Rasmi: Neymar Oo Seegi Doonta Tartanka Qaramada America Ee Xagaagan Ka Dhici Doona Mareykanka, Maxay Tahay Sababta ?

0
Thursday April 21, 2016 - 11:24:58 in Sports News by
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi: Neymar Oo Seegi Doonta Tartanka Qaramada America Ee Xagaagan Ka Dhici Doona Mareykanka, Maxay Tahay Sababta ?

    Neymar ayaa seegi doona tartanka Copa America ee xagaagan ka dhici doona dalka Brazil kadib markii ay kooxda Barcelona iyo xulka Brazil isku af garteen in xidigaan uu ka qeyb qaato kaliya tartanka Olympic-da aduunka oo ka dhici doona dalka Brazil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neymar ayaa seegi doona tartanka Copa America ee xagaagan ka dhici doona dalka Brazil kadib markii ay kooxda Barcelona iyo xulka Brazil isku af garteen in xidigaan uu ka qeyb qaato kaliya tartanka Olympic-da aduunka oo ka dhici doona dalka Brazil.

Xidigaan ayaa markii hore dhexda kaga jiray dagaal koox iyo wadan ah iyadoo Barca ay ogoleyd inuu kaliya hal tartan ciyaaro halka Brazil ay dooneysay inuu labada tartanba ka qeyb galo.

War rasmi ah oo aay soo saartay Barca ayaa lagu yiri "FC Barcelona waxay uga mahadcelineysa xiriirka kubada cagta Brazil ee Brazilian Football Confederation iyo madaxweynahooda Marco Polo del Nero, iney aqbaleen hindisaha ah in kooxda ay jeceshahay in Neymar uu kaliya ka qeyb galo tartanka Olympic-da ee dhacay inta u dhexeysa August 3 ilaa 21.

"Sida ay natiijada tahay, Neymar Jr waxaa laga saari doonaa xidigaha ciyaaraya Copa America oo ka dhacaya dalka mareykanka inta u dhexeysa June 3 ilaa 26.”

neymar

Warkaan ayaa farxad u ah kooxda Barca maadaama Neymar ay haatanba ka muuqato daal aad u badan maadaama uusan afartii xili ciyaareed ee uu xirfadlaha ahaaba helin nasiino ku filan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip