaa Shalay loo sheegay in loo haysto, eedo ay soo gudbiyeen Shabakada dugsiyada Abaarso, khaasatan jaamacadda Barwaaqo ee katirsan shabakadaa, sida uu Mandela sheegayna looma ogolaan in uu maxkamada kahor la kulmo

ehelkiisa iyo qareenkiisa.


Booliska degmada guriceel oo xalay xilli dambe xiray wariye cabduweli tooxoow.

Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay xilli dambe xiray Wariye Cabduweli Tooxoow oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla deg aannada Galmudug.Ka hor xa riga Wariyaha ayaa waxaa la sheegay in uu u yeeray Taliyaha booliska degmada Guriceel dhamme Cusmaan Cali Hudey si uu wareysi uga qaado, balse uu xiray.

Sababaha loo xiray Wariyaha ayaa waxaa lagu sheegay tabintii wararkii la xiriiray hog gaankii Ahlusunna ee Dhawaan Guriceel isaga baxay.

Wariye Cabduweli Tooxoow oo horay ugu sugnaan jiray Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay ku sug naa Guriceel, isaga oo tebinayay dagaaladii halkaasi ku dhexmaray Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Waa markii labaad oo muddo bil Gudahood ah la xiro Wariye Cabduweli Tooxoow, iyada oo horaantii Bishaan lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug..

Midowga Africa Oo Qaadey Tallaabo Ka Dhan Ah Dalka Sudan

Midowga Africa, ayaa ka saarey dalka Sudan xubinnimadii iyo dhammaan hawlaha ururkani, illaa iyo inta lasoo celinayo dowlad kumeel gaar ah oo heysata sharciyad buuxda, oo uu dalkaasi yeesho. Waxaa lagu tilmaamey afgambigii dhacey Isniintii mid aan waaf aqsaneyn dastuurka.

Mudaaharaadyo loogga soo horjeedo la war eegista ciidanka military-ga talada dalkadan, ayaa ka socda maalintii saddexaad magaalada caasimadda Khartoum.

Ururada ganacsiga, oo matalaya dhakhaati irta iyo shaqaalaha shirkadaha shidaalka, ayaa sheegay sidoo kale iney ku biirayaan dibad baxyada.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa kula hadley taleefanka ra’iisal wasarihii xilka laga tuurey, kadib markii uu gurigiisa dib uggu noqdey.

Abdalla Hamdok, ayaa la xirey intii uu socdey afgambiga. Mr Blinken, ayaa mar kale ku booriyey ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan, iney sii daayaan hoggaamiyeyaasha rayidka ee u xiran.

Masaajidyo Iyo Guryo Ay Lahaayeen Dad Muslimiin Ah Oo La Gubay

Warbaahinta Hindiya oo soo xiganaysa Uru rka Culumada Muslimiinta ee gobolka buur aleyda ah ee Tripura ee dhaca waqooyi bari Hindiya, ayaa sheegay in lagubay Masaajidyo iyo guryaha ay lahayeen dadka Muslimiinta ah ee laga tirada badan.

Muslimiinta ku nool gobalka Tripura ayaa ka dalbadeen dawladda iyo mas’uuliyiintagobo lka inay tallaabo ka qadaan waxa ay ku tilmam een falalka mooriyaanimo ee diin naceybka ku saleeysan.

Wargayska Hindustan Times, ayaa sheegay in Ururka Culumada Muslimiinta ay mudaaharaad ka dhigeen xafiiska wasiirka gobolka, iyaga oo dalbanaya in Dowladda ay qaado talaabo lagu joojinayo weerarada lagu haya dadka Muslimiinta ah iyo goobahooda Cibaadada.

Dad ka soo horjeeda Diinta Islaamka ayaa weeraray masaajidyo iyo Xaafado ay degan yihiin dadkaMuslimiinta ah, kuwaasi oo ku ya alla galbeedka iyo waqooyiga gobolka tripura.

Mareykanka oo wada hadal la yeeshay ra’iisul wasaarihii la afgembiyay ee suudaan

Mareykanka ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken, uu khadka taleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaarihii ray idka ahaa ee Suudaan, kaddib markii uu Abdalla Hamdok ku soo laabtay hoygiisii

Mr Hamdok ayaa la xiray intii uu socday afgembigii militari ee dhacay Isniintii. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Blinken uu soo dhaweeyay sii deynta Hamdok,

Waxaa uu carabka ku adkeeyay baaqiisii ahaa in ciidamada qalabka sida ee Suudaan ay sii daayaan dhammaan hogaamiyayaasha rayidka ah ee la xiray afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Mudaaharaadyada looga soo horjeedo la wareegidda ciidamada ayaa socday ilaa Habe en hore, iyadoo dadweyne badan oo ku sug naa caasimadda Khartoum ay socod ku mar een, isla markaana xireen waddooyinka waa weyn.

Mar sii horeysay, hoggaamiyaha afgamb iga, General Cabdulfataax al-Burhan General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa isku dayay inuu qiil u helo afgambiga isagoo ku eedeeyay koo xaha siyaasadda inay shacabka ku kicinayaan ciidamada ammaanka.

Wuxuu kala direy dowladdii kumeel gaarka aheyd, isagoo ku dhawaaqey in dalkaasi la gal iyey xaalad deg dega


 


SOOMAALIYA

CALAAMAD GANACSIGA – OGAYSIISKA GUUD

 

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsi ee sare ay tahay astaanta ganacsiga:

DHL International GmbH, a German companyofCharles-de-Gaulle-Straße 20, 53113 Bonn, Germany

waxaana loo adeegsaday:

Dilaaliinta kastamka; gaadiidka; baakadaha iyo kaydinta alaabta; gaadiidka alaabta, gaar ahaan baakadaha, baakadaha, waraaqaha; macluumaadka gaadiidka; dallaalka xamuulka; saadka gaadiidka; adeegyada gudbinta; macluumaadka kaydinta; adeegyada raadinta iyo raadinta waraaqaha iyo baakadaha; gaadiidka xamuulka ee dhulka, hawada iyo biyaha; adeegyada ururinta baqshadda; adeegyada kaydinta baqshadda; gaarsiinta baqshadda; adeegyada raadinta iyo raadinta waraaqaha; adeegyada raadraaca iyo raadinta baakadaha; ururinta alaabta; keenista alaabta; adeegyada qaybinta; dabagalka iyadoo la adeegsanayo qalabka elektaroonigga ah ee alaabada, gaar ahaan dukumeentiyada, baakadaha, baakadaha, xarfaha iyo palette-yada, oo lagu daray fasalka 39; waraaqaha, xamuulka iyo adeegyada degdegga ah.

OGAYSIIS WAXAA KALE OGEYSIISAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip