HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MOGTIMES DAILY EE MAANTA OO AH ISNIIN 25KA OCTOBER 2021

0
Monday October 25, 2021 - 08:10:03 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MOGTIMES DAILY EE MAANTA OO AH ISNIIN 25KA OCTOBER 2021

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qa abilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Danjire Maxam ed Cabdi Afey ayaa ka wada hadlay xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannada Maamulka Jubbaland oo ay abaaruhu saameeyeen.

Kulankan ayaa daba socda baaq uu Ra’iis al Wasaaraha u diray hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamkan oo ku aadan in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubbaland iyo deegaanno kale oo dal ka ah.

Abaaro baahsan iyo biyo la’aan ayaa mudd ooyinkii dambe ka jirta inta badan deegaanada dowlad Goboleedka Jubbaland, isla markaana waxaa ay abaarta saameeyn xoogan ku yeela tay dadka iyo duunyada, iyadoo ay ku le’deen xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah.

Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saa ray dagaalka Guriceel

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka ka socdo magaalada Guriceel ee gobolka Gal gaduud, isaga oo baaq deg deg ah u diray ma daxda Galmudug iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna.

Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa labada dhinac ka dalbaday inay si shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka haatan ka socda Guriceel.

‘Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaan sho hor leh,” ayuu yiri mushar rax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu ku taliyey in xiisadda siy aasadeed ee u dhexeysa labada dhinac lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, si la qabooj iyo colaadda kasoo cusboonaatay Galmudug.

"Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnima da dowlad goboleedka Galamudug,” ayuu raac iyey.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa ku soo aad ayo, iyada oo haatan dagaal u dhexeeya laba da dhinac uu ka socdo waqooyiga Guriceel, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Halkan hoose ka aqriso:-BAAQ NABADEED

Xaaladda Galmudug Waxaan tacsi u dir ayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeyna yaa bogsasho degdeg ah. Waxaan ku baaqa yaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan.

Dag aalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasad da ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh. Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Gana csa tada, Haweenka dhallinyarada iyo dhamm aan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta co laadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada intee da kalena daawato.

Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iya doo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.

Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saa ray dagaalka Guriceel

Geerida Taliye Fayfle oo la filayo inay xiisad ka dhex-abuurto DF iyo Mareykanka

Geerida Taliyihii ciidanka Danab ee Galmu dug Cabdiladiif Axmed Fayfle oo Dorraad lagu dilay dagaalkii Guriceel ayaa la filayaa inay xii sad ka dhex abuurto dowladda federaalka Soo maaliya iyo dowladda Mareykanka.

Ciidanka Danab ayaa waxaa tababara oo mu shahaarkooda bixiya dowladda Mareykanka, waxaana loogu tal-galay oo kaliya inay la dag aalamaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u diiday isku dayo dhowr ah oo dowladda federaalka ay dooneysay inay ciidankaas ugu adeegsato da gaallo aan aheyn kuwa Al-Shabaab, waxaana ka mid ah dagaalkii Muqdisho ku dhex-maray ciidan Farmaajo taageersanaa iyo ciidamadii Badbaado Qaran ee kasoo horjeestay muddo kororsiga.

Geerida Taliye Fayle ayaa hadda dhaline ysa su’aalo la xiriira cidda amartay inay isaga iyo ciidankii Danab ee la dilay ay aadaan Guri ceel oo ay ka qeyb-galaan dagaal aan aheyn midka Al-Shabaab, kadibna halkaas lagu dilo.

Mareykanka ayaa Ahlu-Sunna u arka koox aw ood leh oo loo adeegsan karo in Soomaaliya laga cirib-tiro Al-Shabaab, waxaana inay daga alamaan kooxdaas iyo ciidankii ay tababareen ee Danab ay guul u tahay Al-Shabaab.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay u ma dax-banaan tahay inay ciidankeeda u ade egsato sida ay doonto, haddana Mareykanka maadaama uu bixiyo tababarka iyo mushahar kan Danab, wuxuu awood u leeyahay inuu jooj iyo.

Mareykanka wuxuu sanadii 2019 joojiyey kalamadii lacageed ee uu siin jiray ciidanka do wladda kadib eedeymo la xiriiray musuq-maa suq inkasta oo sanad kadib dib loo fasaxay kaalmada.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Dorraad sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage uu Taliye Fayfle ugu hanjabay in gabi ahaanba ciidanka laga saarayo, hadii uusan hoggaamin dagaalka."Waa ka xumahay warka la ii sheegay ee ah in Taliye Odowaa uu amar dul dhigay Taliye Fayfle ah in uu kala doorto in ciidamada laga saaro ama uu dagaalka galo, waa ayaan darro weyn dagaalka hadda socda oo lagu laynayo saraakiishii waxgalka ahayd,” ayuu yiri Fiqi.

"Taliye Fayfle waxaan ku wada jirnay dag aalkii labada bilood qaatay ee koofurta Mudug lagula jiray kooxda argagixisada ah, wuxuuna ahaa nin geesi ah, dulqaad badan isla mark aana mabda’ ay ka ahayd la dagaalanka arga gixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Fiqi: "Faataxada haloo maro Midowga Musharaxiinta”

Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmu dug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaki geliyay in Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ay taagee rsan yihiin dagaalka lagu qaaday ururka Ahlu-Sunna ee ka socda Guriceel.

Fiqi ayaa sidoo kale su’aal geliyay cidda hor taagan in war-murtiyeed laga mideysan yahay laga soo saaro xiisada dagaal iyo howl-galka ciidamada dowladda ee ka dhanka ah Ahlu-Sunna.

"Midowga Musharixiinta ee wax kasta ka hadli jirey ma haw lgalka Odowaa iyo Qaroole ayay taageersan yihiin!. Yaa hortaag an in warmurtiyeed arrinta Guri ceel laga soo saaro!?!?!

Faataxada haloo maro midowga!,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah Golaha ayaa Shalay si shaqsi ah qoraal uga soo saaray dagaalka Guriceel, waana midda tooshka kusii shiday aamusnaanta Midowga Musharaxiinta ay ku wajahayaan xiisadaas.

Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa laba da dhinac is-haya ka dalbaday inay si shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka haatan ka socda Guriceel.

"Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehel ada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeri yooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

"Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasa dda ee waxa uu abuura kala fogaansho hor leh. Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iya doo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.”

Xog ay Caasimada Online baahisay 8-dii bisha an ayaa waxay daboolka ka qaaday in Midow ga Murashaxiinta ay ku kala qeybsameen xii sadda ka taagan Galmudug, midaasi oo hor istaagtay in la soo saaro war-saxaafadeed lagu mideysan yahay.

Ilo-wareedyo ka tirsan Midowga Murashax iinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay kala noqdeen dhinacyo taageersan Ahlu-Sun na, dhinacyo taageersan maamulka Qoor Qoor iyo kuwa dhex-dhexaad ah oo aan meelna jirin.

Ma cadda sida uu khilaafkan ku dhammaan do ono, waxayse u badan tahay inaanu marnaba golaha soo saari doonin war-saxaafadeed wad ajir ah oo la xiriira xiisadda dagaal ee Ahlu-Sunna iyo Galmudug.

Xigasho Caasimada Online

Golaha Kacdoonka G/Hiiraan iyo Odaya asha dhaqanka Hiiraan oo si kulul uga Jawa ab celiyay hadal kasoo yeeray Yuu suf Dab ageed

Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan iyo Od ayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa si is ku mid ah uga jawaab celiyay hadal Dorraad ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka Hirsha beelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, kaa soo sheegay in magaalada Baledweyne uu im aanayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cab dullaahi Xuseen Guudlaawe.

Hogaamiyaha Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xu ud ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uusan im aan karin Baledweyne, islamarkaana aysan ji rin wax wadahadal ah oo dhexmaray Golaha Kacdoonka.

"Cali Guudlaawe iska keen Baledweyne maah an warka Dabageedna waa mid kicin dadweyne ah mana imaankaro Bale dweyne isagana ma keeni karo Cali Guudla awe, waxaan kalo cadeyneyna horayna aan u sheegay in diyaar aan u nahay in Baledweyne lagu qabto doorashada Golaha Shacabka Soo maaliya" Ayuu yiri Jenaraal Abuukar Xuud.

Waxaa sidoo kale si kulul uga jawaab celiy ay hadalka madaxweyne ku xigeenka Hirshabe elle Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo sheegay in Cali Guudlaawe uusan imaan karin Baledweyne, islamarkaana ay ogol yihiin in Bal edweyne ay ka dhacdo doorashada Aqalka Ho ose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

"Waxaan markale ku celineyna in Cali Gu udlaawe uusan Baledweyne imaan karin horay na waan u sheegnay hadana waan ku celine yna cid keeni kartana majirto, waxaana leeyah ay Yuusuf Dabageed Cali Guudlaawe hadad adiga ula baxday Cali Baraf anagana waxaan ula baxnay Cali xaasid, Cali dhibaato, Cali Imtixaan, sababto ah dhibaato iyo xasidnimo asaga ka hor Hiiraan maba ka jirin, marka go bolkiisa Sh/dhexe ha ku ekaado" ayuu yiri Nab adoon Xarago oo ka mid ah Odayaasha dha qanka gobolka Hiiraan.

Hadaladaan kasoo kala yeeray Golaha Kac doonka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka Hiir aan ayaa imaanaya xili Yuusuf Dabageed uu Dorraad magaalada Muqdisho ka sheegay in Baledweyne uu tagi doono Cali Guudlaawe in ta aysan dhicin doorashada Aqalka Hoose, wa xaana hadalka Dabageed uu imaanaya xili uu dhawaan sidoo kale Baledweyne uu ka dhex sheegay in wax walba oo tabasho ah oo ay qa baan reer Hiiraan la dhameyn doono doora shada kadib, waxaana hadalkiisa Dorraad uu markale cirka kusii shareeyay xiisada siyaas adeed ee ka dhaxeysa Hirshabeelle iyo reer Hiiraan oo markii horaba cakirneed.

Senator Mashruuc oo Rooble u diray far riin la xiriirta dagaalka Guriceel

Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Ma shruuc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shalayeyd soo saa ray baaq nabadeed oo ku aadan xiisada dagaal ee Gur iceel.Senator Mashruuc ayaa ugu horeyntii sheegay in dagaalka ka socda Guriceel uu dabaal-deg u yahay kooxaha argagixisada, ugana dhigan ya hay cadow isku jabay, sida uu sheegay

"Xabbadda Guriceel ka socota waxa kaliya ay dabaal deg u tahay kooxaha argagaxisada oo ay uga dhigan tahay cadow isku jabay. Waa in la joojiyaa dagaalka, lana aadaa dhanka ka shaqeysiinta caqliga, wada hadalna lagu dham eeyaa caqabadaha taagan, lagana baaqsadaa dhiigga inuu sii qulqulo,” ayuu ku yiri qoraal kiisa Senator Mashruuc.

Senator-ka ayaa ugu baaq Ra’iisul Wasaa raha Soomaaliya in uu si deg deg ah u fara-gel iyo xiisada dagaal ee Guriceel, oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan ho gaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

"Guryo ay tacsi taal, doorasho ayaan ka qa baneynaa caqli beniaadnimo iyo mid Dawlad nimo ma aha. Mudane Mohamed Hussein Ro ble, Raisal wasaaraha JFS waxaan ugu baaqa yaa inuu si deg deg ah u soo fara geliyo una is taago joojinta dhiigga walaalaha Soomaali yeed.”

"Guul, nabad, barwaaqo iyo Dawladnimo waarta ayaan u rajeynayaa Galmudug,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa Senator Max amuud Mashruuc.

Bashiir Goobe Oo Shalay Loo Dhaariy ay Xilka Uu U Magacaabay RW Rooble

Wasiiru dowlaha Cusub ee Wasaaradda Ho wlaha Guud Iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa Shalay lagu dhaariyey Xarunta Villa Hargeysa ee Ma gaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibra ahim Muudey, Guddoomiye ku-xigeenka laba ad ee Golaha Mahd Cabdalla Cawad, Xildhib aano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale.

Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa lagula dardarmay inuu dardar-geliyo shaq ada loo idmaday ee ah Wasiiru dowlaha ee Wasaaradda Howlaha Gu ud Iyo Guryeynta ee Xuku umadda xilgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaare Max amed Xuseen Rooble ayaa Dorraad Bashiir Goobe u ma gacaabay xilka Wasiiru dowlaha ee Wasaara dda Howlaha Guud, waxaana xilkaas 14 Janu ary 2020, iska casilay Madaxweynaha maamul ka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo xiligaasi ahaa Musharax madaxweynaha Galmudug.

Magacaabida Bashiir Goobe ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii habeenkii jimcaha gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee lagu soo afjaray khilaafka muddada u dhaxeeyay labada dhinac ee sababta u ahaa kala jabkii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabads ugida Qaranka.

Saciid Deni "Shacabku waxaa dib ugu soo laabanayo awoodda uu ku dooran karo Dadka ku metalaya Siyaasadda..”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulla ahi Deni ayaa sheegay in Maamulkiisa haddii uu ku guuleysto Tijaabada Doorashada Dadka Shacabka ee Qardho, Eyl & Ufeyn loosoo gud binayo Deegaannada kale ee Dowlad-Goboleedkaas.Siciid Cabdullaahi Deni Mada xweynaha Puntland waxa uu sheegay in haddii awoodda shacabka loo celiyo in ay ka dhalan karto mas’uuliyad iyo isla xisaabtan si meesha looga saaro xil isku dejinta aan waxba lagu qaban.

"Shacabku waxaa dib ugu soo laabanayo awo odda uu ku dooran karo Dadka ku metalaya Siyaasadda oo lala xisaabtami karo, waxaa me esha ka baxaya dhaxalka xafiisyada oo halk aan waxa aan ugu imid iyada oo la dhahayo qofkaan ku qor ehelkiisa ayaa ka dhintay boos kaan sidaas ma aha Dowladnimo” ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha DG Puntland ayaa shaaci yay in is aragga Shacabka & Shaqsiyaadka Xil doonka ah uu kordhayo marka codka dhanka rayidka ah uu ku xiran yahay, waxaana uu ugu baaqay in laga fiirsado Dadka loo codeynayo.

"Doorashada Shacabka waxaa ku xoogeys anaya Amniga waayo waxaa dadka dhex soco naya musharixiinta, waa cusub ayaa u baryay Puntland oo Madaxda ayaa waqti badan ku bix inaya Shacabka si codkooda ay u weydiistaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Deni.

25-ka October 2021 oo ku beegan Berri wa xaa Qardho, Eyl & Ufeyn ka dhacaya Doora shada Dadka rayidka ee Degmooyinkaas si loo tijaabiyo in Bulshada kale ee Deegaannada D/G Puntland u dooran karaan cidda ay doo nayaan.

Al-Shabaab Oo Goob Fagaare Ku Toog tay Nin Lagu Eedeeyay Inuu Fara Xume eyay Canug Yar

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee Dorraad goob fagaare ah oo ku taalla deegaanka Booco ee Bariga Gobolka Hiiraan ku toogtay Nin lagu eedeeyay inuu fal fara xu meeyn ku sameeyay Canug yar oo kamid ah dadka degaanka.

Al-shabaab ayaa goobta uu xukunka ku dhaca ayay isugu geeyay boqolaal dadweyne ah, si ay u daawayaan xukunkaas dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyay Ninka lagu eedeeyay inuu sameeyay falka fara xumeeynta ahaa.

Magaca Ninka dilka lagu fuliyay ayaa lagu she egay Cabdi Shakuur Muxumed Axmed, kaasi oo Maxkamadda Al-shabaab ku xukun ku ri day, laguna fulisay Dorraad, isla markaana wa xaa lagu toogtay fagaare ku yaalla deegaanka Booco ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay xukuno isugu jiray dilal iyo gacan goyn ugu fulisay rag lagu soo eedeeyay inay geysteen dembiyo ka la duwan oo ay ku jira fal sino ah iyo Arrimo

kale oo Basaasnimo ah.

Puntland Oo Ka Hadashay Dab Baabi’I yey Xarun Warshad Oo Ku Taalla Boos aaso

Dab aad u xoogan ayaa barqanimadii Shalay ka kacay Xarun Warshada Isbuunyada Tabaarak ay ku leedahay Magaalada Boos aaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana dabk aas uu socday saacado xiriir ah, balse markii dambe la demiyay.

Dabka ayaa waxaa gebi ahaan ku gubtay Matooro iyo qalab kale oo lagu sameeyo Isb uunyada oo yaallay Xarunta, isla markaana wa xaa deminta dabkaas xoogan ku guuleystay ga adiidka dab demiska dowladda Hoose ee Boo saaso iyo dadweyne badan.

Duqa Magaalada Boosaaso Cabdiqani Axm ed Ismaaciil (Deera dile) oo la hadlay warbaa hinta ayaa u sheegay in dabka ka kacay Xaru nta Warshada Isbuunyada Tabaarak uu geys tay khasaaro farabadan oo hantiyadeed, balse uusan geysan mid nafeed.

Waxaa uu sheegay Cabdiqani in dadaalo kala duwan oo la sameeyay lagu guuleystay deminta dabka oo socday saacado xiriir ah, wu xuuna tilmaamay in dabka uu baabi’iyey gebi ahaan wixii yaallay Xarunta Warshada ee agab ahaa.

Duqa Boosaaso ayaa xusay inay ka horta geen in dabka uu ku faafo guryo ka Agdhawaa Xarunta Warshada, sidoo kalena waxaana Ma amulka Warshada Tabaara uu sheegay inuu gaaray khasaaro hantiyadeed oo farabadan.

Webiga Shabeelle oo laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar oo xu bin ka ah Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle ay aa sheegay in cabsi xooggan oo la xiriirta Fat ahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle ay ka ta agan tahay Degmooyin katirsan Gobolka Shab eelaha Hoose.Xildhibaanka waxa uu sheegay in Dadka degen Degmooyinka Jowhar, Mahad aay & Balcad ay welwel ka qabaan in uu mar kale fatahaad ku sameeyo Webiga Shabeelle oo haatan buux dhaafiyay sida uu hadalka u dhigay.

"Jowhar, Mahadaay & Balcad weli dadka kama soo kabsan fatahaaddii uu ku sameeyay Webiga Shabeelle, waxaa la galay Xiliga dey rta oo biyo badan ayaa ku hooraya Webiga” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar.

"Buqda Boodaale ayaa Degmada Balcad ku furtay biyo badan weli lama xirin, xalka kel iya waa in la sameeyaa kahortag wadajir la isa ga kaashado si meelaha fatahaadaha uu ka sameynayo Webiga loo dhigo Jawaanno” ayuu yiri Xildhibaan Cumar.

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad uu ku sa meeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe April, May & June waxa ka dhashay barakac, dhul beereed badan oo ba’ay & burbur gaaray qaar kamid ah xaafadaha Degmada Jowhar.

Xukuumadda Federaalka & DG Hir-Shabee lle ayaa wadajir u sheegay in ay iska kaashan ayaan wax ka qabashada fatahaadda Webiga Shabeelle oo tallaabada keliya haatan la qaa do tahay in laga hortago inta uusan karkaarada jabsan.

Maamulka degmada Guriceel oo sheeg ay inay la wareegeen gacan ku haynta magaa lada

Maamulka degmada Guriceel ee Galmud ug ayaa sheegay inay si buuxda ula wareege en gacan ku haynta magaalada Guriceel, ka dib dagaal xooggan oo halkaas ilaa Dorraad ku dhexmarayay ururka Ahlu Sunna iyo ciidam ada dowladda.

Muuqaal lagu baahiyay warbaahinta dowla dda Soomaaliya, ayaa guddoomiye ku xigaan ka degmada Guriceel Cabdishakuur Axmed Fa arax, wuxuu ku sheegay in ay magaalada ka saareen dhamaan ciiddamadii Ahlusunna ee Dorraad ka dagaalamayay qeybo kamid ah magaalada.

"Ciidamada dowladda waxay gacanta ku ha yaan dhamaan degmada Guriceel, waxaa u su urta gashay inay gacanta ku soo dhigaan max aabiis fara badan oo ah dadkii ka dagaalama yay qayba ka mid ah degmada Guriceel." Ayuu yiri Cabdishakuur Axmed Faarax oo guddoom iye ku xigeenka Guriceel.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa shacabka ku sugan gudaha magaalada ugu baaqay in ay ka baxaan goobaha uu dagaalka ka socda, iya doo la ogyahay in guryo badan ay ku dhaceen madaafiic.

"Waxaan baaq u diraya dadka reer Gurice el ee ku sugan magaalada gudaheeda, waxaa magaalada ka socda howlgal deg deg ah kaas oo ay ciidamada dowladda ku raad joogaan Ahlu Sunna, waxaan dadka u sheegaynaa inay guryahooda ku nagaadan." Ayuu yiri Cabdisha kuur Axmed Faarax.

Si kaste ha ahaatee, wararka Guriceel ka imaanaya waxay sheegayaan in qeybo kamid ah laga maqlayo rasaas goos goos ah. Ciid damada Ahlsunna ayaa ku sugan waqooyi magaalada Guriceel.

Geeridiisa ka hor: "Ama geeri ama gurigey ga”

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga heyalayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale Shalay dib uga qarxay guda ha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.Dagaalka oo u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dha awac. Dagaalka Shalay ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ah taliyihii garoonka diyaaradahaDhuusamareeb ee ciidanka nab ad sugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye.

Marxuumka ayaa qeyb ka ahaa saraaki isha hoggaamineysa dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ku qaadeen ma gaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Cabdiqani ayaa daqiiqado ka hor geeridiisa Facebook-ga ku soo qoray ‘ama geeri ama gur igeyga’, wuxuuna ugu dambeyn ku dhintay dag aalkii qaraaraa ee ka dhacay halkaasi.

Dagaalka ka socda Guriceel ee lagu qaa day Ahlu Sunna ayaa noqday mid lagu hoob tay waxaana illaa iyo haddda ku dhintay dad kor u dhaafaya 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac, kuwaas oo wada is uruursi yo sidoo kale dhaq-dhaqa aqyo milatari iska soo horjeedo.

Dagaalkii Ugu Cuslaa Oo Ka Dhacay Guric eel Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Xalay

Wararkii ugu dambeeyay ee Xalay aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Gal gaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal goos-goos ah oo u dhex eeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Gal mudug iyo Ciidanka Ahlusunna.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa halka loo yaqaano Jaamacadda iyo xaafaddo kale oo ka tirsan Guriceel, isla marka ana waxaa uu yahay dagaalkaas mid culus oo dhinacyada ay isugu kala jiraan dhufesyo ad eg. Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca oo hel ay gurmad Ciidan ayaa Shalaydhicii Shalay we erar ku qaaday Ciidanka dowladda ee ku sug an agagaarka Saldhiga Booliska, waxaana hal kaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka fud fudud iyo midka Culus intaba.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaal amaya ayaa ka dhashay dagaalka socda, iya doo la sheegay inay dhinteen Saraakiil Ciidan oo ka kala tirsan Ciidanka dowladda, kuwa Gal mudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha inta uu la egyahay, waxaana Isbitaalada iyo Xarumo Caafimaad kale la gaarsiiyay dad qaba dhaa wacyo kala duwan oo isugu jira Askar, Sar aakiil Ciidan iyo dad shacab ah, mana jirto cid madax banaan oo khasaaraha xaqiijin karta.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa Xalay ku kala sugan halkii uu Shalayka ugu dhacay, wax aana la sheegay in Shalay Ciidamo hor leh oo gurmad ahaan u socda ay ku biireen Ciidanka DFS, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka uu Berri galo maalintii saddexaad.

Ciidanka Nabadsugida Jubbaland oo ka hort egay qarax lagu Aasay mid kamid ah waddooyinka Kismaayo

Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo sir doonka Jubbaland (JISA) ayaa fashiliyay mii nadan ay Al-Shabaab damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada reer Kismaayo sida ay sheegeen.

Howlgalkaan ayaa dhacay xaafada Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Hay’adda nabadsugida Jubbalandayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka shacabka eek u sugan Kismaayo ay kusoo wargaliyeen.

Hay’adda Nabad sugida & Sirdoonka Jubba land waxay uga mahad celinaysay shacabka magaalada Kismaayo sida quruxda badan ee kalsoonida leh ee ay ula shaqeynayaan laama ha amniga ugana qeyb qaadanayaan sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Ciidanka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Magaalada Kisma ayo kuwaasoo lagu xaqiijinayay Ammaanka Kismaayo.

Ugu yaraan 2 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay M/Kampala ee caasimadda dalka Uganda

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii uu qarax Sabtidii Habeen hore ka dhacay maqaayad caan ah oo ku taalla duleedka caasimadda Uganda ee Kampala.

Sida uu Boolisku sheegay, qaraxu wuxuu ka dhacay abaarihii 9 -kii fiidnimo ee xilliga bandowga, goob wax lagu cuno oo lagu maga caabo Digida oo ku taal kaniisadda Koma mboga.

Boolisku wali ma sheegin sababta dhabta ah ee qaraxa.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ay aa qaraxa ka dhacay caasimadda Kampala ku tilmaamay fal argagixiso, wuxuuna wacad ku maray in la ugaarsan doono kuwa ka mas’ uulka ahaa.

Ingiriiska ayaa 15 kii bishaan Octobar ka digay in argagaxisadu ay weerar ka geysan karto Uganda, laakiin booliisku waxay sheeg een inaan loo baahnayn in sare loo qaado heerka halista.

Afhayeenka booliiska Uganda Fred Ena nga ayaa xaqiijiyay jiritaanka unugyo katirsan kooxaha argigixisada oo ku sugan dalka Uganda, isagoo intaas ku daray inay socdaan dadaallo lagu burburinayo.

Bayaan ay soo saartay dowladda UK waxay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay aad uga taxadaraan ammaankooda, gaar ahaan meelaha dadku ku badan yihiin sida hoteellada, xarumaha gaadiidka iyo maqaayadaha.

Ugu yaraan 35,000 oo dalxiisayaal ka socda UK ayaa booqda Uganda sanad walba. Imaatinka dalxiisayaasha sanadlaha ah ee Uganda ayaa sii kordhayay in ka badan 1.5 milyan ka hor cudurka faafa ee coronavirus.

Madaxweynaha Uganda oo ka hadlay qarixii ka dhacay Magaalada Kampala

Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa qaraxii habeenkii Habeen hore ahaa ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Kampala ee uu ku dhintay halka qof ku tilmaamay inay suuragal tahay inuu ahaa fal argagixiso.

Qaraxa ayaa ka dhacay baar cunto laga cuno khamrina lagu cabo oo ku yaal waqooyiga magaalada.Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in laba nin ay soo galeen baarka fiidnimadii Sabtida.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku tilmaamay fal argagixiso , wuxuuna sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwii ka dambeeyay.

Duqa magaalada ayaa BBC -da u sheegay in dadka ku nool aagga ay cabsi qabaan oo ay la yaaban yihiin sababta uu qof u beegsanayo xaafaddooda.

Masuuliyiinta Uganda ayaa dhawaan ku eedeeyay jabhadda ADF ee fadhigeedu yahay Congo inay maleegayaan weeraro argagaxiso ah.

Bishii Agoosto boolisku waxay sheegeen inay fashiliyeen qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday aaska taliye ciidan oo ay ka soo qaybgaleen saraakiil sare oo milateri iyo siyaasadeed.

Taliska Booliska Gobolka Bari Oo Shalay Amar Cusub Soo Saaray

Taliska Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa Shalay oo Axad ah soo saaray amar cusub oo lagu sugayo amniga degmooyinka Gobolkaas, xili berri la filayo inay

ka dhacdo degmo ka tirsan Gobolkaas doorasho qof iyo Cod ah.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in la xiriri doono isku socodka gaadiidka ee degmooyinka Gobolka, laga bilaabo lixda Maqribnimo ee Xalay, iyagoona gaadiidleyda lagu wargeliyay amarka lasoo saaray.

Sidoo kale Taliye Xuseen Cali ayaa laamaha amniga qeybahooda kala duwan faray inay sugaan amniga degmooyinka Gobolka Bari, xili degmada Ufayn oo ka tirsan Gobolkaas ay doorasho qof iyo Cod ah ka dhacayso.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa Bulshada ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca, maadaama doorasho ay ka dhaceyso degmada Ufayn.

Ururada Bulshada Rayidka Oo War Kasoo Saaray Dagaaladii Ka Dhacay Guriceel

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa War kasoo saaray dagaaladii khasaaraha badan dhaliyey ee Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug, iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

War-saxaafadeed kasoo baxay Ururada Bulshada ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin dagaaladii dhacay oo ay sheegeen in wax ka badan ka digayeen khilaafka ka jira deegaanada Galmudug inuu isku bedelo gacan ka hadal, taasi oo dhacday.

Ururada Bulshada ayaa Maamulka Galmudug iyo hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, si looga baaqsado dhibaatooyin hor leh oo ku dhaca dadka shacabka ah, iyagoona xadgudub ku tilmaamay in shacabka lagu kor dagaalamo. Sidoo kale Ururada Bulshada ayaa waxaa ay tacsi u direen dadkii ku geeriyooday dagaaladii xooganaa ee Dorraad ilaa iyo Habeen hore ka dhacayay Guriceel, una dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, iyagoona Caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

Ugu dambeyn Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa Waxgaradka, Odayaasha dhaqanka iyo Culimada ugu baaqay inay u istaagan sidii qof dambe ugu dhiman khilaafka siyaasadeed eek a jira deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.

In ka badan 25 ruux oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan oo uu kamid yahay Taliyihii Ciidanka DANAB ee Maamulka Galmudug Cabdiladiif Feyfle iyo Saraakiil kale ayaa ku geeriyooday dagaaladii Guriceel, halka afartameeyo qof kalena ay ku dhaawacmeen….

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Ururada Bulshada.



AFAR ARRIN OO SABAB U AH INAY MUCA ARAD KA KA AAMUSAAN HESHIISKA FARMAAJO IYO ROOBLE


Mucaaradka Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha waqtiga ka dhamm aaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labada nin ayaa si weyn isugu fogaaday labadii bilood ee uu khilaa fkooda bannaanka yaalay, waxaana ugu dambeyntii lagu guuleystay in lasoo afjaro xiisadaas.

Heshiish 6-qodob ah ayey kala saxiixdeen, waxayna labada nin isla garteen in la dadajiyo doorashada Soomaaliya oo si weyn dib ugu dha cday.

Mucaaradka intii uu socday dagaalka Farmaajo iyo Rooble dhextaal ayey u ahaayeen xiisadda, waxaana qaarkood loo arkayey inay xiisadda sii hurinayaan.

Ra’isul wasaare Rooble oo maalmihii dambe ku dhawaa mucaaradka ayaa qaatay heshiis u muuqday in isaga iyo Farmaajo isku garab dhac een, laakiin wax soo dhaweyn ah kama helin mucaaradka ama dhinaca midowga Mushariiinta oo si weyn uga hadlayey xaaladda intii uu dag aalka jiray.

Madaxda maamul Goboleedyada oo iyagana ka hadlay khilaafkii ka dhex jiray madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaan ka hadlin hesh iiskii labada nin la kala dhex dhigay.

Waxay dadka intooda badan is waydiinayaan sababta ay heshiis kaan uga gaabsadeen inay ka hadlaan Mucaaradka oo ay ku diideyn inay booggadiyaan, waxaana la rumeysan yahay inay sabab u tahay qodobada soo socda:

1 TUHUN DIB U DHAC AH

Qaar ka tirsan xubnaha mucaaradka ayaa laga soo xigtay in madaxwe yne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble ay ku heshiiyeen

in la daahiyo doorashada oo xaawaraha la dhimo si ay maalmo dheeri ah isaga sii joogaan xafiiska, taas oo aysan faa’ido ugu jirin muca aradka.

Mucaaradka waxay badankood aaminsanaayeen inuu Rooble si weyn uga fogaaday Farmaajo uuna dadajin doono doorashada si meesha looga saaro kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Laakiin hadda waxaa u sawiran aragti taas ka duwan oo ah in Rooble lagu qanciyey inaysan wax dan ah ugu jirin dadajinta door ashada .

Inkastoo qodobadii heshiiska Rooble iyo Farmaajo ay ku jirtay in si deg deg ah loo qabto doorashada, haddana xubnaha mucaaradka qaark ood waxay arrintaas u arkaan inay tahay jiliin.

2- RAJO LAGA QABAY ROOBLE

Xubno kamid ah midowga musharixiinta ee mucaaradka ayaa filayey inuu Rooble la noqon doono shirkad siyaasadeed ama inuu dhisi doono, maadaama isaga iyo Farmaajo kala fogaadeen, laakiin dib isku soo laabashada labada nin ee dalka ugu sareysa xilligaan ayaa hoos u dhigtay rajada musharixiin badan oo naf ka raadinayey Ra’isuwasaare Rooble.

3- KIISKA IKRAAN TAHLIIL

Xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka ayaa laga soo xigtay in heshiiska Farmaajo iyo Rooble uu inkiray xaqqa Ikraan Tahliil Faarax oo ahaa sababtii ay markii horeba u garab istaageen Ra’isul wasaaraha, maadaama uu heshiiskaasna daciifiyey kiiska waxay sheegeen in aysan jirin sabab ay u taageeraan.

4- DIB USOO LAABASHADA FARMAAJO

Mid kamid ah qodobada loo maleenayo inay mucaaradka uga dhuunteen inay taageeraan heshiiska Farmaajo iyo Rooble waa inay dareemayaan in heshiiskaan uu dib usoo nooleenayo Farmaajo oo hadda heli kara garabka Ra’isulwasaare Rooble ama ugu yaraan ka hortagi kara inuu Rooble ka hor istaago faragelinta uu waqtiga dheer la damacsanaa doorashada dalka.

By:- Abdullahi Osman Farah

Xigasho:caasimadda.net


FILIM SOOMAALI AH OO NOQDAY KAN UGU WANAAGSAN AFRIKA


 

Filimka Soomaaliga ee "The Gravedigger’s Wife” (Xaaska Qabri Qodaha) oo uu sameeyey Khadar Ahmed ayaa ku guuleystay abaal-marinta ugu sarreysa ee Bandhigga Filimada Afrika (FESPACO) ee lagu qabtay dalka Burkina Faso.

Khadar Ahmed, oo ah 40 jir haysta dhalashada Finland, ayaan Habeen hore ku sugneyn xafladda si uu u guddoomo abaal-marinta Golden Stallion, hase yeeshee waxay shaqadiisa ka guuleysatay 16 filim oo kale oo African ah oo kaalinta koowaad kula tartamay.

Aflaanta kale ee tartanka la galay ayaa waxaa sameeyey agaasimeyayaal ka socda 15 dal oo African ah.

Kooxda xeer-beegtida ee go’aanka ka gaartay filimada tartantaka galay ayaa waxaa hoggaaminayey filim soo-saaraha u dhashay dalka Mauritania Abderrahmane Sissako, oo sanadkii 2015 billadda aadka loo raadiyo ee Faransiiska ee Cesar ku helay filimkiisa "Timbuktu”.

Sissako ayaa yiri "biladda Golden Stallion waa tan ugu sarreysa ee filim sameeye African ah uu ku guuleysan karo, waa wax aad loogu farxo.” Filimkan ayaa horraantii sanadkan wuxuu abaal-marinta filim sameeyeyaasha cusub ka helay banhdigga filimada Cannes. Waxa uu ahaa filimkii ugu horreeyey ee dhameystiran ee uu sameeyo Khadar.

Khadar Ahmed ayaa ku koray Soomaaliya kahor inta aanu u guurin Finland, waxaana filimkiisa maal-geliyey dalalka Finland, France iyo Germany.

Bandhigga Filimada Afrika oo markii ugu horreysay la qabtay 1969-kii ayaa waxaa labadii sanaba mar lagu qabta caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou.

Dhacdadan ayaa waxaa aad ula socda shirkadaha filimada ee Mareykanka iyo Yurub oo ka raadiya aflaan cusub, fikrado iyo xirfadleyaal.

CUDUR DAAR :-MAAMULKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES

Maamulka Wargeyska Mogadishu Times wuxuu ka Cudur Daa rana yaa Qaladaad Dhinaca Farsamada ah ee uu ku soo baxay Cadadkii Shalay ee wargeyska oo Qeybo ka mid ah Bogaggiisa dhinacyada Taariikh da,sanadka iyo Bisha ah .

Haddaba Maamulka waxan uu kaga Cudur-Daaraneynaa in 5 Bog ee kala ah 2 aad ilaa- 6aad ay ku soo baxeen dhinaca Hiiidharkooda:-

SI QALAD AN OO AH AXAD 24-KA MAARSO 2020-KA, SANADKA 27 AAD Tirsiguna ahaa mid sax ah.

Hase yeeshee SIDA SAXDA AH AY TAHAY SID AAN:-AXAD,24-KA, OCT. 2021-KA,CADADKA, 65597-AAD SANDKA 28-AAD.

Haddaba Ma Qaldame waa Ilaahey Raal igelin ayaan Akhristayashe na sharafta badan iyo Macaamiisheena Qaalliga inugu ahba kaga dal baneynaa qaladkaas oo dhanka farsamada ah Mar waliba waxaan jecel nahay in aad naga hesheen adeegyadiina dhinaca Aqbaaraadka iyo Ho wlaha Adeegyada bulshada aanu heyno inaan ka habtirno 

MAHADSANIDINKA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip